Murtidii Abwaan Maxamed Hiirad & gabeygii Sunaami

Murtidii Abwaan Maxamed Hiirad & gabeygii Sunaami

​Sunaami!

Gabaygan sunaami waxaan ka mariyey, dhacdadii dhul gariirka ahayd ee ka dhacday weddemada bariga Asiya. Taaso galaafatay dad badan iyo dhaqaale xog leh, waxaa kale oo dhinaca soomaalidana ka jiray in dawladdii soomaalya oo u kala jabnayd Xamar iyo Jowhar, taasoo iyaduna soomali badankeeda ku riday quus iyo niyad xumo.

Haatana waxaa jira dhul gariikii oo kale oo ka dhacaya China iyo Barma iyo shir soomaaliyeed oo aad iyo aad ay iskaga soo hor jeedaan dowladda Soomaaliya iyo mucaaradkeeda. Taasoo iyada qudheedu sunaami kale ku noqotay soomaalida. Sidaa darteed baan u soo saaray. Waa kan Hiirad iyo gabaygii Sunaami.

  1. Caliyow ninkii muminaan, marin habaabayne
    muslin iyo kufriba uumiyaha, mawdka loo simane
    Masiibada Ilaah soo dejaan, cidi ku maagayne
    Maslaxado kuwuu siinayaan, muran ka oogmayne
    Markuu doono mucjisooyin buu muujinahayaaye
  2. Baddan murugtay mowjadda kacdee, kumanka mayl gaadhay
    Ee magan gelyada buurihiyo ,moosku celin waayey
    Magaalooyin waaweyn haddii, meeshi laga waayey
    Maraakiib muggood sida hadday, moolka wada quustay
    Oo dalal mudnaan sheegan jiray, miiq dul gelin waayey
    Malaayiin dadkoodii haddaan, meella lagu haynin
    Madax iyo haddii muhandisiin, male ku beenoobay
    Meehanaw itaal xumo haddii, mooralku xumaaday
    Oo weli dul meermeerayaan, maydka qodistiisa
    Kuwa muruqa tuujiyo kuwaa, maalka badan sheegta
    Magalooti beeniyo kuwaa, daba mushaaxaaya
    Mar haddaanay maarayn karayn, waxa macbuud keeno
    Maalin qudha haddaanay khalqiga, wada masruufaynin
    Bal dayaay martabadday hayaan, waa macna la’aane
  3. Haddii dunida inay maamulaan, aadanuhu mooday
    Oo maaliggii soo askumay, mahad naq loo diido
    Oo Magacyo aan jirin Ilaah , lala masaysiiyo
    Marinkii rasuulkiyo haddii, diinta laga maarmo
    Munkarkiyo haddii ay macsidu, nala macaanaato
    Inaan maqallo waa soo dhowdahay, malag dhawaaqiise
  4. Macna kalana waa hadal yaraan, miinka ka higaadshey
    War Soomaali waa madhanaysaa, male rag waa aade
    Dhulku inuu la muusiyo cirkuba, dhagax ku miisyaaba
    Masalooyin soo rogay dad horaa, meesha wada yaalle
    Muddo laba tobnaad sano hadday, muran la soo jiiftey
    Oo maata doox dhacay dhulkana, dhiigu mulacyeeyey
    Weli lama midiidimin waxay, kala macaasheene
  5. Muslinimo wadaag iyo xaq dhawr, muxubadii diinta
    Ma huraan sokeeyiyo macruuf, muunaddii xididka
    Mabda’ lays ku raaciyo dastuur, lagu midoobaayo
    Maslax mudanayaal iyo heshiis, madax la soo toorto
    Dad midnaba intaa xeerinayn, malaha iimaane
    Mawaashiga ka liitee dadkeer , muuqanahayaaye
  6. Nimankii la maamuusayaye, loo mashxaradaayey
    Ee dunidu maal gelinta iyo, magaca weyn siisay
    Waxba yaanay maamulin dadkoo, malab waraabsiine
    Wax yaan magaalooyinkii, laami loo marine
    Waxba yaanay miisaan cadliya, meella noo sudhine
    Mar haddaanay maarayn karayn, mooqif wada yeesha
    Mudnaantii dalkoodiyo haddii, dowlad laga maarmay
    Mooryaankiyo ha joogeen jirrida, maqaddimiintoode
    Malaaqdiyo haddii madaxda dhaqan, miciyo aar yeesshay
    Oo wadaado soo mudhay dhahay yaa, maali jiray geela
    Iska daa mid muuqdaa inuu, nolol malaystaaye
    maxaakiim islaam hdday qufeen, maytiyaha aasan
    In carradan dad kale ay mulkiyi, waa mid la hubaaye
    Bal inay miskiinada kiniin, meela uga keento
    Maxaa xabashi loo maagayaa, yaa u miciin dhaama

Source:Kalshaale.com





Blackened Waters of Somalia Abukar Arman,

Maanso: Mudane Kheyre V Musuqmaasuq oo ay dhexmartay dood micno badan.

DAALAA DHACA QATAR DAN UMA AHA SOOMAALIYA WQ Muxyadiin Ciid

SOOMAALIYEY WAA LA I DHUFAANAYAA W/Q Muxyadiin Xusseen Ciid

Radical Ideas Muslims Celebrate In Ramadan Abukar Arman

Soomaali Hogaankay Eebe Haybsatay Yay Heshay FARMAAJO+KHEYRE = GUUL

Albaabka Adeega Caafimaadka Beljamka

Hogaan ama Garwadeen W/Q: Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )

HARDANKA LOOGU JIRO HANASHADA SOOMAALIYA BY Abdulqaadir Ibrahim axmed

Allaha u naxariisto Xaydar Maxamed Maxamuud oo dhawaan ku geeriyoodey dalka Hindiya

Soomaalaay Qaranku Aw Cali oo kale ayuu u baahanyahay

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJACUUN Maamo Xaawo Farax Xasan Cade

EID MUBARAK DHAMAAN MUSLIMIINTA IYO SOOMAALIBA

Maqaal: Aragtida Dhimatay iyo Carabnimada Soomaalida

Salaantii Ciida oo ay is-dhaafsadeen Sultan Cabdalla iyo Boqor Burhaan.

Ramadan: Time for Muslim Rulers to Reflect on Ethical Governance

US on collision course with China in the Red Sea .ABUKAR ARMAN

Sultan Abdalla Bin Eissa held a meeting to review the developments on the ground and the importance of protecting the stability of the Almahra and Socotra

Shirweynaha Ururka Caafimaadka Xoolaha iyo FAO ee ka hortaga Cudurada Faafa uga qaybgalay dalka Ivory Coast(Sawirro)

ICRC: Activities in Somalia from January to December 2014

General Ahmed Qahtan " we declared that our against of joining Hathramout Federal Region. The Mehris has a right to decide their future and may have better options that are suitable for them".

Maansadii ISMA ORAN Muxyadiin Ciid 2007 dib u milicsi wacan

WASIIR SACIID CIID AYAA KA TACSIYEYNAYA GEERIDA EX-XILDH DAHIR KELLI IYO MUDANE CALI AXMED NUUR

Munaasabad uu xilka kula wreegay wasiirka cusub ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Saciid Xueen Ciid

Al-Haji Yaziin Xassan Ciid ayaa waxa uu ka tacsiyeynayaa Geerida ku tim RW Cumar Crashiid

Dr: Cabdulqaadir Cali Askar iyo Reer Cali Askarba waxa u tacsiu dirayaa Reer Cabdirashiid Cali iyo Reer Macalin Daahir

Dr Abdiweli Gaas oo ka tacsiyeeyay Geerida Xaajiyo Ruqiyo Macalin Daahir AUN

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa oo ka tacsiyeeyay Geeraida Xaajiyo Ruqiyo Macalin Daahir

Guud ahaan Reer Sharmaarke ayaa Tacsi u diraya RW Cumar Cabdirashiid Cali

TACSI:Xaajiya Ruqiya Macalin Daahir Cali Boss oo aheyd Hooyada R/W CUMAR Allaha u naxariisto

Dowladda Oman ” Waxaan diyaar u nahay xoojinta xiriirka nagala dhaxeeya Soomaaliya”. Jan 19, 2015

Tacsi Guuleed Maxamed Siyaad Barre Allaha u Naxariisto

Sultan Cabdalla Bin Ciise Al Cafraar oo ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta laheyd ee DR Xassan Xaaji Al Cafraar

TACSI: DR: XASSAN XAAJI ABUKAR AL CAFRAAR OO LONDON KU GEERIYOODEY ALLAHA U NAXARIISTEE

Somalia to rewrite contracts in response to corruption concerns By Katrina Manson in Nairobi

SAADO: GEENYADII GALBATEY IYO HALAQII LABA AFLAHA (Qoraa sare:Muxyadiin Xuseen Ciid)

UK HOUSE OF COMMON: President Mohamud on the back foot while al-Shabaab attacks continue

Maansadii: Marinhabowga Qarannimo ee aan maalmaha XORIYADA U TIRYAY 1 JULAY 1960

American-Somali relations: What’s in the words? by Abukar Arman

TACSI: Macalin Abdi Jama Warsame (ALLAHA U NAXARIISTO) OO DHAWAAN GEERIYOODAY

YUU AHAA SULTAN ABDALLA BIN SULTAN ISSA AL AFRAR “MAHRA IYO SOQODRA”? QALINKII: Muxyadiin Xusseen Ciid 30/05/2014

QAYB KA MID SAWIRADII SULTAN ABDALLA BIN ISSE INTII UU KU SUGNAA PUNTLAND

المهرة اليوم - خاص استقبلت الجالية المهرية في الصومال السلطان عبدالله بن عيسى بن عفرير باكثر من سبعين سياره وكان على راسهم مشايخ قبائل المهرة ( بن نيمر + الجدحي + بن عتوني + السليمي + وبن عفرير ) وج

قبائل الدارود الصومالية تنصب ملكا جديدا

SAWIRADA CALEEMASAARKA BOQORKA DAAROOD

Security in Kenya Little law, less order Crime, terrorism and police abuse are all rising together

CAMDEN:Father of man stabbed to death in Camden Town street calls for peace

TACSI: REER SHIRE MAXAMUUD OO KA TACSIYEYNAYA GEERIDA MAAMA MARYAN

Daily Nation: How Somalia aid cash funds Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadnaqay madaxda dalka Isutaga Imaadaarka Carabta