13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Allaah ayaa mahad leh nabigeena muxamed (N.N.K.H) saaxiibayaal waxaan jeclaystay inaan idiin soo bandhigo qisooyin aan la kulmay sanadihii 1998-99 wakhtigaas oon ahaa arday dhigta dugsiga hoose Qisooyinkaas oo igu qanciyey inaynu nahay ummad la gumeysto! Da`dayduba hayaraatee balse intaanan gudagalin qisooyinka aan ku hormaro go`goldhiga maqaalkaygan. Sidaynu kawada dharagsanahay ummadaha ku nool dunidan guudkeeda waxaa jira waxyaabo ay ku kalatagsan-yihiin sida. Diimaha, dhaqamada, luuqadaha, midabyada, iyo xitaa hab nololeedka guud taabadalkeedana waxaa jira waxyaabo ay kamidaysan-yiin sida. Jacaylka xoriyada, jacaylka nabadgaliyada, jacaylka nolosha wanaagsan, jacaylka ixtiraamka qof ahaaneed ama ummadeed, jacaylka hooy & hanti ugaar ah,iwm saasoy tahay bulsho kasta dadkeedu wuxuu uqeybsamaa dhowr group.
Group-A
Group-B
Group-C

Waa aragtidayda,e aan ku hormaro Group (A) waa tsirada ugu yar ee bulsho kasta kujirta ee isku fikirka ah waa shakhsiyaad xambaarsan garasho xeeldheer waa kuwo leh mug maskaxeed ooy dib ugu milicsadaan milaygii & marxaladihii laga soo gudbey macaan iyo khadhaadhba, waa kuwo waaqici ah oo Alle uhibeeyey fahamka xiliga lagu jiro & xaaladaha ku xeeran una jaheeya umadda tubtasan & toobiyaha wanaagsan. Waa kuwo sii Odorosa halka ay bulshadoodu hayaanka u tahay & mustaqbalka fog ee umaddooda, kuwaas waxaa loogu yeedhaa indheergaradka umadda amase hormuudka bulshada.

Group (B) guruubkani waa tirada ugu badan bulsho kasta ee isku fikir ah waxaynu kutilmaami karaa dadka caadiga ah sida. Dumarka, caruurt,dhalinyarada, iyo xitaa tirada ugu badan ee kamid ah ragga, Waa kuwo aan wax badani ugadhitaysneyn dhacdooyinkii tagay & taariikh laga soogudbey. Waa kuwa hadba kafaalooda markaas & meesha lajoogo, waa kuwo aan wakhti badan kuluminin bari & waxa imandoona islamarkaana arka hadba wixii ka horyimaada indhahooda dadka noocan ah waxaynu odhankaraa waa kuwa cidii quluubtooda hanataayi ay ku guulaysato meelmarirta hadafkeeda/ujeeddo socodkeeda dadka noocan ah waxaa loogu yeedhaa indha kugaraadle.

Group (C) guruubkani waa kan ugu hooseeya bulshada ama sikale hadaan udhigo waa guruubka uliita bulshada dhexdeeda waa kuwo tira kasta & tayo kastooy leeyihiin aan bulshada matalikarin waa kuwo ay indho & dhago tirtay damac guracan & danaysi shakhsiyadeed oo kudhisan dibusocodnimo, waa kuwo loo adeegsado kala qaybinta & tafaraaruqa bulshadooda. Waa kuwo aan wax tixgalin ama sumcad ah kulahayn bulshada dhexdeeda, waa kuwo intooda noolna laga jecelyahay geeridooda kuwii dhintayna lagu xusuusto taariikh madow & Allow adaa nadhaafshay kuwaas!! Allow aan geeridanada latiigsan waa kuwo ku sifooba Ereyadan
Khaa-inulwadan,
Gumeysiraac,
Danayste,
Khaatuma xun,
Dhuuni-qaate,
dhiig-kunaax,
Dhidid-dhowr,
Calooshii-ushaqeyste,
Dabaqoodhi.iwm.

Waa kuwo ku sifooba Erey murtiyeedkii suldaan fooleey aadan ee ahaa "aduunkana ku kaboli`id aakhrina usalaadli`id" iyo waliba midhihii suuganta ee hal abuurkii S/Ogadenya C/hi Macalin Dhoodaan ee ahaa "alif weeye waxay kuu fidshaan eed kafilataaye hooyadii figeeyoow maxaad adigu faa`iiday?", aan usoo laabto nuxurka maqaalkayga`e sidaan korka ku xusay waxaan sanadihii 1998-1999-kii la kulmay laba dhacdo oo aad ii tacajib galiyey iguna kalifay inaan u fikiro sikaduwan sidii hore.

Qisada 1 aad waatan halku dhageeduna waa af amxaari "isana yatilantinawoju andh aynat najaw!"

Eraygan macnihiisu waxaa weeye waa isku mid iyada & kuwii shalay Sanadku waa 1998 goobtu waa degmo katirsan Gobolka J arar waa xili jiilaal ah waxaa dad tabaalaysan raashin u qeybinaysa Hay`adda Cuntada Aduunka (WFP) waxaa nidaaminta & kala horitaanka dadka tabaalaysan loo xilsaaray gaanto ama unug katirsan Ciidanka Tigreega Aniguna waxaan kamid ahay koox Arday ah oo ka soo rawaxday dugsiga hoose dhexe ee degmada markii aanu lasimanahay halkii dadka raashinka loogu qeybinayey ayaa waxay halmar indhahaygu arkeen qof dumar ah oon da`deeda ku qiyaasay 50 jir oo uu nin Askari ahi Ul uladhacayo si arxandaro ah dadka hortiisa iyaduna ay ku qeylineyso "alla Hooyo alla Hooyo".

Waxaa malaha Cataabkii ka baxayey Hooyada u adkaysan kariwaayey midka mida isla Ciidanka Gumeysiga wuxuuna Askarigii Hooyada garacayey ku yidhi: maxaad ku galaysaa qoftan dumarka ah?, wuxuu Askarigii ku jawaabay Erey aan aad ulatacajibey wuxuuna isagoo af amxaari ku hadlaya yidhi: isana yatilantinawoju andh aynat najaw (kuwii shalay iyo iyadu waa isku mid!!) kii hore ayaa markale su`aal waydiiyey oo yihi: kuwee ? Isagooy cadho ka muuqato ayaa wuxuu ku jawaabey kuwii dee shalay xabada inagu ridayey (ONLF) maalintaasi maalin xusuus ii leh.

Qisada 2 aad Ninkii Eyga lagu matalay!

Sanadku waa 1999 goobtu waa isla degmadii hore oo ka tirsan Gobolka Jarar Qorane wuxuu ka tirsanyahay Dabaqoodhiga degmada wuxuu kamidyahay kuwa ay Tigreegu ugu jecelyihiin waxay ugu yeedhaan been masheege Qorane shaqadiisu kasokow jaajuusnimada wuxuu u xilsaaran yahay inuu Baabuurta kubaadho kantaroolka degmada laga soogalo.

Qorane wuxuu ku labisanyahay dirayska ciidanka Tigreega oon malaha anshax ahaan loo ogolayn inuu xidho nin aan katirsanayn ciidanka rigliga ah ee Tigreega (Ethiopian Army) Qorane mayaqaano luuqada Amxaariga (Allow ceeb astur) maalin maalmaha kamida ayaa waxaa sooguuxay gaadhi waxaa kantaroolkii isasii gudbey Qorane oo malaha karajjo qabey inuu xoogaa laaluush ah ka helo Baabuurka soo guuxaya, waxaa kantorolkii si kadis ah u soo buuxiyey Baabuur ay leeyihiin Ciidanka Tigreegu oo ka yimid xaga Wardheer, Sarkaalkii Ciidanka watay oo lagu magacaabi jiray Burhaannu ayaa Qorane su`aalahan ku boobey "war maxaa tahay? awey aqoonsigaagii ciidanimo? maxaad suuqa jaadka ugu cuneysaa?" Qorane way ku adkaatay inuu qeexo qofka uu yahay garasho la`aan xaga luuqada ah Burhaannu wuxuu Amray Ciidankii inay ninkan gaadhiga xoog ku soo saaraan lana figeeyo inta laga gaadhayo Xeradii Ciidanka oo u jirta qiyaas dhan hal km, anigu waxaan ku jiraa koox Arday ah oo kubad ku ciyaaraysa meelku dhow Xerada Ciidanka Tigreega Babuurkii wuxuu istaagay Xerada Ciidanka albaabka laga gallo.

Waxaa Ciidankii oon Baabuurkii ka soo dagin s idhakhso ah uga soo dagay Ninkii Ciidanka Tigreega watay Burhaanu isagooy wajigiisa cadho ka muuqato ayuu salaan kadib su`aalo ku boobey midka mida Saraakiishii Xerada kusii sugneyd oo ah laba Xidigle Roobeel Soomaliduna ay u taqaaney (Laanqayr) Burhaannu ayaa weydiiyaya muxuu yahay qofkani? Roobeel ayaa yidhi qofkee? Burhaannu ayaa ku celiyaya kan gaadhiga saaran Roobeel ayaa markuu arkay Qorane oo Baabuurka dushiisa ku figeysan intuu aaaaaad & aaaaaad u qoslay wuxuu yidhi "ante wishaye naw minsarraa? oo macneheedu yahay war waa Eygayagii,e muxuu sameeyay ood u figeyseen?.

Burhaannu oo yaabay agga oo maxaad Eygiina ugu xidheen dharka Ciidanka miyeydaan ogayn inuu diraysku yahay Astaantii Ciidanka qaranka?, Burhaannu ayaa yidhi ka fura figta "antee Qorane yiqirta" oo la macne ah raali ahow. anigoo fahmayey areyada lays waydaar sanayo waxaa hal mar maskaxdayda ku soodhacay tiro su`aalo ah ????? markale waxaa fajiciso igu noqotay Qorane oo ah ninkii Eyga lagu matalay oon warba ka haynin sheekada dushiisa ka socota.

Waxaaban wixii hore oo dhanba ku ilaawey markaan arkay Qorane oo lagu yidhi Qorane orod oo Ciidanka socotada ah biyo uu dharka iskaga maydho u soo dhaami saa waaba Qorane oo sii dhabar aroor ah, Maalintaasna maalin xusuus leh aniguna Ogaaday inlayna gumeysto.

Hadaad dhimato geeridu marbey nolosha dhaantaaye
Dhaqashiyo marbey kaayihiin dharagu xaaraane
Nin dharbaaxo ceebeed dugsaday dhaqayadeed maal dheh

W/Q: Suhayb Ahmed
suhayb571@hotmail.co.uk



Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.