Sawiro+ Khudbad:- Musharax Gen Cabdulaahi Cali Mire oo Gaalkacyo uga dhawaaqay Musharaxnimadiisa.

Waxaa Maanta Hotel-ka uunlaaye ee Magaalada gaalkacyo ka dhacay Xaflad Balaraan taas oo uu Musharaxnimadiisa uga dhawaaqay Gen cabdulaahi Cali Mire ( Carays).

Gen cabdulaahi ayaa Xafladii uu Musharaxnimdiisa uga dhawaaqayay waxaa ka qayab galay qaybaha Bulshada oo Nabadoonadu ugu horeeyaan, iyagoona soo jeediyay Khudbado u badnaa dhiira galainta Musharax Gen carays.

Halkaan ka akhri Khudbadii Musharaxa.

Axad 10 November 2013

Horudhac

Sida aynu wada ognahay, Maamulka Puntland waxaa la aasaasay 1998 waxaanan ka mid ahaa dadkii aasaasay danta laga lahaana waxay ahayd in Dadka Gobolladaas ku bohoobay ay kaga badbaadaan burburka ka jiray Dalka Soomaaliya ayna noqoto unugga laga aasaasayo Dowlad Federaal ah oo ay Soomaaliya yeelato, Allaah mahaddiis arrintaas dhacday, Dowladda Puntland waxay noqotay Hooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Puntland 15 sano ee lasoo dhaafay wax badan baa u qabsoomay laakiin halkii la rabay wali ma gaarin, waxaanan ka xumahay in wali Puntland ay ku jirto habkii qabiilka ee la rabay in laga boxo 2001 Waana nasiib darro.

Puntland maanta waxay jirsatay 15 sano, waxayna u baahan tahay cid ka saarta nidaamka beelaha ee daashaday una gudbisa Nidaamka Axzaabta badan.

Yaa Puntland hogaamin kara?

Puntland Waxaa hogaamin kara Hogaamiye xog ogaal u ah Puntland iyo xaaladaha kala duwan ee ay soo martay, fahmina kara xaaladaha ay soo martay iyo kuwa kusoo wajahan.

Puntland waxay u baahan tahay Hogaamiye leh Sifaadkaan:

  1. Hogaamiye caaddil ah oo dadka Reer Puntland u siman yihiin laguna aqoon eex iyo nin jeclaysi
  2. Hogaamiye aamin ah oo aan lagu aqoon khiyaano iyo xatooyo hanti dadwayne
  3. Hogaamiye Khibrad iyo aqoon durugsan u leh maamul Dowladeed
  4. Hogaamiye isu soo jiidi kara Bulshada Reer Puntland ee kala tagga qarka u saaran
  5. Hogaamiye leh Khibrad amni iyo Nabadayn horayna uga soo shaqeeyey arrimaha Nabadaynta iyo Amniga.
  6. Hogaamiye Sumcad wanaagsan ku dhex leh Bulshda reer Puntland
  7. Hogaamiye aaminsan jiritaanka Soomaali wayn raadiyana Midnimada Soomaaliyeed

Maxaa igu dhaliyey?

Waxaa igu kallifay inaan isu taago tartanka Madaxtinimada Puntlad sababahaan:

  1. Markaan arkay kala daadsanaanta Bulshada Puntland oo qaybo kamid ah ay samaysteen maamullo ka madax bannaan Puntland arrintaas oo khatar galinaysa Jiritaanka Dowladda Puntland.
  2. Markaan arkay halka uu marayo amniga Puntland ee hal doorkoodii la laayay intii hartayna waddanka ka carareen, arrintaas oo sababtay in ganacsigii Puntland u wareego deegaano kale oo dal iyo dibadba leh.
  3. Markaan arkay Puntland oo qaan gaartay walina aan gaarin in bulshadu codkooda u dhiibato cidday rabaanna dooran Karin (One Man One Vote) taas oo dib dhac ku keentay horumar siyaasadeed oo dalku gaaro
  4. Markaan qiimeeyey aqoonta iyo khibradda aan u leeyahay Hogaaminta iyo sida aan ugu anfici karo Bulshada Puntland
  5. Markaan arkay aqoonta iyo khibraddayda la xiriirta arrimaha amniga qaybihiisa kala duwan oo ay bulshada Puntland aad ugu baahan yihiin.
  6. Markaan qiimayn ku sameeyey sida aan isugu soo celin karo puntland oo midnimadeedu gabi ka laallaaddo.

Waxaan goostay inaan aqoontayda iyo khibraddayda uga faa’iideeyo bulshada reer Puntland waxaanan goostay inaan isu taago tartanka Madaxtinimada Puntland ee 2014 oo aan rajaynayo inaan si fiican ugu guulaysan doono.

Maxaan qabanayaa?

Haddaba, haddii la idoorto waxaan xoogga saari doonaa qodobadan:

  1. Isu keenidda Bulshada Puntland
  2. Wax ka qabashada ammaanka Puntland oo fure u ah in horumar la gaaro  anoo dib usoo celin doona awooddii ciidan ee ay Puntland ku faani jirtay.
  3. Soo celinta Karaamadii dhaqanka Puntland lahaan jiray iyo Doorkoodii hogaamineed ee ay ku lahaayeen Puntland.
  4. Hirgalin Nidaamka Xizbiyada badan oo dadku ay ku dooran karaan cidda ay danaynayaan taas oo noqon doonta furaha horumarka siyaasadda Puntland
  5. Inaan Maamulka ku baahiyo deegaanada aan laamiga ahayn oo lagu eedeeyo in wali Puntland wali aysan gaarin
  6. Waxaan kala saari doonaa hay’adaha dowladda ee kala ah Sharci dejinta, Garsoorka iyo Fulinta oo inta badan la sheego inaysan kala soocnayn.
  7. Wax ka qabashada Kaabayaasha dhaqaalaha puntland sida Waddooyinka, Dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee Puntland oo dhammaantood u baahan wax kaqabasho degdeg ah.

Baaq

Si ay u dhacdo Doorasho xor ah oo xalaal ah waxaa lagama maarmaan ah in la helo arrimahaan:

  1. In Dowladda Puntland ee hadda jirta, Musharixiinta iyo Isimada Puntland ka wada shaqeeyaan sidii ay doorasho Xor ah oo Xalaal ah uga dhici lahayd Puntland
  2. In Uu qabsoomo Shirkii Isimadu Puntland ay ku baaqeen oo uu Gogoshiisa dhigay Wakiilka Boqorka Daarood.
  3. In gogol Nabadeed loo fidiyo Isimada iyo Wax garadka Dhulbahante ee wax ka tabanaya Maamulka Puntland
  4. Waxaan ayidayaa Baaqyadii kala danbeeyey ee Musharixiinta Madaxtinimada Puntland ka soo kala saareen Gaalkacyo iyo Nairobi.
  5. In Maamulka Puntland uu Musharixiinta kala tashado nidaamka Amniga Caasimadda.
Source: Puntlandi.com

Daawo Sawirada

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13





Blackened Waters of Somalia Abukar Arman,

Maanso: Mudane Kheyre V Musuqmaasuq oo ay dhexmartay dood micno badan.

DAALAA DHACA QATAR DAN UMA AHA SOOMAALIYA WQ Muxyadiin Ciid

SOOMAALIYEY WAA LA I DHUFAANAYAA W/Q Muxyadiin Xusseen Ciid

Radical Ideas Muslims Celebrate In Ramadan Abukar Arman

Soomaali Hogaankay Eebe Haybsatay Yay Heshay FARMAAJO+KHEYRE = GUUL

Albaabka Adeega Caafimaadka Beljamka

Hogaan ama Garwadeen W/Q: Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )

HARDANKA LOOGU JIRO HANASHADA SOOMAALIYA BY Abdulqaadir Ibrahim axmed

Allaha u naxariisto Xaydar Maxamed Maxamuud oo dhawaan ku geeriyoodey dalka Hindiya

Soomaalaay Qaranku Aw Cali oo kale ayuu u baahanyahay

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJACUUN Maamo Xaawo Farax Xasan Cade

EID MUBARAK DHAMAAN MUSLIMIINTA IYO SOOMAALIBA

Maqaal: Aragtida Dhimatay iyo Carabnimada Soomaalida

Salaantii Ciida oo ay is-dhaafsadeen Sultan Cabdalla iyo Boqor Burhaan.

Ramadan: Time for Muslim Rulers to Reflect on Ethical Governance

US on collision course with China in the Red Sea .ABUKAR ARMAN

Sultan Abdalla Bin Eissa held a meeting to review the developments on the ground and the importance of protecting the stability of the Almahra and Socotra

Shirweynaha Ururka Caafimaadka Xoolaha iyo FAO ee ka hortaga Cudurada Faafa uga qaybgalay dalka Ivory Coast(Sawirro)

ICRC: Activities in Somalia from January to December 2014

General Ahmed Qahtan " we declared that our against of joining Hathramout Federal Region. The Mehris has a right to decide their future and may have better options that are suitable for them".

Maansadii ISMA ORAN Muxyadiin Ciid 2007 dib u milicsi wacan

WASIIR SACIID CIID AYAA KA TACSIYEYNAYA GEERIDA EX-XILDH DAHIR KELLI IYO MUDANE CALI AXMED NUUR

Munaasabad uu xilka kula wreegay wasiirka cusub ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Saciid Xueen Ciid

Al-Haji Yaziin Xassan Ciid ayaa waxa uu ka tacsiyeynayaa Geerida ku tim RW Cumar Crashiid

Dr: Cabdulqaadir Cali Askar iyo Reer Cali Askarba waxa u tacsiu dirayaa Reer Cabdirashiid Cali iyo Reer Macalin Daahir

Dr Abdiweli Gaas oo ka tacsiyeeyay Geerida Xaajiyo Ruqiyo Macalin Daahir AUN

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa oo ka tacsiyeeyay Geeraida Xaajiyo Ruqiyo Macalin Daahir

Guud ahaan Reer Sharmaarke ayaa Tacsi u diraya RW Cumar Cabdirashiid Cali

TACSI:Xaajiya Ruqiya Macalin Daahir Cali Boss oo aheyd Hooyada R/W CUMAR Allaha u naxariisto

Dowladda Oman ” Waxaan diyaar u nahay xoojinta xiriirka nagala dhaxeeya Soomaaliya”. Jan 19, 2015

Tacsi Guuleed Maxamed Siyaad Barre Allaha u Naxariisto

Sultan Cabdalla Bin Ciise Al Cafraar oo ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta laheyd ee DR Xassan Xaaji Al Cafraar

TACSI: DR: XASSAN XAAJI ABUKAR AL CAFRAAR OO LONDON KU GEERIYOODEY ALLAHA U NAXARIISTEE

Somalia to rewrite contracts in response to corruption concerns By Katrina Manson in Nairobi

SAADO: GEENYADII GALBATEY IYO HALAQII LABA AFLAHA (Qoraa sare:Muxyadiin Xuseen Ciid)

UK HOUSE OF COMMON: President Mohamud on the back foot while al-Shabaab attacks continue

Maansadii: Marinhabowga Qarannimo ee aan maalmaha XORIYADA U TIRYAY 1 JULAY 1960

American-Somali relations: What’s in the words? by Abukar Arman

TACSI: Macalin Abdi Jama Warsame (ALLAHA U NAXARIISTO) OO DHAWAAN GEERIYOODAY

YUU AHAA SULTAN ABDALLA BIN SULTAN ISSA AL AFRAR “MAHRA IYO SOQODRA”? QALINKII: Muxyadiin Xusseen Ciid 30/05/2014

QAYB KA MID SAWIRADII SULTAN ABDALLA BIN ISSE INTII UU KU SUGNAA PUNTLAND

المهرة اليوم - خاص استقبلت الجالية المهرية في الصومال السلطان عبدالله بن عيسى بن عفرير باكثر من سبعين سياره وكان على راسهم مشايخ قبائل المهرة ( بن نيمر + الجدحي + بن عتوني + السليمي + وبن عفرير ) وج

قبائل الدارود الصومالية تنصب ملكا جديدا

SAWIRADA CALEEMASAARKA BOQORKA DAAROOD

Security in Kenya Little law, less order Crime, terrorism and police abuse are all rising together

CAMDEN:Father of man stabbed to death in Camden Town street calls for peace

TACSI: REER SHIRE MAXAMUUD OO KA TACSIYEYNAYA GEERIDA MAAMA MARYAN

Daily Nation: How Somalia aid cash funds Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadnaqay madaxda dalka Isutaga Imaadaarka Carabta