Shirweynaha Ururka Caafimaadka Xoolaha iyo FAO ee ka hortaga Cudurada Faafa uga qaybgalay dalka Ivory Coast(Sawirro)

IMG_0282Shir ay si wadajir usoo qaban qaabiyeen ururka Caalamiga ah ee Caafimaadka Xoolaha(OIE) iyo Heyada Qaramada Midoobay ee Cuntada iyo Beeraha(FAO) iyo Ururka Midowga Africa ee Caafimaadka Xoolaha(AU-IBAR) ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Abijan ee Dalka Ivory Coast.

Shirka waxaa ka soo qayb galay Madax farabadan oo kasocota ilaa 70 dal oo ay hormuud ka yihiin Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee wadamadaasi,waxaana shirka Furay Raiisal Wasaaraha Dalka Ivory Coast H.E Mr Daniel Kablan Duncan,Waxaa kasoo qayb galay madaxa FAO Jose Graziano da Silva iyo Madaxa OIE Dr.Bernand Vallat,Madaxa AU-IBAR Dr.Ahmed Alsawalhy iyo Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee dalalka Africa iyo Asia.

Soomaaliya Waxaa Shirka uga qayb Wafdi balaaran oo uu hogaaminayay Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Siciid Xuseen Ciid oo ay weheliyaan Agaasiimaha Caafimaadka Xoolaha Wasaarada Dr.Ahmed Abdi geedi,Drs.Xabiiba Shiikh Xasan,Drs.Nuurta Shiikh Maxamud,Dr.Maxamed Abdi Rooble iyo Kaaliya Wasiirka Liibaan Xasan Xaaji.

Soomaaliya ayaa Shirka waxuu u aqoonsadey inay horumar weyn ka gaartay talaalka xoolaha iyo ka hortaga cudurada,iyadoo Madaxa FAO uu si gaar ah ugu amaanay arintaas khudbadii uu shirka ka jeediyay.

Wasiirku kulamo muhiim ah kula yeeshay si gaar gaar ah goobta Shirka Madax kala duwan oo ay ugu horeeyaan Madaxda FAO iyo OIE oo si weyn uga wada hadleen sidii loo sii balaarin lahaa kaalmada Heyadaha Caalamiga ah kubixiyaan horumarinta Caafimaadka Xoolaha iyo Mashaariicda la xiriirta,waxay ku gaareen heshis weyn iyadoo lagu balamay in la kordhiyo mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya,sidoo kale waxuu kale halkaas kulamo muhiim ah kula yeeshay madax ka socota Bankiga Aduunka qaynta Xoolaha,Bankiga Afirca ee Horumarinta iyo Wakiilada wadamada aan la wadaagno xiriirka Ganacsiga iyo isdhaafsiga khibradeed.

hallkaWaxaa kale oo Wasiirku si gaar ah isku arkeen Wafuuda kasocotay dalalka Suudaan,Cumaan,Muritaaniya,Liibiya,Masar,Moroco,DRC,Ugandha,Turkiga iyadoo dhamaan ay ka wada hadleen iskaashiga dalalkaas iyo Soomaaliya.

Gabagabadii Shirka waxaa laga soo saaray bayaan lagu xoojinayo la dagaalanka Cudurka PPR oo lagu heshiiyay in 15-ka sano ee soo socota laga cirib tiro aduunka,cudurkaani waxuu ku dhacaa ariga iyo idaha waxaana uu khatar ku hayaa boqolaal milyan oo qoys oo noloshoodu ku xiran tahay dhaqada ariga taasoo hadaan laga hortagin khatar ku ah cuntada iyo nafaqada dadweynaha aduunka,Soomaaliya si gaar ah ayaa loo aqoonsadey inay tahay goob muhiim ah oo laga ciribtiri karo cudurkaas halista ah.

IMG_0261IMG_0272IMG_0285IMG_9003IMG_9179ministrissudan1

Madaxa Xafiiska Warfaafinta Wasiirka X.Xoolaha

Daabacaada : Raxanreeb Online





WADANIGA IYO KHAA’INUL WADAN (Dad Dowladnimo diidan daldalool uma waayaan)

Blackened Waters of Somalia Abukar Arman,

Maanso: Mudane Kheyre V Musuqmaasuq oo ay dhexmartay dood micno badan.

DAALAA DHACA QATAR DAN UMA AHA SOOMAALIYA WQ Muxyadiin Ciid

SOOMAALIYEY WAA LA I DHUFAANAYAA W/Q Muxyadiin Xusseen Ciid

Radical Ideas Muslims Celebrate In Ramadan Abukar Arman

Soomaali Hogaankay Eebe Haybsatay Yay Heshay FARMAAJO+KHEYRE = GUUL

Albaabka Adeega Caafimaadka Beljamka

Hogaan ama Garwadeen W/Q: Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )

HARDANKA LOOGU JIRO HANASHADA SOOMAALIYA BY Abdulqaadir Ibrahim axmed

Allaha u naxariisto Xaydar Maxamed Maxamuud oo dhawaan ku geeriyoodey dalka Hindiya

Soomaalaay Qaranku Aw Cali oo kale ayuu u baahanyahay

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJACUUN Maamo Xaawo Farax Xasan Cade

EID MUBARAK DHAMAAN MUSLIMIINTA IYO SOOMAALIBA

Maqaal: Aragtida Dhimatay iyo Carabnimada Soomaalida

Salaantii Ciida oo ay is-dhaafsadeen Sultan Cabdalla iyo Boqor Burhaan.

Ramadan: Time for Muslim Rulers to Reflect on Ethical Governance

US on collision course with China in the Red Sea .ABUKAR ARMAN

Sultan Abdalla Bin Eissa held a meeting to review the developments on the ground and the importance of protecting the stability of the Almahra and Socotra

ICRC: Activities in Somalia from January to December 2014

General Ahmed Qahtan " we declared that our against of joining Hathramout Federal Region. The Mehris has a right to decide their future and may have better options that are suitable for them".

Maansadii ISMA ORAN Muxyadiin Ciid 2007 dib u milicsi wacan

WASIIR SACIID CIID AYAA KA TACSIYEYNAYA GEERIDA EX-XILDH DAHIR KELLI IYO MUDANE CALI AXMED NUUR

Munaasabad uu xilka kula wreegay wasiirka cusub ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Saciid Xueen Ciid

Al-Haji Yaziin Xassan Ciid ayaa waxa uu ka tacsiyeynayaa Geerida ku tim RW Cumar Crashiid

Dr: Cabdulqaadir Cali Askar iyo Reer Cali Askarba waxa u tacsiu dirayaa Reer Cabdirashiid Cali iyo Reer Macalin Daahir

Dr Abdiweli Gaas oo ka tacsiyeeyay Geerida Xaajiyo Ruqiyo Macalin Daahir AUN

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa oo ka tacsiyeeyay Geeraida Xaajiyo Ruqiyo Macalin Daahir

Guud ahaan Reer Sharmaarke ayaa Tacsi u diraya RW Cumar Cabdirashiid Cali

TACSI:Xaajiya Ruqiya Macalin Daahir Cali Boss oo aheyd Hooyada R/W CUMAR Allaha u naxariisto

Dowladda Oman ” Waxaan diyaar u nahay xoojinta xiriirka nagala dhaxeeya Soomaaliya”. Jan 19, 2015

Tacsi Guuleed Maxamed Siyaad Barre Allaha u Naxariisto

Sultan Cabdalla Bin Ciise Al Cafraar oo ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta laheyd ee DR Xassan Xaaji Al Cafraar

TACSI: DR: XASSAN XAAJI ABUKAR AL CAFRAAR OO LONDON KU GEERIYOODEY ALLAHA U NAXARIISTEE

Somalia to rewrite contracts in response to corruption concerns By Katrina Manson in Nairobi

SAADO: GEENYADII GALBATEY IYO HALAQII LABA AFLAHA (Qoraa sare:Muxyadiin Xuseen Ciid)

UK HOUSE OF COMMON: President Mohamud on the back foot while al-Shabaab attacks continue

Maansadii: Marinhabowga Qarannimo ee aan maalmaha XORIYADA U TIRYAY 1 JULAY 1960

American-Somali relations: What’s in the words? by Abukar Arman

TACSI: Macalin Abdi Jama Warsame (ALLAHA U NAXARIISTO) OO DHAWAAN GEERIYOODAY

YUU AHAA SULTAN ABDALLA BIN SULTAN ISSA AL AFRAR “MAHRA IYO SOQODRA”? QALINKII: Muxyadiin Xusseen Ciid 30/05/2014

QAYB KA MID SAWIRADII SULTAN ABDALLA BIN ISSE INTII UU KU SUGNAA PUNTLAND

المهرة اليوم - خاص استقبلت الجالية المهرية في الصومال السلطان عبدالله بن عيسى بن عفرير باكثر من سبعين سياره وكان على راسهم مشايخ قبائل المهرة ( بن نيمر + الجدحي + بن عتوني + السليمي + وبن عفرير ) وج

قبائل الدارود الصومالية تنصب ملكا جديدا

SAWIRADA CALEEMASAARKA BOQORKA DAAROOD

Security in Kenya Little law, less order Crime, terrorism and police abuse are all rising together

CAMDEN:Father of man stabbed to death in Camden Town street calls for peace

TACSI: REER SHIRE MAXAMUUD OO KA TACSIYEYNAYA GEERIDA MAAMA MARYAN

Daily Nation: How Somalia aid cash funds Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadnaqay madaxda dalka Isutaga Imaadaarka Carabta