YUU AHAA SULTAN ABDALLA BIN SULTAN ISSA AL AFRAR “MAHRA IYO SOQODRA”? QALINKII: Muxyadiin Xusseen Ciid 30/05/2014

YUU AHAA SULTAN ABDALLA BIN SULTAN ISSA AL AFRAR “MAHRA IYO SOQODRA”?

QALINKII: Muxyadiin Xusseen Ciid
30/05/2014

 

Safarkii uu dhawaan uga qaybgalay caleemasaarka Boqorka Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse, Madaxweynaha Dadyowga Suqadara iyo Al-Mahra, ahna Sultanka guud ee shacabka Mahra, Sultan Abdalla Sultan Isse Sultan Ali Al-Cafrar, ayaa runtii aheyd mid taariikhda baal dahab ah ka gashay, tanoo aheyd booqashadiisii ugu horeysay ee Sultanka Mahra iyo Suqadara cagaha ku soo dhogo gayiga Soomaaliyeed, qaasatan dhulka Puntland.

 

Yuu Ahaa Sultan Abdalla Bin Sultan Isse.?

 

Sultan Abdalla, waxa uu ka soo jeedaa qoys taariikh mug weyn ku leh hogaanka Mahra, waxa uuna ahaa faraca Sultaankii ugu danbeeyey ee xukumi jirey Al-mahra iyo Suqara, allaha u naxariistee Sultan Isse Bin Sultan Cali.

16 Oct 1967, Sultan Cisse Bin Sultan Cali Al afrar, waxa xoogagii shuuciyada ee Yement koonfureed una dagaalamayay xornimada cagta marsheen Sultanadii Mahra, ayaga oo gacan ka helayay kooxo Mehri ah oo doonayay in la mideeyo Koonfurta Carabiya iyo hogaankii Yementa Koonfureed ee Cadan fadhiyay.

Laga bilaabo   1549, ayaa waxa talada MAHRA gacanta ku hayay Faraca Al-Cafarar ayada oo loogu yeeri jirey Sultanada Mahra ito Suqadara, kuwii ugu danbeeyay laga soo bilaabo 1750, waxa ay kala ahaayeen sidan

CALANKII DOWLADII Mahra iyo Soqodra


Calankii Sultanada AL-Cafrar

Sultans

- Banu `Afrar dynasty -

c.1750 - 1780              `Afrar al-Mahri 
c.1780 - 1800              Taw`ari ibn `Afrar al-Mahri 
c.1800 - 1820              Sa`d ibn Taw`ari Ibn `Afrar al-Mahri 
c.1834                     Sultan ibn `Amr (on Suqutra) 
c.1834                     Ahmad ibn Sultan (at Qishn) 
1835 - 1845                `Amr ibn Sa`d ibn Taw`ari Afrar 
                             al-Mahri 
1845 - 18..                Taw`ari ibn `Ali Afrar al-Mahri 
18.. - 18..                Ahmad ibn Sa`d Afrar al-Mahri 
18.. - 18..                `Abd Allah ibn Sa`d Afrar al-Mahri 
18.. - 18..                `Abd Allah ibn Salim Afrar al-Mahri 
1875? - 1907               `Ali ibn `Abd Allah Afrar al-Mahri 
1907 - 1928?               `Abd Allah ibn `Isa Afrar al-Mahri 
1946? - Feb 1952           Ahmad ibn `Abd Allah Afrar al-Mahri 
Feb 1952 - 1966            `Isa ibn `Ali ibn Salim Afrar al-Mahri

16 Oct 1967                ayaa ah mudadii sulatanada Mahra afka ciida la gashay.

 

Bortaqiiska ayaa mudadii u dhaxeysay 1506 - 1512  Soqodra ka qabsadey SULTANADII MAHRA, labadii taliye ee xiligaas kala maamulayay Soqodrana waxa ay kala

Portuguese Governors (Taliyayaashii Soqodra ee Bortaqiiska ahaa)
1506 - 1509?               António de Noronha  
1509 - 1512                Pero Ferreira Fogaça  

Dagaal adag oo ay sultanadii Mahra la gashay Bortaqiiskii ayay 1512 uga saareen Jasiirada. Taariikhdu markii ay aheyd 1834, ayaa xukuumada British-ku isku dayday in ay ay iibsato Jasiirada, ayadoo Sultankii xiligaas Joogay uu ugu jawaabay hadalkii taariikhda galey ee uu ku yiri “ JAZIIRADA SUQADARA WAA HADIYAD DADKA MAHRA UU ILLAAH SIIYAY, HADIYADAA ILLAAH NA SIIYAYNA QIIMA WALBA DHAAFSAN MAYNO” . Balse markii taariikhdu aheyd 1886, ayaa Sultankii xiligaas Ali ibn `Abd Allah Afrar al-Mahri ogalaadey in ay noqdaan Maxmiyad Britishka hoos timaada.  Sawirka hoose ayaa Passport-kii Maxmiyadii Al-Mahra iyo Soqodra ee Sultan Isse Bin Ali hogaaminayay

 

Geeridii aabihiis Sultan Isse Bin Ali, 1967, ayaa qoyska Sultanka waxaa magangalyo siiyay Dowlada Sacuudiga, halkaas oo Abdalla Bin Isse uu ka noqday Shiikha Mahriga ku nool Sacuudiga.

08/07/2012, ayay ahey markii shacbiweynaha Mahra iyo Soqadra go’aansadeen soo celinta Sultanadoodii, iyadoo wafti ka badan 50gaari ah ay xuduuda Cumaan ka soo galeen Gobalka Mahra, waftigaas oo uu hogaaminayay Sultan Abdalla Bin Sultaan Isse, taasoo shacabkii Mahra-na ayagoo caleemo qoyan, calankii mahra iyo sawiradii Sultankaba kala hortagay.

Shirkii dheer ka dib 17/07/2012, ayaa waxaa lagu doortay Gole Fulineed iyo Baarlamaan, kulmiya qabaa'ilka Mahra iyo Suqadara. Waxaana Madaxweyne loo doortay Sultan Cabdalla Bin Sultan Isse, asagoo noqday Madaxa guud ee Mahra iyo Suqadaraba, ahna Sulatanka Mahra iyo Suqadaraba.

Waxaa la isku raacay Baarlamaanka Suqadara iyo Mahraba in uu noqdo 42 Xildhibaan iyo 12xubnood oo noqondoona gudiga fulinta, ayadoo labadaba ay hoos imanayaan Sultan Abdalla Bin Sultan.

Bashiir Xassan Abubakar Al-cafraar, oo ahaa xubintii Mahra Soomaaliya u mataleysa shirkaas ayaa loo doortay in uu noqdo Madaxa Xiriirka Dibada.

Mudo bilo ah ka dib Sultan Abdalla waxa uu ku noqday Jasiirada Suqadara oo asaga oo caruur ah laga kaxeeyay1967, halkaas oo uu ku laabtay Qasrigii Sultanada Aabihiis fadhin jirtay, Riix halkaan   http://www.youtube.com/watch?v=2MP88RjA7Zg

Tan iyo soo noqoshada Sultanka Mahra iyo Soqadra, waxa ay wax ka badashay sawirka qariidada Yemen, waxana siyaasda Sultanka Mahra noqotay si loo ilaaliyo midnimada iyo wada jirka Yemen, in la qaato nidaamka Federaalka si shucuubta tirsaneysa in maamuladii shuuciga iyo Yementa WAQOOYIBA KU GABOOD FALEEN u helaan xaqooda, tanoo ay u dhowdahay in dhawaan lagu dhawaaqo ismaamulka Mahra iyo Soqodra.

Sultan Abdalla waxa uu xiriir siyaasadeed kala dhexeeyaa wadamada dariska la ah Yemen iyo aduunka kaleba.

Siyaasadiisa ku aadan Soomaaliya ayaa waxa sal u ah tan Yemen, asagoo ay u dheertahay tan Dhalashada oo qabaa’il ka tirsan Mahra ay ka mid yihiin qabaa’ilka Sooomaaliyeed, sidoo kalena walaalnimo kala dhaxeyso Qabiilka Daarood, tanoo in mudo ah xiriirkeedu go’naa Balse Sultan Abdalla dib u furay dhawaan kadib kazoo qaybgalkii caleemasaarka Boqorka Daarood, wallow ay uga horeysay shir uu kula yeeshay magaalada London 2013-kii waxgaradka Daarood ee UK, shirkaas oo aan aniga MUXYADIIN CIID iyo madaxa Xiriirka arimaha Dibada ee al-mahra iyo Soqodra Bashiir H HAJI AL AFRAR soo qabanqaabinay.

Sultan Cabdalla ayaa aaminsan in dadyowga ugu dhaw xaga xirrika iyo wadadhalashadaba umada Soomaaliyeed ay yihiin dadka Mahriga marka la barbardhigo Carabta kale ee gacanka carabta ku nool, asaga oo soo qaaday in dagaalkii AXMED GUREY dadka carabta qabaa’ilka ugu badan ee dad uga dhintaan ay Mahriga ahaayeen, ayadoo tani xuseyso kitaabka Fatxul Xabash sidoo kale.

Sababta ayuu ku saleeyay ka dib markii aan ka saarnay Bortaqiiska Jasiirada Soqodra 1512-kii in aan u jeedsanay gacan siinta Axmed Gurey oo markuu gaarey dhulka Biyaha leh ee Ethiopia u baahday dad khibrad u leh dagaalka biyaha, taasoo xiligaasna Mahrigu ugu horeeyay gacanka Carabta, oo Bortaqiis oo aduunka ugu horeeyay ay kula dagaalameen.

Gobalka Al-mahra caasimadiisa Algheyda ayaa ah halka Soomaalida ugu badan Yemen uga nool yihiin, ayagoo sidii muwaadiniin loola dhaqmo, halka ay iskaga soo carareen, gobalada kale ee Yementa.

Waxaa diyaariyay

Muxyadiin Xusseen Ciid
alcarab1@yahoo.co.uk





Blackened Waters of Somalia Abukar Arman,

Maanso: Mudane Kheyre V Musuqmaasuq oo ay dhexmartay dood micno badan.

DAALAA DHACA QATAR DAN UMA AHA SOOMAALIYA WQ Muxyadiin Ciid

SOOMAALIYEY WAA LA I DHUFAANAYAA W/Q Muxyadiin Xusseen Ciid

Radical Ideas Muslims Celebrate In Ramadan Abukar Arman

Soomaali Hogaankay Eebe Haybsatay Yay Heshay FARMAAJO+KHEYRE = GUUL

Albaabka Adeega Caafimaadka Beljamka

Hogaan ama Garwadeen W/Q: Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )

HARDANKA LOOGU JIRO HANASHADA SOOMAALIYA BY Abdulqaadir Ibrahim axmed

Allaha u naxariisto Xaydar Maxamed Maxamuud oo dhawaan ku geeriyoodey dalka Hindiya

Soomaalaay Qaranku Aw Cali oo kale ayuu u baahanyahay

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJACUUN Maamo Xaawo Farax Xasan Cade

EID MUBARAK DHAMAAN MUSLIMIINTA IYO SOOMAALIBA

Maqaal: Aragtida Dhimatay iyo Carabnimada Soomaalida

Salaantii Ciida oo ay is-dhaafsadeen Sultan Cabdalla iyo Boqor Burhaan.

Ramadan: Time for Muslim Rulers to Reflect on Ethical Governance

US on collision course with China in the Red Sea .ABUKAR ARMAN

Sultan Abdalla Bin Eissa held a meeting to review the developments on the ground and the importance of protecting the stability of the Almahra and Socotra

Shirweynaha Ururka Caafimaadka Xoolaha iyo FAO ee ka hortaga Cudurada Faafa uga qaybgalay dalka Ivory Coast(Sawirro)

ICRC: Activities in Somalia from January to December 2014

General Ahmed Qahtan " we declared that our against of joining Hathramout Federal Region. The Mehris has a right to decide their future and may have better options that are suitable for them".

Maansadii ISMA ORAN Muxyadiin Ciid 2007 dib u milicsi wacan

WASIIR SACIID CIID AYAA KA TACSIYEYNAYA GEERIDA EX-XILDH DAHIR KELLI IYO MUDANE CALI AXMED NUUR

Munaasabad uu xilka kula wreegay wasiirka cusub ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Saciid Xueen Ciid

Al-Haji Yaziin Xassan Ciid ayaa waxa uu ka tacsiyeynayaa Geerida ku tim RW Cumar Crashiid

Dr: Cabdulqaadir Cali Askar iyo Reer Cali Askarba waxa u tacsiu dirayaa Reer Cabdirashiid Cali iyo Reer Macalin Daahir

Dr Abdiweli Gaas oo ka tacsiyeeyay Geerida Xaajiyo Ruqiyo Macalin Daahir AUN

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa oo ka tacsiyeeyay Geeraida Xaajiyo Ruqiyo Macalin Daahir

Guud ahaan Reer Sharmaarke ayaa Tacsi u diraya RW Cumar Cabdirashiid Cali

TACSI:Xaajiya Ruqiya Macalin Daahir Cali Boss oo aheyd Hooyada R/W CUMAR Allaha u naxariisto

Dowladda Oman ” Waxaan diyaar u nahay xoojinta xiriirka nagala dhaxeeya Soomaaliya”. Jan 19, 2015

Tacsi Guuleed Maxamed Siyaad Barre Allaha u Naxariisto

Sultan Cabdalla Bin Ciise Al Cafraar oo ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta laheyd ee DR Xassan Xaaji Al Cafraar

TACSI: DR: XASSAN XAAJI ABUKAR AL CAFRAAR OO LONDON KU GEERIYOODEY ALLAHA U NAXARIISTEE

Somalia to rewrite contracts in response to corruption concerns By Katrina Manson in Nairobi

SAADO: GEENYADII GALBATEY IYO HALAQII LABA AFLAHA (Qoraa sare:Muxyadiin Xuseen Ciid)

UK HOUSE OF COMMON: President Mohamud on the back foot while al-Shabaab attacks continue

Maansadii: Marinhabowga Qarannimo ee aan maalmaha XORIYADA U TIRYAY 1 JULAY 1960

American-Somali relations: What’s in the words? by Abukar Arman

TACSI: Macalin Abdi Jama Warsame (ALLAHA U NAXARIISTO) OO DHAWAAN GEERIYOODAY

QAYB KA MID SAWIRADII SULTAN ABDALLA BIN ISSE INTII UU KU SUGNAA PUNTLAND

المهرة اليوم - خاص استقبلت الجالية المهرية في الصومال السلطان عبدالله بن عيسى بن عفرير باكثر من سبعين سياره وكان على راسهم مشايخ قبائل المهرة ( بن نيمر + الجدحي + بن عتوني + السليمي + وبن عفرير ) وج

قبائل الدارود الصومالية تنصب ملكا جديدا

SAWIRADA CALEEMASAARKA BOQORKA DAAROOD

Security in Kenya Little law, less order Crime, terrorism and police abuse are all rising together

CAMDEN:Father of man stabbed to death in Camden Town street calls for peace

TACSI: REER SHIRE MAXAMUUD OO KA TACSIYEYNAYA GEERIDA MAAMA MARYAN

Daily Nation: How Somalia aid cash funds Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadnaqay madaxda dalka Isutaga Imaadaarka Carabta

Car Bomb: President Hassan Sheikh Mohamud has called the UN envoy to Somalia to say he was not harmed during the attack, envoy Nick Kay has tweeted