SAADO: GEENYADII GALBATEY IYO HALAQII LABA AFLAHA (Qoraa sare:Muxyadiin Xuseen Ciid)

GEENYADII GALBATEY IYO HALAQII LABA AFLAHA

 

Saado allaha ha naxariistee, ruux walboo diley, una diidey nolosha ay aduunka ku laheyd, waxaa jira mid ayan u diidi Karin, dhaxalna ay u laheyd ayadu, waa magaca iyo murtidii ay soomaali uga tegtay ayada oo xaqa u hiilineysa. Si walba oo loogu fakarey in la aamusiyay Saado Cali, waxaa adag in la aamusiyo ama la aaso dhaxalkii ay ka tagtey.

Ma ayan aheyn fanaanad kaliya, ee waxa ay dheereyd hablaha kale ee faniinta ahaa ayaa waxa uu ahaa in ay dareemeysay in masuuliyad ka saran tahay dadkeeda Soomaaliyeed, tanoo ku qasbeysay in ayan afka ka ceshan siyaasadihii iyo dabinadii lagu kala dilayay bulshada Soomaaliyeed.

Saado waxa u dheereyd taas waxa ay aheyd in qabyaalada dadkii u istaagey ka hortageeda ay ugu horeysay, waxa ay qayb ka aheyd kacdoonadii kacaanka iinihiisa loogu tilmaamayay.

Waxa ay aheyd gabadha kaliya ee Silsiladii Deelley qaybta ku leheyd.
Waxa ay hormood ka ahyed Ruwaayadii Alleylehe Shil Baa dhacay ee Abwaan Abdi Muxumed Amiin. Ayadoo aheyd gabadhii kaliya ee si toos ah u tilmaami jirtay khaladaadkii kacaanka.

Waxaan xasuustaa 1989-kii in laga reebey fanaaniinta Waaberi oo dibada u soo baxeysa kaligeed, ka dib wareysi ay siisey BBC-da, ayay ayada oo Muqdisho ku suga waxa ay lahey “Nabad sugida ayaa Dayaarada iga reebey”.

Waxa ay ka gubatay dagaaladii waqooyiga ka dhacayay ayadoo tixaha hoose ay ka mid yihiin heestii ay si talantaali ah u wada qaadayeen iyada iyo khadra Daahir.

“DHAADHAAN HADAAH AHAY ADNA DHOOHANAAD TAHAY” https://www.youtube.com/watch?v=CoV1ON7lWhA

 

 Markaad adigu dhimataa
naftu iga dhaqaaqdaa
Markaad adigu dheregtaa
dhibaatadu I deysaa
Dheehaagan wacan baa
 aniguna ku dhaashtaa

Dhaxalkii ad reebtaa
dhitadaydu noqotaa
Markaan soo dhowaadana
waad iga dhaqaaqdaa
Ana kuma dhegaystee
anoon dhuumanayn baan
Dhegaha kaa furaystaa.
Wixii adiga kaa dhumay
Anigana I dhaafyoo,
dhaan-dhaan hadaan ahay
Adna dhoohanaa tahay
dhulkan kala fogaadiyo
Labadeenan kala dheer
yeysu soo dhaweeya

Dhismihii adkaan jiray
inaan kala dhaltaalaa
Dhegxumo iyo yaab iyo
talo dhacantay weeyee
Dhaxdin baan wadaagnee
aayaha dhasheeniiyo
Midnimada ma dhowrraa

Labaatan iyo afartii sano ee Soomaali dalanbaabiga ku jirtay Saado dhexdaa u xirneyd, waxa ay afkeeda ku taageereysay Soomaalida dhibaateysan, ayada oo dhinaca Kenya iyo Ethiopia ka hadashay qadiyada uga aadan.

Waxaa weli aan la hilmaami Karin in ay aheyd fanaanada kaliya ee tagtay xeryaha qaxootiga Soomalida Kenya, si ay u aragto noloshooda maalmana ula soo qaadato.

Waa maxay masuuliyada ceynkaas ah oo Saado kaliya saarneyd? Anagoo og in Madaxdii 24sano ee lasoo dhaafey Soomaliya soo maray iyo siyaasiyiintii loolameysayba ay u garanwaayeen shacabkooda Soomaliyeed ee daruufta ceynkaas ah ku sugnaa (MARKA LAGA REEBO AXMED SAMATER OO ISNA TAGEY XERYAHAAS).

Soomaaliya ma ayan waayin fanaanad, waxa ay dilkaan ku waayeen qof Hormood u aheyd Haweenkayaga Soomaaliyeed, kaalinweyna kulaheyd ilaalinta midnimada iyo jiritaanka Soomaaliyeed.

Waxaan dilkan ku weynay qof in badan oo raga Soomaliya meesha ay taal dhigey manta ka hortaagneyd in ay meel ka xun u sii jiidaan.

https://www.youtube.com/watch?v=kYnnaoeLlm0

 

War aan wada tashano
Wada tashan meyno
Aan kala Tashano
Kalatashan meyno
Aan kuu taliyo.  
Ii talin maysid

Adigu ii tali walal
kuu talin maayo

Hadaba aan kala tagno
kali tagimeynee tabtaas ayay noo ahaaneysaa.


Saado Raxmad ilaah ha siiyee, ma ayan aheyd mid talada Soomaliya ee raggu isku koobey aaminsaneyd in ay kali garwadeen ka noqdaan ayada oo caqliga ifineysay in hogaanka iyo taladu ku xirnaato.

Tixahan hoose oo aan kusoo koobi Karin shaqsiyada iyo cida Saado aheyd ayaan ugu hibeeyay in ay ahaadaan qayb ka turjumeysa xasuusteyda cida Saado aheyd iyada oo aan filayo in Soomaalina xusi doonto baalka ay taariikhda ku yeelan doonto.

Kuwii dileyna in ay ku khasaareen aasida Saado ayaan uga tagi lahaa, magaceeduna inta Soomali nooshahay la xasuusan doona taas oo raad u noqonayaan waxa ay nooga tagtay.

HALYEEYAD WADAN BEY AHEYD
HORMOOD DUMAR BEY AHEYD
HOOYADII FANKA BEY AHEYD
U HEELAN DANTEENA OO
HABEENO U SOO DHAXDO
HAMIGEEDII SOMALIWEYN
MARNA ANAN HAREERMAREYN

HIIL IYO GARASHEY LAHEYD
HALABUR SARE BEY ALHEYD
HIMILO QARAN BEY LAHEYD
XAQOY HAGTO BEY LAHEYD
RUNTOY HADASHOY LAHEYD
HANAAN QURUX BAY LAHEYD
EEBE UGU HIILIYOO
HIBO UGA DHIGEY NAFTED

GEENYADII HAWD KA TIMID
HAADA MIYEY WADHEEN?

WARAABAHA YAW HALIGAY?

YOW HADOODILEY GOODIRKII?
DUGAAGII KU HOOMSANAA
HILBAHEEDII DAADAJEE
HAMUUNYADA BAAS U QABAY
TOLOW YEY KU HEYB YIHIIN?


MADUULKII HABOOWSANAA?
MISE HALAQ LABA AFLAABA HALEY.

 

RABBOW HOY UGA YEEL
HARKII JANADII WACNEYD

Aamiin aamiin

Muxyadiin Xusseen Ciid
alcarab1@yahoo.co.uk





Albaabka Adeega Caafimaadka Beljamka

Hogaan ama Garwadeen W/Q: Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )

HARDANKA LOOGU JIRO HANASHADA SOOMAALIYA BY Abdulqaadir Ibrahim axmed

Allaha u naxariisto Xaydar Maxamed Maxamuud oo dhawaan ku geeriyoodey dalka Hindiya

Soomaalaay Qaranku Aw Cali oo kale ayuu u baahanyahay

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJACUUN Maamo Xaawo Farax Xasan Cade

EID MUBARAK DHAMAAN MUSLIMIINTA IYO SOOMAALIBA

Maqaal: Aragtida Dhimatay iyo Carabnimada Soomaalida

Salaantii Ciida oo ay is-dhaafsadeen Sultan Cabdalla iyo Boqor Burhaan.

Ramadan: Time for Muslim Rulers to Reflect on Ethical Governance

US on collision course with China in the Red Sea .ABUKAR ARMAN

Sultan Abdalla Bin Eissa held a meeting to review the developments on the ground and the importance of protecting the stability of the Almahra and Socotra

Shirweynaha Ururka Caafimaadka Xoolaha iyo FAO ee ka hortaga Cudurada Faafa uga qaybgalay dalka Ivory Coast(Sawirro)

ICRC: Activities in Somalia from January to December 2014

General Ahmed Qahtan " we declared that our against of joining Hathramout Federal Region. The Mehris has a right to decide their future and may have better options that are suitable for them".

Maansadii ISMA ORAN Muxyadiin Ciid 2007 dib u milicsi wacan

WASIIR SACIID CIID AYAA KA TACSIYEYNAYA GEERIDA EX-XILDH DAHIR KELLI IYO MUDANE CALI AXMED NUUR

Munaasabad uu xilka kula wreegay wasiirka cusub ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Saciid Xueen Ciid

Al-Haji Yaziin Xassan Ciid ayaa waxa uu ka tacsiyeynayaa Geerida ku tim RW Cumar Crashiid

Dr: Cabdulqaadir Cali Askar iyo Reer Cali Askarba waxa u tacsiu dirayaa Reer Cabdirashiid Cali iyo Reer Macalin Daahir

Dr Abdiweli Gaas oo ka tacsiyeeyay Geerida Xaajiyo Ruqiyo Macalin Daahir AUN

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa oo ka tacsiyeeyay Geeraida Xaajiyo Ruqiyo Macalin Daahir

Guud ahaan Reer Sharmaarke ayaa Tacsi u diraya RW Cumar Cabdirashiid Cali

TACSI:Xaajiya Ruqiya Macalin Daahir Cali Boss oo aheyd Hooyada R/W CUMAR Allaha u naxariisto

Dowladda Oman ” Waxaan diyaar u nahay xoojinta xiriirka nagala dhaxeeya Soomaaliya”. Jan 19, 2015

Tacsi Guuleed Maxamed Siyaad Barre Allaha u Naxariisto

Sultan Cabdalla Bin Ciise Al Cafraar oo ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta laheyd ee DR Xassan Xaaji Al Cafraar

TACSI: DR: XASSAN XAAJI ABUKAR AL CAFRAAR OO LONDON KU GEERIYOODEY ALLAHA U NAXARIISTEE

Somalia to rewrite contracts in response to corruption concerns By Katrina Manson in Nairobi

UK HOUSE OF COMMON: President Mohamud on the back foot while al-Shabaab attacks continue

Maansadii: Marinhabowga Qarannimo ee aan maalmaha XORIYADA U TIRYAY 1 JULAY 1960

American-Somali relations: What’s in the words? by Abukar Arman

TACSI: Macalin Abdi Jama Warsame (ALLAHA U NAXARIISTO) OO DHAWAAN GEERIYOODAY

YUU AHAA SULTAN ABDALLA BIN SULTAN ISSA AL AFRAR “MAHRA IYO SOQODRA”? QALINKII: Muxyadiin Xusseen Ciid 30/05/2014

QAYB KA MID SAWIRADII SULTAN ABDALLA BIN ISSE INTII UU KU SUGNAA PUNTLAND

المهرة اليوم - خاص استقبلت الجالية المهرية في الصومال السلطان عبدالله بن عيسى بن عفرير باكثر من سبعين سياره وكان على راسهم مشايخ قبائل المهرة ( بن نيمر + الجدحي + بن عتوني + السليمي + وبن عفرير ) وج

قبائل الدارود الصومالية تنصب ملكا جديدا

SAWIRADA CALEEMASAARKA BOQORKA DAAROOD

Security in Kenya Little law, less order Crime, terrorism and police abuse are all rising together

CAMDEN:Father of man stabbed to death in Camden Town street calls for peace

TACSI: REER SHIRE MAXAMUUD OO KA TACSIYEYNAYA GEERIDA MAAMA MARYAN

Daily Nation: How Somalia aid cash funds Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadnaqay madaxda dalka Isutaga Imaadaarka Carabta

Car Bomb: President Hassan Sheikh Mohamud has called the UN envoy to Somalia to say he was not harmed during the attack, envoy Nick Kay has tweeted

Insight - Graft allegations test West's ties to Somali president (REUTERS)

Somalia president dismisses US criticism

SAWIRADII AASKA MARXUUM A/RISAQ HAJI HUSSEIN ALLAHA U NAXARIISTEE

TACSI ALCARAB HALYEEY ABDIRIZAK HAJI HUSSEIN iyo Dr ABDI ASIS NUR HIRSI ALLAHA U NAXARIISTO

Somalia’s other pirates – the telecom companies and remittance companies

ALCARAB HAMBALYO MADAXWEYNAHA CUSUB EE PUNTLAND