Maqaal: Aragtida Dhimatay iyo Carabnimada Soomaalida

Aragtida Dhimatay iyo Carabnimada Soomaalida:

Waxa aan aad ugu faraxsanahay in Maqaalkii Samatar(r)ada iyo VOA-du Carabnimada Soomaaliyeed Ma Suulin Karaan?”ee aan qoray 17-kii Febraayo 2008, uu kazoo jawaabo mid ka mid ah aqoonyahanada Somalida, isagoo daliilo ay ula muuqatay in ay noqonkaraan waafi lasoo shir tagay, wallow xagayga aanba orankaro waxa ay iftiin u noqdeen waxa aan ka hadlahayay ee marin habaabiska in isir been ah umada soomaaliyeed loogu fargodo salka ku hayay.

Aniga oo tixraac ku sameyndoona gabi ahaanba maqaalka aqoonyahankan,” Dirka  SOOMAALIDA, SAMATARRO IYO VOA”ayaan hadana waxa aan jecleystay ka hor taas in aan sixid ugu laabto waxa aan u arkay turjumaad khaldan oo aqoonyahankani ka bixiyay Maqaalkaygii hore, waa marka hore’e waxa uu tilmamay in aan ku talagalay maagida aqoonyahanada aan xusay, taasoo xageyga aan oran lahaa ma aheyn maagid, mana aheyn sidoo kale in loo micnaysto hadalka qoraaga sida aad rabtid, iyadoo akhristaha laga doonahayo in uu fahmo hadalka qoruhu leeyahay, kuu soo xiganahayo, waxa uu isweydiinahayo iyo fahamka guud ee nuxurka qoraaga. Dirka IYO

Halkan ayaana daliil u ah waxa aan ka hadlahayo, taasoo ah in maqaalkayga aan isku weydiiyay sababta VOA-du u keentay mowduucan carabnimada ah manta? anoo isku jawabahaya ayaan iri “ma waxa ay daba joogtaa warbixino Madaxweyne Cabdulahi Yusuf uga hadlay carabnimadiisa”, hadaba hadalka aan sidaa u dhigay ayuu aqoonyahankani ka dhigay in aan daliil u soo qaatay Carabnimada Somalida hadalka Madaxweyne Cabdulahi. Taasoo aan ka dhadhansanahayo in aqoonyahankani ujeedadiisu aheyd radinta aragtida Madaxweyne Cabdulahi, asagoo iskuna muujinahaya in uu aniga ii jawaabahayo, iyada oo aan oran lahaa kal hore ayay kuu aheyd in markii aad maqashay warbixinta Madaxweynaha in aad ka hadashid.

Intaas hadii aan uga gudbo turxaanbixinta maqaalkaygii hore, ayaan waxa usoo daadageyaa maqaalkii Dirka Somalida ee uu qabo Profeser Fiisiko, anoo jecel in aan ku laalo gabi ahaanba taariikhda uu soo minguuriyay ama daliisheeda uu la yimid, taasoo aan filahayo  in waa cusub ay u furi doonto umada badan oo Soomaaliyeed jahwareerna lagu ridahayo isirkooda.

Waxaan mid u kala qaadahayaa taarikhda uu soo daliishaday Profeserku :  

      KUSHITIGA: waxan iftiminahayaa taariikhdooda guud, iyadoo aanØ isweydiineyno

Ø      Yaa ah Kushitiga?,

      ETHIOPIANKA: taariikh koobanØ

      ISIRKA SOMALIDA: khuburadu maxay kaØ dhaheen?

      SINJI SOOCA: maxaan u adeegsaneynaa sinji soocaØ dadka

      JABARTI WAAYO?: halkuuse ka yimi magacaØ jabarti?

      ARAGTIDA DAHSOONØ

      SABABTA CARABNIMADA LO DIIDAHAYO.Ø 

v     KUSHITIGA:

Kushitiga ayaa la sheegaa in uu dhalay HAM oo ahaa midki waynaa labada wiil e Nabi Nuux, halka wiilka labaadna uu SAM ahaa, Kushitiga ayaa sidoo kale la sheegaa in ay boqortooyo jidhay ahayen, sida ay kala qoreen buugta  "African Ark", iyo "Islam in Ethiopia", iyagoo soo xiganahaya duqaydii qabiilka BEJA, oo hada ka mid ah qabaa’ilada Ethiopia, kuna abtirsada Kushitiga, ayay si cad duqaydani u sheegteen in ay halkaad kazoo jeedaan.

Boqortooyadan Kushitiga ayaa waxa la aasaasay sida la wariyo, 1000BC, oo la mid ah 30 ilaa 40sanno generation ka hor Ciise, waxana lagu qiyasaa in ay jirtay 330 A.C. dhimashadii Ciise kadib, iyadoo jiritaankeeda lagu tilmaamay  mid dhameyd 1300sanno, amase 40 ilaa 50generation, waxana lagu tilmaamay in ayba noqonkarto xukumadihii lasoo maray dunida tii ugu dheereyd, illlaa iyo hada lama helin fartii boqoqrtooyadan, sidaa aawadeed ma jirto xog buuxda oo loo heli karo dhab ahaanshaeeda taariikhdan laga warinahayo.

 

Illaa iyo hada waxa kaliya oo laga ogyahay Boqortooyadan ayaa waxa ay tahay, kagadaal markii waxweyn laga bartay fartii faraaciinta ayaa waxa yimid in laga dhex hello macluumaad ku saabsan Boqortoyadan Kushitiga, oo markaa daris la aheyd boqortoyadan faraaciinta, dhinaceeda koonfureed oo ah halka hada loo yaqaaan Sudan,Magaalo madaxdede aya la oranjiray NABATA,iyadoo dacalka ku haysay wabiga NIIL, waxa lashegay in caasimadii loo wareejiyay dhinaca Meroë around 600 B.C. u soo guurida magaladan ayaa waxa lagu tilmamay in ay timid kadib markii duulaankii ciidamada masar soo dulfuuleen, magaldan, taso keentay in dib ugurasho lasameeyey ayna noqoto MEREO caasimada cusub, magaladan ayaa la sheegay in ay saldhig u aheyd soo saarid a birta, oo aheyd waxa kaliya oo kushitigu horumar ka gaareen,iyadoo waxan aan sheegeyno aanan loo hayn wax cadeyn ah.

 

200 B.C. ayaa lasheegaa in hoos u dhac uu kuyimid boqortoyadan, sababtoo ah xoogeysigii boqortoyada Auxsum,jabkii boqortooyadan ayaa waxa la sheegay in ay geysteen ciidamadii xabashida tarikhdu markii ay aheyd 330ad,halkas oo lagu aasay raadkii boqortoyadan.

 

Jabkii boqoqrtooyadooda Kushitiga ayaa layiraahdaa waxa ay ku khasbanaatay in ay u haajiraan koonfurta iyo galbedka ayagoo markaasna is guursi uu dhex maray dadkii Afrikaanka ahaa, halka Bejaha oo ah kuwa kaliya ee Kushitiga laga hayo ay Ethiopia hada kunool yihiin, iyadoo la tilmaamo dhalan rogadka ku yimid dadka Kushitiga in uu kazoo jeedo is guursigaas dhex maray afro-Negroid.

 

A)     Yaa ah Kushitiga,

Bejaha hada ku nool Ethiopia, ayaa ah kuwa kaliya ee taariikhdu xustay, iyadoo inta kale ee manta lagu tilmaamo in ay kasoo jeedaan Kushitiga, sababta loo oranahayo ay tahay isku soo sooc xaga muuqa amase luqada, tanina waxa ay balaarisay in dad badan la iskugu geeyay xayndaab KUSHITIGA, si walba halagu soo soocee.

Marka aan u soo laabano in Soomaalida looga yeero Kushitig, ayaa sida aan hoos ku bidhaamin doono, waxa ay tahay in aan dhalasho ahaan loo laheyn ee luqad ahaan loo leeyahay, taasoo marka aan sinji ka hadleynana aysan macquul aheyn in luqad aan ka dhigano mid faraca aan nahay qeexeysa, iyadoo aadba ogtihiin manta ilmaha Somaliyed ee Yurub ku dhasha in uu qaato wadanka uu ku dhashay luqadeeda, aybana dhacdo in ay kugu adkaato sidii aad luqadiisii Somaliga u fahamsiin laheyd.

Hadiisaba aan u eegno sida kale oo luqada aan ka dhigno mid qeexeysa faraca aan nahay, miyaan la oran Karin luqada soomaalidu 65% waxa aad ka heleysaa ereyo asalkoodu Carabi yahay, sida uu qabo aqoon yahan Soomaaliyeed oo baarid buuxda ku sameeyay arintan, isagoo ka hadlahayana laga sii daayay telefishinka af-somaliga ku baxa ee Universal sanadkii hore, isaga oo ku sugan Saudi Arabia.

v     ETHOIPIAN-KA TAARIIKH KOOBAN:

Boqortooyadii Auxumites ee la tilmaamay in ay jilbaha u dhigeen Boqortooyadii Kushitiga, ayaa saldhigoodu ahaa magaalada Auxum oo kutaal gobalka Tigrenya, iyadoo dadka Boqortooyadan lagu tilmaamay in ay ahaayeen qabaa’ilada Tigreyga iyo Amxarada.

Qabaa’iladan waa Tigreyga iyo Amxarada’e ayaa sida ay sheegteen amase lasoo wariyo waxa la tilmaamay in ay kazoo jeedaan amase ka dhex abuurmeen dadkii Afrikaaniska ahaa ee ku noolaa dhulka iyo dadkii reer SABA (Reer Saba ayaa Yaman kazoo kicitimay iyagoo Somaliya soo maray) ee u yimid in ay hantiyaan dhulkan .

Minilikhii I koowaad, ayaa waxa uu ahaa Boqorkii ugu horeeyey ee Auxamites-ka, isagoo sheegtay in Boqoradii Reer Saba iyo Nabi Suleymaan (caleyhi salaam) ay iska dhaleen, xiligii Boqoradii Reer Saba ay tagtey Jurusalaam, oo saldhig u aheyd Nabi Suleymaan (caleyhi salaam).

Sidoo kale Boqor Haile Salase, ayaa sida uu sheegtay tilmaamay in Minilikhii Koowaad uu ka tirsado 225 ODAY, iyadoo laga wariyay in Minilikhii Koowaad uu booqday mar kale aabihiis Nabi Suleymaan(cs) (waa sida uu sheegtaye) asagoo nin dhalinyaro ah markan, halka loo yaqaaan Bar Mitzvah, markii uu kusoo laabanayay Auxum, ayaa abaahiis Nabi Suleymaan (cs) kusoo daray ciidan waardiyeeya wiilkiisa Minilikhii Koowaad, waardiyayaashan ayaa sida lasoo wariyo lagu tilmaamay in ay yihiin dadka ay kazoo farcameen FALSHAHA ETHOIPIA daga manta.

Shegashada Haile Selasse in uu ka tirsado 225 oday Minilikhii koowaad ayaa waxa iska hor imaanayaan, mala awaalka taariikhyahanadu ka baxsheen inta ka soo wareegtay taariikhdii Nabi Suleymaan, oo ay dhaheen 3600, oo sanno ayaa lagu qiyaasaa in ay ka soo wareegtay, halka sheegashada HAILA SALASSE, marka lagu dhufto isku celcelis ahaan da’da ay noolaan kareen dadkii xiligaas ay aheyd 25sanno, waxa ayna imaaneysaa sidan ( 225 x 25sanno = 5625sanno), iyadoo sida muuqata labada aragtiyood iska hor imaanahayaan.

Sidoo kale qabiilka AGWA-HA oo ah qabiilka ay la degan yihiin Falashaha Ethiopia, ayaa laftigooda la yiraahdaa waxa ay ahaayen ciidankii waardiyayaasha ahaa ee u soo gardaadiyay Minilikhii koowaad AUXUM, maadaama la sheego in ay kazoo jeedaan HAMATIKIGA, iyagoo dhexda u fadhiya qabaa’ilada Amxaarada iyo Tigreega.

Mida lagu sheego in ay noqon karto cadeyn jiritaanka Reer Saba in ay saldhigteen dhulka buuraleyda sare ee Ethiopia ayaa waxa ay tahay markii la helay qoraalo duugowbay oo (OLD monuments) in ay ku qoran yihiin saddex luqadood oo kala ah 1: tii Reer Saba, 2: tii Giriiga iyo tan GA’EZ-ka loogu yeero. GA’EZ ayaa ah farta qoraalkeeda manta Ethiopia laga isticmaalo, waxana aasaasay Boqortooyadii AUXUM-ka, kadib markii ay diiday isticmaalka fartii Reer Saba, oo ka hor ay isticmaali jireen, iyadoo cadeyn ah ay jidho in sadexdan far isku waqti la isticmaalahayay.

Ø      GALLA AMASE OROMADA;

Dadkan loogu yeero Gallada, hadana ku caanka ah Oramada ayaa manta waxa ay yihiin dadka tiro ahaan ugu badan geeska afrika, iyadoo la xuso in ay ka mid yihiin dadka Kushitiga, ayaa hadana waxa ka imaaanahaya aragtiyo iska hor imaanahayo halka ay ka soo jedaan ee dhabta ah, qaar ka mid ah aragtiyadaasna waxa ka mid ah sedexdan.

 

a)     Tan dadka Oramada ah qabaan;

Dadka Oramada ayaa aaminsan sida uu kazoo wariyay Sir Richard Burton, oo 160 sano, ka hor socdaal ku bixiyay deegaankooda, in ay sheegtaan in asalkooda kazoo jeedo wadanka Sacuudiga, khaasatan iyagoo tilmaamay in ay ahaayeen dad Reer Maka asal ahaan kazoo jeeda, soona gaarey dhulkan Ethiopia xili hore, ayagoo kazoo dagey xeebta galbeed ee halka hada loo yaqaan OBOKH, oo ka tirsan wadanka DJabuuti, kadibna ay ku soo fideen dhulkan baahsan ee Ethiopia, ayagoo dhinac walba u fiday.

 

Sir Richard Burton, ayaa xiligaas qoray ilaa afar qabaa’il oo dadkan Gallada amase oramada u kalabaxayeen xiligaas iyagoo kala ahaa (Alo, Nole, Babuli and Jarsa.), halka manta la helayo ilaa iyo 24 qabaa’il oo dadkani ka kooban yihiin.

 

b)     Tan dadka Ethiopianku ka qabaan;

 

Dadka Ethiopian-ka qaasatan Amxaarada ayaa ku sheega in Oramadu ka soo jeedaan amiirad uu dhalay boqor ka mid ah boqradoodii, iyadoo amiiradan ay ka heshay mid ka mid ah adoontii u shaqeynaysay, dabadeedna ay isla baxsadeen iyagoo is guursadey, degayna halka ay degan yihiin qabiilka Uraagada ee uu maro wabiga la yiraahdo Galla,wiilkii ugu horeeyeyna uu ugu dhashay daanta wabiga Galla, halkaas oo ah halka magaca Galla uu kazoo raacay, iyadoo amiiradana ay u dhashay adoonkii guursadey todoba wiil, iyagoo dabadeedna tarmay ilaa ay gaareen in dhulkii ay dagenaayeen ayagu la wareegaan, iyagoo dabadeedna noqday xoog kaba hor yimaada boqortooyadii Auxum fadhigeedu ahaa, isla arinta ayaa waxa soo wariyay Sir Richard Burton.

 

c)     Tan taariikhyahanadu xussaan;

 

Taariikhyahanada ayaa ku tilmaama Oramadu in ay kazoo jeedaan amase ka yimaadeen dadkii Kushitiga ahaa ee markii la jabshay Boqortooyadii Kushitiga u hayaamay dhulka hoose ee Buuraleyda ahaa, halkaas oo ay ku yaalaan wadamada Kenya iyo Tanzaniya, dabadeedna ay isku guursadeen dadkii Bantuga ahaa, ayagoo kagadaalna Somaliya dhinaca Koonfurta kazoo galay, ilaa ay soo gaareen dhinaca Waqooyi iyo Bariba ka hor inta aan Somalidu kasaarin, qiyaas ahaan 1500 A.D, iyadoo Sir Richard Burton, ku tilmaamay in magaalooyinka ay ka daganaayeen dhinaca Waqooyiga Somaliya ay kala ahaayeen, Aububah, Darbiyakole, Long Gulad, Amadmed, Moga Medir, Harar, and Berbera.

Sida uu wariyay Weidner: “Galladii hore ayaa lasheegay in ay ahaayeen kuwo aan diin laheyn, waxana ay caabudi jireen wax ay ugu yeeraan “ILAAHII BIYAHA” iyadoo afkooduna ku ahaa “Abud Waka”, Abud= “Biyaha”, Waka= “ILAAHII”, tanoo ay kala mid ahaayeen VARUN DEVTA oo ay lahaayeen Hinduska Vedic ah. Waxa ay aaminsanaayeen in Illaahoodu uu maamulo cirka isagoo ay ku abaal mariya biyaha, marka uu xumeynahayona ku ciqaaba biyaha oo uu ka ceshto”.

Gallada ayaa la sheegay in ay lahaayeen ama wadaagi jireen gole oday dhaqameed, taasoo ninka odayga u ah uu ahaan jiray dhaxal, waxana loogu yeeri jiray “GADA”.

Hadaba sida warbixintani ku tuseyso ayaa waxa ay tahay mid uun male uun ku dhisan halka lagu saleynkaro asalka dadkan, iyadoo aragtiyada iska hor imaanahayana ayna tusayso in marka horeba loo baahan yahay cadeyn dhameystirin oo ku saleysan waxa uu KUSHITIGU ku sifoobahayo, haday ahaan laheyd shabahaad luqad iyo haday ahaan laheyd mid isir iyo farac ku saleysan, dadka uun iskaga hadaaqahaya Kushitigana waa in ay la yimaadaan faham dhameystiran, taasoo aan ula jeedo marka maanta dadka kaliya oo taariikhdu u heli karto Kushitinimadooda lagu soo koobay BEJAHA, iyadoo tanina cadeynayso qoraalada laga minguuriyay Faraaciintii amase kutubtii Romanka oo sheegay in wakiili u joogi jiray Roma, sidoo kalena khuburo Beja ahi ka caawimi jireen sidii ciidamadoodu u adeegsan lahaayeen Maroodiyaasha iyo waxyaabo kale oo badan.

Su’aashase aan rabay in aan weydiiyo ruuxwalba oo aqoonyahan ah ayaa waxa ay tahay sababta afsoomaaliga oo lagu sheego luqadaha ugu hodonsan dunidan, looga la’yahay erey loogu yeero dadka aanan diinta muslimiinta ku jirin, kaas oo aanan ka aheyn Gaal?

Micnaha aan taas u leeyahayna waxa ay tahay maadaama sida taariikhdu nabareyso Gaal ay Somalidu u taqaanay ninmankan Gallada ah (Oromada), ayba u noqotay in ay u adeegsadaan magacii nimankan wixii aan kuba jirin diinta Islaamka, anoo fikradeyda u fasirtay maadaama nimankan Gallada ay xiligii Somalida Islaamka aheyd kasoo eryahayeen dhulkaas ay ahaayeen dadka kaliya ee aan diinta laheyn, taasoo ay ka muuqato hadii afsoomaaligu uu markaas ahaa mid mudo dheer soo jiray ay sahal ahaanlaheyd in erey kale oo aan ku saleysnayn magaca dadka u heli lahaayeen dadka diinta islaamka aan ku jirin. Balse su’aashan aqoonyahanada kale ayaan u dhaafay jawaabteeda.

v     ISIRKA SOMALIDA: khuburadu maxay ka dhaheen?

Buuga uu qoray Robert W J, laguna magacabo ‘A HISTORY OF AFRICA PEOPLE’ boggiisa 11, waxa aad ka heleysaa asagoo soo xiganahaya nin Anthropologist Ah lana oranjiray Murdock, kaasoo uu taageeray Archeologistihii caanka ahaa ee Professor Jean Hienaux “The People of Africa”,  in uu yiri “ Ma muuqato wax cadeyn ah oo tilmaamahaya jiritaanka Gallada(Oramada) iyo Somalida  ka hor dhamaadkii Miliniyanka kowad Dhimashadii Ciise(Caleyhi Salaam) kadib, halka dhinaca kale Dadka BEJAHA loo yaqaan ayba ahaayeen kuwa jiray, taasoo ay cadeysay markii ay ka muuqdeen taariikdii faraaciinta 200sano dhalashada Ciise ka hor”

Halkaa waxa ka cad in dhulka Somaliya loo yaqaan aysan jirin dad Somali layiraahdo oo daganaa, iskadaa Somaliyeh aanan laheyn amase aysan daganeyn sidoo kale dadka Galla(Oramo)looyaqaan oo dad badani rumeysan yihiin in dhulka Soomaliya loo yaqaan ayaga laga kacshay.

Qoraa kale oo isna la oran jiray ROBIN HALLET, buugiisii ‘AFRICA TO 1875’ wuxuu ku sheegay asagoo isla arintan taageerahaya sidan “Qarniyaal kadib koox kale oo cadaan ah ayaa yimid Bariga Afrika, qiyaas ahaan 1000sano, dhalashadii Ciise ka hor, kuwaasoo keenay dhaqashada Lo’da iyo abuurka miraha, dhamaadkii miliniyamka koowaad ee dhimashadii Ciise kadib ayaa dadka AZANIUM-ka ahi (Azanium-ka ayaa ahaa magac qorayaashii Giriigu u yaqaaneen dadka ku noolaa xeebta bariga Afrika) dagsiimaadkoodii gaarey  dhulka sare ee Kenya iyo xuduuda ku teedsan ee Waqooyiga dalka Tanzaniya”.

Hadaba labadan cadaymood ee taariikhiga ah ayaa waadixinahaya iskadaa jiritaanka dadka Somalida loo yaqaane in aysan jirin amase daganeyn dhulka Somaliyed dadka Galla(Oramo) loogu yeero, ka hor dhamaadkii miliniumka koowaad dhimashadii Ciise ka dib, iyadoo taariikhyahanadani xuseen in dhulkaasi ku noolaayeen reerbaadiye ugaarsato ah iyo xoolodhaqato ilaa iyo waqtigaas, iyadoo Reer Sabana la sheegay in ay soo gaareen halkaas qiyaas ahaan 4 ama 5 miliniyamka dhalashadii Ciise ka hor.

Sida lawada xuso, qoraagan DONALD L WEIDNER uu isna ku xusay buugiisii “A HISTORY OF AFRICA” waxa uu yiri “Faraaciintii hore ee Masar ayaa waxa ku xusan qoraaladooda xeebta Waqooyi Bari, iyagoo ugu yeerijiray PUNT, LAAKIIN Reer Saba oo ka yimid Yementii ilbaxa aheyd ayaa waxa ay yihiin dadka ugu horeeyey ee imaatinka dhulkaas la cadeeyey, iyadoo imaanshahooda kadibna ay bilaabmatay ganacsigii Careebiya, Hindiya iyo Afrikada bariba oo xukunkooda hoos imaanahayay”.

Isla qoraagani waa WEIDNER asagoo sii wata waxa uu yiri “In yar ka hor dhalashadii Ciise Ganacsatadii Reer Saba ee Careebiya ka yimd waxa ay go’aansadeen in ay u guuraan Buuraleyda sare ee Ethiopia”, Reer Saba-ha  ayuu qoraagani ku sheegay dad qabaa’ilo Nubiyan ahaa oo daganaan jiray xeebaha waqooyi Bari e Somaliya, kuwaasoo uu ku macneeyey  in Ganacsatadii Xeebaha Punt, ee la ganacsan jiray Faraaciintii Hore ee Masar ay ahaayeen Reer Sabahii ka soo haajiray Yaman, iyagoo isla markaasna Yaman looga talinjiray”.

Sidoo kale ayuu xusay qoraagani in ganacsatadii Reer Gariik, ay ugu yeeri jireen dadkii reer SABA ee Puntlanderka ahaa BARBERI" Qarnigii koowaad, iyadoo buu yiri ay dhici karto in magaalada BARBARA ay aasaaseen Berberiyiintii Reer SABA.

Hadaba Galada ayuu sheegay qoraagani in qiyaas ahaan 900-800sano Ciise ka hor ay saldhigteen baadiyaha Somaliya, iyadoo buu sheegay in Somaliya ay kasoo galeen dhinaca koonfureed qiyas ahaan 500 ilaa 100sano dhalashadii ciise ka hor, iyagoo si tartiib ah ugu fiday gabi ahaanba Somaliya.

 

Sidii taariikhyahano badani xuseen, ayaa qoraaganina tilmaamay in imaanshaha Somalida ee ku aadan somaliya amase jiritaankooda Somaliya in badan u dhaxeysay Oramada, iyadoo saldhigashadooda ay ka bilaabmatay dhinaca Waqooyi qiyaas ahaan qarnigii 2Ciise ka hor, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri "waxa ay u badantahay in Somalidu ay yihiin dad ka soo jeeda ganacsatadii reer saba ee yaman kasoo kacday”, wuxuuna hadalkiisa sii raacshay “sida dad badan oo somaliyed xusaan in ay kasoo jeedaan dadkii Nubiank ahaa dadkan oo laftigoodu reer saba ah, isagoo xusay in isbalaarinta iyo isqaybinta qabaa'ilada somaliyed bilabmantay qarnigii 7ad soo galitaanka islamka, iyadoo qabaa'iladii somaliyed laba jibaarmeen, ayna noqdeen awood xoogbadan oo maquunisa dadyowgi ku kagadaanaa iyagoo jabshay Galadii dhulkiina kala wareegay”.

 

Sida uu ku qoray buugiisa “Historical Aspects of Genealogies in Northern Somali Social Structure (1)”1996,I M LEWIS, oo ah khabiir arimaha Somaliya ku xeeldheer, hadana wax ka dhiga Jaamacad ku taal magaalada London, waxa uu ku  leeyahay “ Waxa jiray muhaajiriin Carbeed oo dhawr ah kuwaasoo saldhigtay Xeebta Dheer ee Bariga Afrika, iyagoo isguursadey dadkii deegaanka dhaqankoodiina isku milmay, sidaa aawaded muhaajiriin Carbeed oo aan tirobadneyn ayaa aasaasay amaba kazoo jeedaan dadkan Soomaaliyeed ee manta nool mudo laga joogo 1200A.D, xiligaas ayaa u eg mid muujinahaya in dhulkaasi ku noolaayeen dadka Oramada la dhaho”.

Aragti waxa jirta oraneysa dadka Oramada ahi waxa ay dhaqan jireen Lo’da, iyadoo Lo’du lawada ogyahay in ay tahay mid u nugul abaarta iyo Biyo la’aanta, halka Carabtii Soomaaliya saldhigatay door bideen dhaqashada Geela,Idaha iyo ariga, kuwasoo ahaa mid kuwo ku haboon cimilada deegaankaas, mar walba oo Oramada iyo Lo’deedu ka haajiraan dhulka oomanaha ah xiliga abaarta, Somalida ayaa soo buuxisa dhulkii ay ka hayaameen iyagoo la imaanahaya xoolahooda ka adkeysiga badnaa Lo’da Oramada, gudahana u gashay Oramadii dhulka Ethiopia, sidaas waxa qorahaya Buuga "African Ark", ee ay qoreen Carol Beckwith & Angela Fisher, Collins Harvill, 1990, PP 176.

Somalida ayaa la sheegay in ay ugu da’ wayn yihiin qabaa’ilada ay kazoo jeedaan Ram Nag iyo Samaron, iyagoo kazoo degay Zaylac amase nawaaxigeeda, waxana la sheegay in ay Carab ahaayeen, Ram Naag ayaa la sheegaa in ay kazoo jeedaan Soomalida badankood, halka Samaroonkana ay kazoo jeedaan dad Gadebursay loo yaqaan, Daaroodka iyo Isaaqa ayaa ka danbeeyey, Daroodka lasheegay in uu kazoo degay XIIS, halka Isaaquna kazoo Dagtay Mayr, labadan goobood ayaa isku jira  10 miles (16 km), iyadoo wali la helahayo dhagaxyo tilmaamahaya khabuurtoodii, sidan ayaa waxa uu ku qoran yahay isla Buuga uu qoray Dr: I M Lewis.

Sharaxaadaas aqoonyahano badani ka bixiyeen Isirka Soomaalida ayaa waxa aan ka iftiinsankarno tahay in aqoonyahan walba qirahayo in dadkani xili danbe wadanka soo galeen, kanasoo hayaameen gacanka Carabta sifo walba ha uga soo salkaceene, tasoo aan shaki ku jirin in asalkoodu kusoo ururahayo in ay yihiin dad Carbeed oo isguursi dhexmaray dadkii kusugnaa geeska Afrika Xilagaas, tanoo ah waxa aqoon yahan walba kusoo afxirahayo marka uu ka hadlahayo asalka dadkan, halka luqadan Kushitiga lagula ordahayona aysan muhiimad muuqata oo badasha faraca Umadanna noqon karin.

Shaxankan hoose ayaana cadeyn muuqda u noqonkara waxa aqoonyahanadani u bixinahayaan sharaxaadan, iyagoo tusaale u soo qaatay marka maanta ninka Somaliyeed uu soo bandhigo abtisiiyihiisa ilaa awoowga uu aaminsanyahay in uu kasoo uskamay oo lagu dhufto isku celceliska la qiyaasahayo in dadkani noolaan kareen ay noqon karto sida shaxanku ku tusahayo.


Shaxanka tilmaamahaya labada Dun ee Somalidu ka abuurantay :



v     SINJI SOOCA DADKA: Isir, Midab iyo Muuq;

 

Sida uu ku tilmaamay maqaalkiisii “RACE AND ETHNICITY IN THE HORN OF AFRIKADR: ORVILLE BOYD JENKINS, isaga oo u jawaabahaya nin Somaliyeed oo soo weydiiyay su’aal ku saabsaneyd (sababta Somalida iyo Ethiopianka la iskugu soo sooco) waxa uu yiri “marka laga soo bilaabo xog ururintii qarniyadii tagey iyo akhbaartii qorshaysneyd eek u saabsaneyd ogaanshaha dadyawga dunidan, waxa la ogaaday in ayan jirin wax xiriir muuqda ah oo ka dhaxeeya midabka jirka iyo isirka qofi kazoo jeedi karo”.

 

Isla qormadan ayuu DR:ORVILLE B JETKINS, ku sheegahayaa in qeexida waxa isirku noqonahayo siyaabo kala duwan loo dhigo, isagoo tilmaamay in sidoo kalena aanan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeyn kara muuqaalka (PHYSIOGNOMY) amase jinsiga dadyow kala tagsan. 

 

Arimahan ayaa daliilka uu u keenay DR:ORVILLE B JETKINS, waxa ay kutusinayaan sidan

 

Ø      MIDABKA IYO MUUQA:

Waxaa jira dad madow oo leh muuqaalka cadaanka kuna nool koonfurta Hindiya iyo Jasiiradaha Badweynta Hindiya, guud ahaan dadkan ayaa loogu yeeraa DRAVIDAN, tusaale ahaana luqada dadkan waa TAMIL, TALUGU, KANNADA, IWM.

Dadka madow oo iyaguna kunool South Pacific ayaa waxa loogu yeeraa MELANESIAN, dadkan ayaa muuqaal ahaan u eg Negroid Africanka, waxaase cad in ay kala duwan yihiin.

Dadka kunool PAPUA NEW GUINEA iyo IRIAN JAYA ayaa ah MELANESIAN, halka kuwa lamidka ahna loogu yeero AUSTRALIAN ABORIGINES.

Hadaba aqoonyahankani asagoo kujira sharaxaada su’aashii ninka Somaliyed soo weydiiyay ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Asal ahaan waxa jira sadex unugood oo isir milanka aad I weydiisay abuurey”, waxa uuna ku sheegay Kushitiga , Semitiga iyo Bantu ama (Nilo-sahara).

 

Dadkan ayuu yiri waxa aad isku xijinkartaa amase iskugu sooci kartaa luqada, maadaama luqadu tahay jidka koowaad ee isirka iyo qoleynta dadka kunool geeska Afrika lagu xiriirin karo, wax ka badan marka lagu xiriiriyo ekaanshaha muuqda.

 

Isla aqoonyahankan ayaa daliilka uu u hayo taas waxa uu kusheegay in waxa kaliya Soomaalida iyo Oramada lagu xiriirinkaro tahay xaga luqada, isagoo Oramada ku tilmaamay dad ka gaagaaban Somalida, walow midab madow wada leeyihiin, balse waxa uu sheegay in Oramadu Soomaalida ka xigto Bantuga, sabatana uu kusheegay isguursashada ka dhaxeysay Oramada iyo Bantuga ama Negroidka.

 

Canfarta ayaa tusaale kale unoqotay DR:JETKINS, Isagoo tilmaamay in muuqaal ahaan ay shabahaan Bejaha, xaga midka maariinka ah, balse xaga luqada bahwadaag yihiin Oramada iyo Somalida, wallow Bejaha laftigoodu Kushitig lagu sheego.

 

Sida ku cad maqaalkan Bantuga Soomaaliya degan ayaa lagu sheegahayaa in ay kazoo hayaameen Bartamaha AFRIKA, qiyaas ahaan xiligii Ciise.

 

Gabagabadii ayuu aqoonyahankan isaga oo wali ka jawaabahaya su’aaashii ninka Somaliyed soo weydiiyay waxa uu leeyahay “ Macada sababta ilaa iyo hada dadka Soomaaliyeed ay sida aad ka ah iskugu soo dhow yihiin dadka cadaanka ah (ogow lama oran Afrikan ama Kushitiga) iyadoo ayba jidho in ay leeyihiin midab madow oo sida Oramada Kushitiga ah, amase Bantuga (taasoo ay u muuqato in Oramada amase Afrikan midabka un aan wadagno), SIDAA AAWADEED WAXA MUUQATA IN AYAN JIRIN SHARAXAAD MUGWEYN, LANA AQBALI KARO OO DADKA AQOONYAHANKA AHI U HAYAAN AMUURTAAN”(sababta cadaanka iyo somalidu isku shabahaan, iyadoo ay muuqato in aan la isweydiineyn afrikaankii amase Kushitiga).

 

Waxa aan u maleynahayaa in aan laga fursankarin u laabashada hadaladii awoowayashii hore ee Somalida laga soo wariyay, DR:Jetkins, asaga oo iftiiminahaya sida looqaateenka ay u tahay sheegashadii awoowayaasha hore laga soo xigtay, waxa uu yiri “ Qaar ka mid ah qabaa’ilada Somaliyeed ayaa sheegta in ay kasoojeedaan qabaa’ilada Carabta, tanoo u muuqata in ay tahay mid ku timid Isguursi xiligii Islaamka soo gaarey, Si kastaba ha ahaatee taasina waa macluumaad kale oo kusaabsan muuqaalka cadaanka shabaha ee aan ka helnay Somalida, iyadoo ay kaaga sii darantahay in jirkoodu madow yahay”.

 

DR: ORVILLE BOYD JENKINS ayaa qormadiisii kusoo afxiray “ Tan cajaa’ibka ahi waxa weeye marka aan dib ugu laabanay taariikhda faraca Ibnu aadamka, waxa awoodnay (Anagoo isticmaaleyna cilmiga DNA) in aan helno, in badan oo isku ekaansho ah IN DADKU KASOO FARCAMAY HAL JINSI OO AFRIKADA DHEXE KUNOOLAA”.

 

 

v     Isku ekanshaha Guguyo Waday iyo Prof:Fisiko:

 

[Carleton S. Coon. The Races of Europe. MacMillan, 1939] (Nin kazoo jeeda Beesha Maxamud Garad ee Dhulbahante)

Ma ahan markii ugu horeysay oo taariikhyahano badan wadaqireen in dadka Soomaalidu yihiin dadka kaliya ee ugu soo dhow xaga dhismaha muuqaalka dadka cadaanka ah, taasna dadkii cadeyntooda raadiyay waxa ka mid ahaa CARLETON S.COON, Buugiisii THE RACES OF EUROPE, ee uu qoray, 1939; asagoo socdaal ku yimid halkii hore loo oran jiray BRITISH Somaliland, helayna ninkan Somaliyed ee u dhashay Beesha Maxamud Garaad ee Dhulbahante, asagoo kusoo muuqaal soocay in u yahay cadeynta kaliya ee muujinaysa sida dadka Somaliyed aan loo kala gurikarin ninka cad marka loo eego buu yiri “ isku dhawaanshaha madaxa iyo wajigiisa, sanqaroorka dheer ee shuban iyo daamanka caanka ah”, intaas oo dhamina waxa ay ku tusinahayan sida uu uga fog yahay Negroidka iyo dadyowga kale.

Sidoo kale Sir Richardson Burton, oo socod ku maray afrikada Bari 160ssano kahor, ayaa laga soo xigtay asaga oo tilmaamahaya Muuqaalka midka mid ah qabaa’ilkii Somaliyed ee uu lakulmay waqtigaas wuxuna yiri “Ajuranka oo ka mid ah qabaa’ilada ugu facweyn Somalidu waxa ay ahaayeen marka aad aragtid Rag dhaadheer, qurux badan, midabkoodu furnaa, Caqli iyo waxgaradnimo kaaga muuqaneyso marka aad aragtid, xirfadna lahaa”.

Marka aan u soo laabto isku ekaanshaha Profesor Fisiko iyo Guguuyo Wadaay, ayaan hadaba xasuusin lahaa Profesorka in hadii Rabbi asaga iyo Guguuyo Wadaay muuqaal iskugu keenay, in ayan taa micnaheedu aheyn in Somaliyi wada Guguuyo Wadaay tahay amase si kale hadaan u dhigo, dadka Chad iyo Somaliye ay yar tahay shabahaadooda, qof sida Profesor Fisiko ahna laheli karo.

Inkasta oo sida aqoonyahanka manta ay isku raaceen, anniguna an qabo ay wada tilmaamahayaan in cunsurka qofku kazoo jeedo, muuqa amase midabku aanu xiriir ka dhaxeyn, sida aan filahayo in aan kor ku xusay.

Waxana tusaale kuu noqonkara ciyaaryahanka hore u ahaan jiray kabtanka qaranka Walis, hadana u cayaara kooxda Manchester United, RYAN GIGGS, in cunsurka uu kazoo jeedo iyo midabka amase muuqiisu ayan islaheyn, isagoo u muuqda nin cad, balse runtu tahay in uu kazoo jeedo wadanka Afrika Galbeed ku yaal ee SERILAONE.


Boqorada Britain iyo Ryan Giggs

v     WAAYO JABARTI? halkuuse ka yimi magaca jabarti?

 

Jabarti magac taariikh xanbaarsan

 

“Jabaratiina xabasha maratayn“(laba jeer ayay i kabtay xabasha)     xadiis sharif

 

“Muxamad waxaa kabay (jabar) boqorkii xabasha “

 

 

Jabarti waa magic qadiim ah lana xiriira soo bixitaankii risaalada Islaamka iyo hijradii xabasha la aaday, markii la xuso magacaasna waxaa u soo degdegaya maqalka micne qiime badan oo ah waxuu ku faani karo qof kastoo muslim ahi oo ku nool dhulka xabasha (geeska afrika oo la oran jirey qadiim dh/xabasha)

 

Dr. Yasiin A.kaan, oo ahaa khabiir u dhashay dalka Eretereya, ayaa daraasad uu ka diyaariyey magacan aad u falanqaynaysa, in kasta oo uusan  dhamaystirin nasiib darona la diley bilowgii 1990.

 

Ø      Muslimiinta Xabasha iyo magaca Jabarti

 

In badan waxay rumaysan yihiin in magacan uu ku yimi ka gadaal markuu qaabiley Nabigu (SCW) wafdigii Najaasi (boqorkii Xabasha), uuna yiri” kuwani waa JABARATII” oo macnuhu yahay “Cududaydii iyo garabkaygii I xoojiyey” ilaa maalintaa waxaa lagu magacaabi jirey muslimiinta Xabasha “Jabar” oo ah Kabe, xoojiye diintiisana ku adadag, taasoo loola jeedey inay xoojiyeen Islaamka xili uu aad u taagyaraa soona dhaweeyeen muhaajirinntii asxaabta nabiga ahayd uu horkacayey Jacfar bin abii daalib, iyo Cusmaan bin Cafaan.

 

Qaar kale waxay leeyihiin mayee magacu waxuu ku yimi ka kadaal markay qurayshi tiri” Arinkii Muxamed waxaa kabay “Jubira” Boqorkii Xabasha” micanaha waxaa islaamka xoojiyay boqorkii xabasha markaa Najaasi oo si wayn u soo dhaweyey muslimiintii u tagtay markii danbaena qurayshtii ergada ugu tagtay soo cayriyey.

 

Iskusoo duuboo Jabartiga Ethiopia ayaan aheyn mid dhalasho ku yimid, ee waxa uu la mid yahay magacyada sida dadkii Reer Madiina ee soo dhaweeyay Rasuulka(SCW) iyo asxaabtiisa (Rabi raali hakanoqdee), loogu yeeri jiray (ANSAAR), halka qoladii Reer Makana loogu yeeri jiray (MUHAAJURUUN), ayaa Boqor Najashihii Xabashida markuu soo Islaamay isaga iyo dadkiisiiba loogu yeeray (JABARATII) oo aheyd Kabayaashii Islaamka.

 

Ø      Asalka Jabarti

 

Sida uu qoray AL-MAQRISI kitaabkiisa (ilmaam biman fii-ardil xabasha min muluuk al-Islaam) waxuu leeyahay (Qolo ka mid ah Quraysh ayaa degtay dhulka Iifaat,qaar waxay leeyihiin waxaan galnaa Cabdi-daar,qaarna waxay galayaan Banii-haashim, oo faracii Caqiil bin abii Daalib, waxay ka yimaadeen Xijaaz, waxayna degeen dhulka loo yaqaan JABARTI oo ah Zaylac, waxay kaloo asaaseen IIfaat, siduu sheegay Biin Saciid boqortooyadii IIfaat waxaa loo yaqaanay (Jabraa ama Jabartaa) joqraafi ahaana waxuu ku xadiday inay ahayd ilaa darjada 8 dherer iyo 57 balac xidigska carbeed.

 

Waxaa la xusaa inay boqortooyadani u ahayd dalad boqortooyooyin ay  ka mid ahaayeen Boqortooyadii Makhzuumiya, Saldanadii Walsama, iyo saldanadii Cadal oo ay Cafartu aaminsan tahay inay lahayd.

 

Sidoo kale Fadlalaah Al-camri waxuu ku xusay kitaabkiisa (Masaalik al-absaar fi mamaalik al-amsaar) waxaa ka jirey 7 boqortooyo dhulkaa:

 

1- Boqortoyadii.IIfaat                               4- Boqortoyadii.Hadyah
2- Boqortoyadii Dawaaro                          5- Boqortoyadii. Sharkha
3
- Boqortoyadii.Araabiini                          6- Boqortoyadii.Baali
7-
Boqortooyadii Daara.

 

Waxuuna ku tilmaamey boqortooyinkii qaabka islaamka lahaa oo shabahay kuwa ka dhisnaa Masar iyo Shaam.

 

Ø      Jabartiga Soomaaliya

 

Qabaa’ilka Daarood waxay u nasab sheegtaan Shiikh Ismaaciil Jabarti, waxuu ahaa ashraaftii Xijaaz,waxuu ka soo hijrooday degaankiisii hijradu markay ahay 75H xili manta laga joogo 1353sano, waxaa ay doontu kaga jabtay xeebaha Soomaaliya markaasuu iska degay dhulkaas ,isagoo ka guursaday dadkii degaanka oo haween lagu sheegay qabiilka “Xorle” qoftii uu guursaday una dhashay wiil markii danbe loo baxshey Daarood, wiilkaas oo noqday dadka manta ay u nasab sheegtaan qabaa’ilka soomaaliya ka jira ee ay ka mid yihiin Harti ,Ogaadeen,Mareexaan,Tanade,Awrtable iyo Ciise.

 

Ø      Jabartiga Yemen

 

Waxaa can ka ah Shiikh Ismaaciil Jabarti oo wax ka weriyey xadiis ka hadlaya suurada Yaasinn oranayana “ Yasiin waxii loo akhriyo waa la helaa” oo qaar ku tilmaameen Xadiis Daciif ah balse Imam Sakhaawi uu ku yiri kitaabkiisa (Al-maqaasidul Xasana)” Asal ma leh micne ahaan laakinn Shiikh Ismaaciil Jabarti iyo ragiisu way sugayaan”.

 

Waxayna aamin san yihiin muslimiinta Xabasha, soomaaliya erateriya,iyo jabuutiba in xadiiskani yahay sax wayna ku dhaqmaan maydkana intuusan ruux bixin hala yaasiimiyo ayaa la dhahaa aadbaana loogu dhaqmaa.

 

Madrisal Jabartiya oo ku taal yaman waxaa asaasay sheikh Ismaaciil Jabarti (722-806 Hijriga) waxuuna ahaa culimada suufiyada xiligii Dawladii Rasuuliya.

 

Waxaa kaloo yemen ka jira Xerta Jabartiya oo ah xer uu asaasay sheikh Axmed Ismaaciil Jabarti waxayna farac ka tahay dariiqada Rufaacya.

 

Ø      Jabartiga Sacuudiga

 

Dad badan ayaa jira oo loo yaqaan (Jabarti) magaalooyinka Maka iyo Madiina intaanan la waynayn waxaa jirey wafaq badan oo ku magacawnaa Jabarti, waxaa kaloo Maka jira masjid loo yaqaan masjid Jabarti, oo xili hore la dhisay.waxaa kaloo jiray culimo wawayn oo duruus kala duwan oo diintaa  ka bixin jirtay xaramka.

 

Ø      Masar iyo Jabarti

 

Waxaa aad caan uga ahaa Masar iyo caalamaka islaamka alifihii kitaabka (Cajaa’ibul-akhbaar fi-tarajum wal-aathaar) Sheikh Cabduraxmaan al-jabarti, kitaabkiisana waxaa lagu tiriyaa kutubta ugu muhiimsan ee ka hadasha taariikhda, waxuuna ahaa qarnigii 18aad iyo bilowgii 19aadka gaar ahaan 1825 oo ahayd markuu sheikhu dhintay.

 

Waxuu sheegay sheikh C/maan mar uu ka hadlayey taariikhdiisa in awawgii uu ka yimi asal ahaan dhulka jabarti oo u dhaw Zaylac, deetana uu aaday Xajka, waxna ku bartay Madiina ka dibna uu aaday Masar si uu wax uga barto Azhar, wax buu ka bartay meel sarena waa ka gaaray ilaa loo doortay sheikha qayba jabarti (jabarti corner),   halkasna uu ku guursaday kuna ilmo dhalay, mar uu ka hadlayey taariikhda jabarti waxuu yiri dhulka jabarti waxaa dega dad haysta madhabka Xanafi iyo Shaafici, waxayna galaan nasab ahaan Aslam Bin Caqiil, waana dad uu ka muuqdo zuhdi iyo wanaag waxayna ka tagaan dhulkooda si ay u xajiyaan iyo cilmi doonasho, waxyana ku xajiyaan lug waxay ku leeyihiin Madiina iyo Azharba meel loogu magacdaray meeshii Jabarti (jabarti corner).

 

 

Ø      Azhar iyo Jabarti

 

Nidaamka waxbarasho ee ka jirey Azhar ayaa ahaa mid loo qaybiyo ardada qayb iyadoo loogu magac darayo meelahay ka yimaadeen waxaa jirey ilaa 30 Gees, oo wax lagu baran jirey ayna ugu can sanayeen geeska Shaam,geeska Maqrib,iyo geeska Jabarti, mid kastaan waxuu lahaa nidaamkiisa sheikhiisa iyo maktabadiisa.

 

Nidaamkaa waa la bedelay ka dib markii la horemariyay Azhar lana sameeyey Madiinatul Bucuuth-Al-Islaamiya, balse nin oday ah oo azhar tagay 1961, waxuu ii sheekey in uu jirey geeska jabarti, culimo badan oo Soomaliya can ka aheydna ay meeshaa xer ka ahaayee xiligaas.

 

Isku soo ururiyoo marka aad eegtid muhiimada guud ee ah asalka magacan Jabarti, ayaa waxa kuu soo baxaysa in uu yahay magac Islaamkii kadib jiray, asalkiisana la iskuma hayo in uu Sheikh Carab ah ahaa, iyadoo la yaab tahay kuwa manta in ay shubahada abuuraan raba, iyaga oo aanan wax daraasaad iyo raadraac midna la iman ku andacoonahaya aragtiyo meel ay u socdaan iyo danaha laga leeyahay midna fahamsaneyn, kuwaasoo marar badan la isku dayay in Ibnu’aadamka wax aan jirin laga dhaadhiciyo, mida laga wada xasuustana ay tahay wixii loogu yeeri jiray “Aragtidii Charles Darwin” ee uu aaminsanaa in dadku daanyeer kasoo jeedo.

v     Aragtida Dahsoon:

Aragatida dahsoon oo dad badani oo aduunkaan ka mid ahi moogyihiin ayaa malahayga waxa ay tahay in aysan ogeyn dadkani in ayagu khayaarkood u socon ama aysan wax u arag sida ay isku heystaan in ay u fakarahayaan, ayagoo uun ku socda wado loo jeexay qarniyaal ka hor.

Sida aqoonyahano badani wada qireen ayaa aduunkan waxa lagu sheegaa in uu yahay mid 20% dad ahi ay u taliyaan 80% kale, hadaba maxey noqonaysaa talada 20%kani ku fuliyaan dadka intiisa kale, siyaabo badan ayaa loo kala qaadaa sida maskaxyada dadyowgan loo xaday, ilaa heer lagaarsiiyay in la yeeshay, midase khuseysa maqaalkaygan ayaan halkaan kusoo bandhigihayaa.

Si loo hantiyo dadka, marka hore waa in aad tustid in ay habow yihiin, umad raadraac lehna ma ahan mid si fudud lagu isir tirikaree, waa in aad farac siibtid ilaa heer uu gaaro in uu aqoon waayo halka uu kazoo jeedo, marka mowjado walaahow ah oo boqol iyo laabatan magac ama isir xambaarsan midba maalin loogu yeero, iyadoo la leeyahay halkaas iyo halkaas baad kasoo jeedaa si loo marin habaabiyo, kii uu kazoo jeedayna laga tirtiro, aybana dhici karto in magacyo aan jirin loo bixinahayo, taasna waa tan lagu leeyahay dad badan manta aduunkaan ku nool, marka la majara habaabshay, Soomaalina waa tay ku socoto hada.

Arin daliil u ah ayaa waxa ay tahay markii aan u laabano xiligii gumeysiga in ay soo bilaabmantay kala dagaalanka dadka Soomaaliyeed Carabnimada, xukuumadii Britishka ayaana uga dheereysay sida muuqata tii Talyaaniga olalahan. Sidoo kale ayaan Faransiiskuna kaalintiisu aheyn mid daah lasaari karo, Prof: Axmed Ashkir Bootaan (Allaha u naxariistee) oo ka mid ahaa aqoonyahanadii Soomaaliyeed, kuwooda ugu aragtida hufanaa, ayaa asaga oo ka hadlahaya yiri “Waxaad maqashaan oraah dadka Reer Jabuti ku hadlaan oo oraneysa – Faransiisku Waa Ciisee Camalkiisaa cadeeyey – hadaba oraahdaan ayaan aheyn mid Ciise ka timid, ee waa mid Faransiisku ku yiri dadka Reer Ciise si uu u dhexgalo, iskagana dhigo mid la walaal ah, waxana cadeyn u ah isla oraahdaan (– Faransiisku Waa GUINEA Camalkiisaa cadeeyey – in uu ku oranahayo wiilka Afrikada Galbeed khaasatan GUINEA CONAKRY, kunool, waayo labadaba waa lagu shubtay”, Faransiiskuna waxa uu uga duwanaa Gumeystihii kale ee Reer Yurub, majirin cid u kala dhaxeyn jirtay isaga iyo dadka uu gumeysto, waxa uuna ka dhaadhicin jiray in ayba walaalo yihiin.

Mida kale ayaa aheyd in qorshe uu bilaabay gumeystihii Britishka xiligii gumeysiga, kaasoo ahaa in dadka soomalida Carabiga lagala dagaalamo, dabadeedna uu hirgashay olale ah in farta Laatiiniga ah Afsomaliga lagu qoro, iyadoo sida marka runta loo laabto farta Somalidu aaminsantahay in ay ayadu qoratay maanta salka ku hayso fikradaas, in badana lagaba soo minguuriyay aragtidii aqoonyahanadii Britishka, khaasatan ninkii asalkiisu Yahuuda Poland kasoo jeeday, Britishkana ahaa, afka Somaligana ku hadli Jiray ee (B. W. Andrzejewski,), isagoo sicad u sheegtay 1993,in fartan asagu ka danbeeyay, qoraalkeedana uu bilaabay Kontameeyadii, hadalkan oo uu kajeediyay idaacada BBC-laanta Afsomaliga 1993, ayaa su’aashii la weydiiyay waxa ay aheyd, “See u sheegan kartaa fartan, oo sida muuqata Dawladii Kacaanku ku abaal marisay 13nin, oo Soomaaliyeed, Jawaabtiisii ayaa waxa ay aheyd mid cajaa’ib ah, isagoo sheegtay 1) In Dowladii Kacaanku rabtay libinta fartan, 2) Iyadoo rabtay in aan loo arag fartan mid aragti shisheeye ka timid, aniguna labadaba waan dareensaa, tan 3) Biladii aan ku lahaa qoraalka fartan waxa la isiiyay 1987, iyadoo waliba magaca aan la xuseyn, si dadku u fahmaan arintan.” Taasi waa mida cadeynaysa in aan nahay umad iska gudeysa, waayahana waxba ka baran, marka layaab maleh ninka aaminsan wax uusan isir iyo raad toona u laheyn, maxaa dhacay maskaxdiisiiba waxa saaran dawaar uu marsaday ninkii danaha gaarka ah kalahaa.

Aduunkanina ma aha mid uun la iska noolyahay, ee mar walba waxa jira dano iyo qorshe mugdheer oo dadka majaraha hada u haya meel u yaal, waana tan ku khasbeysa in jiho walba u fakaraan, si ayan u lumin kaalintooda berito, ma ahan tan manta waxa ay daydayahayaan (ee waa adiga mida tan maanta la jahwareersan) oo hore ayay u dhaafeen.

v     SABABTA CARABNIMADA LO DIIDAHAYO. 

Layaab ma leh ninka Somaliyeed oo maanta leh waxbaan diidanahay ha ahato Carabnimo’e, balse waxa cad maanta in aan heleyno Somali diidan in ayba Somali yihiin, marka diidmada Carabnimada ayaan Somalidu aheyn maanta kuwo si saraaxad leh uga doodi kara, meelna wada dhigi kara dhinacaydoonaan haku fariisiyeen isirkoodu halka uu ku qotome’e.

Sababta aan taas u leeyahay ayaa waxa ay tahay marka kii aqoonyahanka ahaa uu ku oranahayo cadeyn walba oo aad hordhigtid waxba kama jiraan, halka kii caamada ahaana lagaba dhaadhacshay in lagadanahayo, amaba sida waadaxa ah in dadkii carbeed maanta yihiin kuwo meeshii u hooseeyay is dhigay, cadowna rifahayo, sida ay Somaliduba kala wadaagto Carabta maanta, ayaa arimo dhawr u ku sifeyn lahaa aragtideyda.

Ogow mida ninwalba oo Soomaaliyeed maanta looga fadhiyo ma ahan in uu sugo in loo sheego waxa uu yahay, balse waa asaga midka laga rabo raadraaca faraciisa, haka helo taariikhda ama raad muuqda halayimaadee, marka aan usoo laabtana Carabnimada ma jirto Ruux ama Wadan orankara Carab ma tihid, mana ahan Carabnimadu wax dad gaar ah leeyihiin, sida ay aaminsanyihiin in badan oo dadka Soomaliyeed ka mid ah, in Sacuudiga oo kale Carab dhalad ah yahay, masuuliyada carbeedna asagu leeyahay, halka marka baarid dhinaca DNA-da ahna cadeysay in dadka asalkoodu carabta kazoo jeedo Sacuudi Careebiyana ku nool lagu sheegay in ka yar 55%, halka wadamada Ciraaq iyo Masarna kaba sii yaryihiin 50%, iyadoo Yaman oo lagu tilmaamo asalka Carabta, dadka faracoodu kazoo jeedo Carabta qiyaastoodu noqotay 75%, halka Soomaaliya oo manta qaar aqoonyahanadeeda ka mid ahina ku doodahayaan in aysanba raad ku laheyn, ay heshay warbixintan DNA-du, in dadka Soomaaliyeed oo asalkoodu Carabta kazoo jeeda dhan tahay qiyaas ahaan 75%, taasoo ayba Yaman iyo ayagu barbaro noqdeen, warbixintan ayaa dadbadan oo dunida carabta kunoolna kabayaabisay.

Hadaan u soo laabto oraahdii Prof:Fisiko, uu ku lahaa “Aniga ayaa Madaxweyne Cabdulaahi dhalasho u xiga waxa uu sheegayna ma aaminsani” ayaa jawaabta aan kasiinahayo aniga oo aanan aheyn nin u doodahaya Madaxweyne Cabdulaahi, balse raba in aan xasuusiyo Taariikhda maguurtada ah ee isha u ah aragtida in badan oo Soomaliyeed qabaan, ha ahaato qabiilkan Daarood oo Madaxweynaha iyo adiguba kazoo jeedaan’e, amase Soomaalida kale oo faracoodu kasoo kala jeedo Ram Naag, Samaroon iyo Isaaqbee, in ay kuli kasoo gaareen abkood in faracodu ku qotomo carabnimo, ayagoo abtirsiinyahooduna  meel uun madaxa loo saarahayay, taas ayaa aqoon yahan Reer galbeed ahi in uu sharaxaad ka bixiyo isku dayay.

Hadaba aqoonyahankan reer galbeed ah oo ka hadlahayay arrintan waxa uu yiri “ Kala duwanaansha Yurubiyaanka iyo Soomaalidu waxa uu yahay ninka Soomaaliyeed waxa uu yaqaan faraca aabihiis iyo awoowayaashiis, asaga oo kuu tirinahaya abtirsiinyaha ilaa iyo sodon oday oo uu ku abtirsanahayo, halka uusan dan ka laheyn mida guud amase taariikhdooda Soomaalinimo, iyadoo dhinacayaga waa Yurubiyaankee uusan ninku aqoon magaca awoowgiisa sadexaad, halka aan badalkeeda ka haysano Taariikh mugweyn oo muujinaysa dadkayagu waxa uu yahay, taas oo aanan ku dhisnayn kalikali”. Waxa uuna ku daray aqoonyahankani in aysan aheyn wax la inkiri karo marka nini sodon oday magacyadood kuu tirsho, iyadoo uuba yiri waa wax aan laheli Karin, haba ahaato mid kalikali ku dhisan’e.

Qiso tan la mid ah ayaa waxa la iisheegay in ayqabsatay Muftiyada Soomaalida ee hada nool mid ka mid ah, Sheekh Shariif Cabdi Nuur, oo caalim cilmi allaah gacanta u gashay ah ayaa waxa la ii sheegay in Muxaadaro uu ka hadlahayay nini su’aal ku weydiiyay, asaga oo oranahaya Shiikh Shariif waxaad sheegataa Ashraaf in aad tahay, marka see ku cadeyn kartaa in aad Ashraaf tahay?, Sheekha ayaa jawabta asaga oo aan meel dheerka dayin waxa uu yiri adiga ila hadlahaya aan kugu soo ceshee yaad tahay suu yiri “Reer Hebel” markaasuu Sheekhu ku ceshay oo yiri yaa kuu sheegay in aad Reer hebal tahay , ninkii ayaa ku jawaabay aabahay ayaa ii sheegay, Sheekhii ayaa hadana  ku ceshay oo yiri yaa aabahaana u sheegay , markaas ayaa hadana ninkii ku jawaabay aabihiis, Sheekhii ayaa markaas yiri hebelow ana xaalkaygu waa sidaas, oo in aan Ashraaf ahay aabahay ayay ka timid, aabaheyna awoowgiis ayuu ka dhaxlay, marka dhalashada aan sheeganahayo dhaxalkaas ayay ku timid.

Caalamkii Muslimiinta qarnigan ee dhawaan geeeriyoon jiray Albaani Rabi ha u naxariistee, ayaa oraah aad u qiimo badan ka tagay, asaga oo ka hadlahaya Carabnimada, wuxuuna yiri “CAJAM WAXA UGU QIIMO BADAN KII CARAB ISMOODA, CARABNA WAXA UGU LIITA KII CAJAM ISMOODA” .

Hadaba utunta keeneysa in dadbadan oo Soomaaliyeed diidmo maanta ka muujiyaan Carabnimada ayaa ku saleysan mid uun ku dhisan naceybka guud ee maanta la rabo in dadka Carbeed cirdigii iyo sharaftay lahaayeen laga tirtiro dunidan, taasoo ah mid ka imaaneysa maskax ka facweyn tan ninkan Somaliyed ee waxa uu yahay iyo asalkiisaba midna aan aqoon, taasna waxa cadeyn u ah in Somaliyi halka carab la marsiiyo, iyaduna mareyso sida cadaatay maanta, dadka Soomaliyed ee Reer Galbeedka kunool ayagooba ismoodahaya amaba sheeganahaya Yurubiyan amase Amerikan, hadana Carabnimada u arka mid wax u dhimaysa, ayaa laftigeedu su’aal jawaab u baahn tahay.

Gabagabadii maqaalkaygan ayaa nuxurka iiga soo baxay amase aan rabo in inbadan oo Soomaaliyeed ila wadaagto waxa ay tahay in lawada fahmo, in umad walba isirka iyo faraceedu muhiim tahay in ay ogaato, ilaalsatana, iyaga oo aan dhag u jalaqsiineyn aragtiyada micnayaasha qototada dheer ku qotoma, mar walbana dano gaar ah laga leeyahay, iyadoo maanta dadka loo adeegsanahyo in ay fuliyaan danaha shucuubtan qarsoon leedahay ayba noqonahayaan kuwo aan adiga kaa fogeyn, tan ugu muhiimsana waxa ay tahay ee warbixintaydan aad ka faa’iideysan kartid, in aysan isweydiin laheyn isirka Soomaalidu in uu ku qotomo Carabnimo, sida in badan oo Soomaaliyeed waligood soo warinahayeen, umadaha caalamkuna uwada aqoonsanyihiin, inyar oo danogaar ah leh maahane.

F.G:

Waxaan maqaalkaygii hore ku xusay in aqoonyahan reer Bristol ah iyo arday Soomaaliyeed baarid xaga DNA-da ah ku heleen in Somalidu Carb tahay, hadaba waxa aan rabay in aan sixid ugu laabto halkaas, iyadoo markii aan xiriir la sameeyey aqoonyahankii Soomaaliyeed oo magaciisu yahay Dr:Ali Muse, uu ii sheegay in uu asaga ahaa ninka ku dhaqaaqay daraasadan, ninkan kalena uu Supervisor-kiisa ahaa, wuxuu sidoo kale Dr:Ali ii sheegay in warbixintiisii uu ku soo daabacay Journalka UK ah, 2006-kii, hadana waxa uu ii sheegay in uu diyaarinahayo, ayadoo afSomali ku qoran, isagoo sidoo kale ii sheegay in daraasadan uu sameeyey mid la mid ah uu sameeyey aqoonyahan reer mareykankan asagoo dhinaca hooyada ka baarahaya DNA-da, waxa uu helayna ay isku mid noqdeen warbixintayda, iyadoo labaduba cadeynahayaan in faraca Somalidu kasoo jeedo carabta, iyagoo wadamo badan oo carab loo yaqaanan kaba carabsan.

Hadaba waxa aan si geesinimo ku jirto jeclahay in aan halkan hanbalyo uga diro aqoonyahankan da’da yar ee Soomaaliyeed Dr:Ali Muse oo ku dhaqaaqay talaabadan horukaca leh, iyadoo aan oranahyo waa mid kudayasho mudan baal u cusubna u fureysa aqoonyahanada da’da yar ee Soomaaliyeed, iyo gabi ahaanba faraca dhabta ah ee umada Soomaaliyeed.

Waxaan sidoo kale idin xasuusin lahaa in aan gabi ahaanba aanan ku xusin amase aan soo daliishan warbixintan DNA-da ku dhisan anoo taas u qaatay maadaama aqoonyahanka aan maqaalkan jawaabta uga dhigahayo uuba sheegay in uusan aaminsaneyn jawaab walba oo ku qotonta DNA, iyadoo runtii taasi igu noqotay lama filaan, in nin aqoonyahan sheeganahaya waqtigan xaadirka ahna nool, oo waxba loo daliishanahayo DNA,da uu isagu diido, sidoo kale ayaan u doortay in aan maqaalkayga danbe kusoo ururiyo cilmi baarista DNA-da.

Mida ugu danbeysa ee aan Prof:Fisiko xasuusin lahaana ayaa waxay tahay in xiliga xun oo ay Soomaaliyi ku jidho maanta, aysan aheyn micnaheedu, mid ka dhigaysa dadnimada Soomaaliyeed wax aan jirin, xusuusnowna naf walba oo ibnu aadam oo maanta dunidan joogta qiime ayay ku fadhidaa, mana aaminsani aragti dadka kala fadilaysa, mar walbana waa muhiim in aad qab leedahay, xiliga xun ee inta xumaha wadaan calankoodu muuqdo, ma ahan in aad daah ku wada saartid inta qiimaha iyo wanaaga Somalinimo, Islaamnimo, Carabnimo iyo dadnimoba u muuqdaan, taasna waa tan aan kugu diidahayo marka aad leedahay “adaa dad ismoodahayee yaa kuu arka”, ogsoonowna wax aanan anigu iska dhigin cid iga dhigeysa majirto, waana ka xumahay in aan maqlo dad Soomaaliyeed oo sidaas uu dareenkoodu u lumay.

References:

July, Robert W., "A History of the African People", p. 11.
Hiernaux, Jean, "The People of Africa", p. 127.
Hallet, Robin, "Africa to 1875", p. 226.
Wiedner, Donald, "A History of Africa",
Sir Richard Burton, Op. Cit.1856.
"African Ark", Carol Beckwith & Angela Fisher, Collins Harvill, London, 1990
"Islam in Ethiopia", J. S. Trimingham, London, 1952.
Historical Aspects of Genealogies in Northern Somali Social Structure (1)1996, I. M. Lewis,
“RACE AND ETHNICITY IN THE HORN OF AFRIKA” DR: ORVILLE BOYD JENKINS.
Carleton S. Coon. “The Races of Europe”. MacMillan, 1939.
Dr. Yasiin A.kaan, Jabartiina, 1990.
AL-MAQRISI  “ilmaam biman fii-ardil xabasha min muluuk al-Islaam”
Imam Sakhaawi “Al-maqaasidul Xasana”
Sheikh Cabduraxmaan al-jabarti “Cajaa’ibul-akhbaar fi-tarajum wal-aathaar

B. W. Andrzejewski “BBC”

Waxa isku soo ururshay: Muxyadiin Xusseen Ciid, London
Alcarab1@yahoo.co.uk





Albaabka Adeega Caafimaadka Beljamka

Hogaan ama Garwadeen W/Q: Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )

HARDANKA LOOGU JIRO HANASHADA SOOMAALIYA BY Abdulqaadir Ibrahim axmed

Allaha u naxariisto Xaydar Maxamed Maxamuud oo dhawaan ku geeriyoodey dalka Hindiya

Soomaalaay Qaranku Aw Cali oo kale ayuu u baahanyahay

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJACUUN Maamo Xaawo Farax Xasan Cade

EID MUBARAK DHAMAAN MUSLIMIINTA IYO SOOMAALIBA

Salaantii Ciida oo ay is-dhaafsadeen Sultan Cabdalla iyo Boqor Burhaan.

Ramadan: Time for Muslim Rulers to Reflect on Ethical Governance

US on collision course with China in the Red Sea .ABUKAR ARMAN

Sultan Abdalla Bin Eissa held a meeting to review the developments on the ground and the importance of protecting the stability of the Almahra and Socotra

Shirweynaha Ururka Caafimaadka Xoolaha iyo FAO ee ka hortaga Cudurada Faafa uga qaybgalay dalka Ivory Coast(Sawirro)

ICRC: Activities in Somalia from January to December 2014

General Ahmed Qahtan " we declared that our against of joining Hathramout Federal Region. The Mehris has a right to decide their future and may have better options that are suitable for them".

Maansadii ISMA ORAN Muxyadiin Ciid 2007 dib u milicsi wacan

WASIIR SACIID CIID AYAA KA TACSIYEYNAYA GEERIDA EX-XILDH DAHIR KELLI IYO MUDANE CALI AXMED NUUR

Munaasabad uu xilka kula wreegay wasiirka cusub ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Saciid Xueen Ciid

Al-Haji Yaziin Xassan Ciid ayaa waxa uu ka tacsiyeynayaa Geerida ku tim RW Cumar Crashiid

Dr: Cabdulqaadir Cali Askar iyo Reer Cali Askarba waxa u tacsiu dirayaa Reer Cabdirashiid Cali iyo Reer Macalin Daahir

Dr Abdiweli Gaas oo ka tacsiyeeyay Geerida Xaajiyo Ruqiyo Macalin Daahir AUN

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa oo ka tacsiyeeyay Geeraida Xaajiyo Ruqiyo Macalin Daahir

Guud ahaan Reer Sharmaarke ayaa Tacsi u diraya RW Cumar Cabdirashiid Cali

TACSI:Xaajiya Ruqiya Macalin Daahir Cali Boss oo aheyd Hooyada R/W CUMAR Allaha u naxariisto

Dowladda Oman ” Waxaan diyaar u nahay xoojinta xiriirka nagala dhaxeeya Soomaaliya”. Jan 19, 2015

Tacsi Guuleed Maxamed Siyaad Barre Allaha u Naxariisto

Sultan Cabdalla Bin Ciise Al Cafraar oo ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta laheyd ee DR Xassan Xaaji Al Cafraar

TACSI: DR: XASSAN XAAJI ABUKAR AL CAFRAAR OO LONDON KU GEERIYOODEY ALLAHA U NAXARIISTEE

Somalia to rewrite contracts in response to corruption concerns By Katrina Manson in Nairobi

SAADO: GEENYADII GALBATEY IYO HALAQII LABA AFLAHA (Qoraa sare:Muxyadiin Xuseen Ciid)

UK HOUSE OF COMMON: President Mohamud on the back foot while al-Shabaab attacks continue

Maansadii: Marinhabowga Qarannimo ee aan maalmaha XORIYADA U TIRYAY 1 JULAY 1960

American-Somali relations: What’s in the words? by Abukar Arman

TACSI: Macalin Abdi Jama Warsame (ALLAHA U NAXARIISTO) OO DHAWAAN GEERIYOODAY

YUU AHAA SULTAN ABDALLA BIN SULTAN ISSA AL AFRAR “MAHRA IYO SOQODRA”? QALINKII: Muxyadiin Xusseen Ciid 30/05/2014

QAYB KA MID SAWIRADII SULTAN ABDALLA BIN ISSE INTII UU KU SUGNAA PUNTLAND

المهرة اليوم - خاص استقبلت الجالية المهرية في الصومال السلطان عبدالله بن عيسى بن عفرير باكثر من سبعين سياره وكان على راسهم مشايخ قبائل المهرة ( بن نيمر + الجدحي + بن عتوني + السليمي + وبن عفرير ) وج

قبائل الدارود الصومالية تنصب ملكا جديدا

SAWIRADA CALEEMASAARKA BOQORKA DAAROOD

Security in Kenya Little law, less order Crime, terrorism and police abuse are all rising together

CAMDEN:Father of man stabbed to death in Camden Town street calls for peace

TACSI: REER SHIRE MAXAMUUD OO KA TACSIYEYNAYA GEERIDA MAAMA MARYAN

Daily Nation: How Somalia aid cash funds Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadnaqay madaxda dalka Isutaga Imaadaarka Carabta

Car Bomb: President Hassan Sheikh Mohamud has called the UN envoy to Somalia to say he was not harmed during the attack, envoy Nick Kay has tweeted

Insight - Graft allegations test West's ties to Somali president (REUTERS)

Somalia president dismisses US criticism

SAWIRADII AASKA MARXUUM A/RISAQ HAJI HUSSEIN ALLAHA U NAXARIISTEE

TACSI ALCARAB HALYEEY ABDIRIZAK HAJI HUSSEIN iyo Dr ABDI ASIS NUR HIRSI ALLAHA U NAXARIISTO

Somalia’s other pirates – the telecom companies and remittance companies

ALCARAB HAMBALYO MADAXWEYNAHA CUSUB EE PUNTLAND