Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.

Socodka waqtiga iyo socdaalka dadku ugu jira dhisma nololeedka marba meel ayuu la tagaa, isqabadka labadaa waxaa ka dhasha marna is waafaq marna is garab mar iyo kala weecad, marka ay iswaafaqaan waxaa isbiirsada ayaanka waqtigu dhaliyey iyo dadaalka dadka oo keenaya horumar iyo in heego sare la gaaro, haddiise ay kala weecdaan waxaa ka dhasha ayaandarro laba jibbaaran, waa maroo waxaa dhasha xilli xun iyo waqti aan wanaag sanayn, waa marka kalee waxaa isna la weynayaa dadaalka dadka iyo is xilqaankooda, meeshaasna waxaa ka dhasha aayo xumo iyo mugdi umadi ku dambayn doonto!.

Sidii dawladdii u dhacday meeshana uga baxay nidaamkii iyo kala dambayntii, waxaa dhacay shirar badan oo lagu wada sheegay dib-u-heshiisiin oo ka kala dhacay wadamada dariska ah Kenya Itoobia iyo Jabuuti, dhammaan shirikaas waxaa lagu wada suntay wadahadallo la xiriira nabadda, muddo labaatan sano ah ayaa lagu jiray shirarkaas, waxaa ugu dambeeyey shirkii ka dhacay dalka Jabuuti ee lagu soo dhisay dawladda Midnimo(qabyo) qaran, wadahadalkaas oo dhex maray dawladdii empagathi ee uu madaxa ka ahaa C/laahi Yuusuf iyo garab ka mid ah Ururka dib u xoraynta Soomaaliyeed ee uu horkacayey Sh. Shariif, gabagabadii wadahadalkaana noqday madaxweynaha dawladda Islamiga ah ee Soomaaliyeed.

Ayaan darrada meesha ka dhacday waxay tahay waxa shir dhacay Soomaalina loo qabtay, dhammaantood waxaa safka hore ka fadhiyey jabhadihii soo jabhadeeyey, taasi waxay ahayad shirarkii u horreeyey ee dhacay sida kii ka dhacay jabuuti iyo Itoobiya sanadaha kala ah 1991 iyo 1994, wixii ka dambeeyey shirarka waxaa looga qayb galayey sida loo kala hub badan yahay, beel walbaa waxaa lagu qiimeeyey inta ay tikniko leedahay, ama ay ka cudud weyn tahay beelaha kale!, ugu dambayn waxaa si toos ah loogu hirgaliyey shirkii Jabuuti ee lagu qabtay tuulada Carta mashruucii ku caan baxay Afar iyo bar (4.5).

ayaan daradaa ku billaabatay in tixgalin la siiyo siyaasi isku sheegga hubaysan ama beesha hubaysan miyey dhammaatay? Jawaabta waxaan filayaa inay iska caddahay, maxaa yeelay arintaas waa sidii ay u billaabtay inay siii hormato mooyee dhammaad warkeed ha sheegin!, waa la yaabe maxaa tixgalinta had iyo jeer loo siiyaa ninka cudud wax ku muquunsha? Miyaan marna la eegayn yaa caqli haya, yaa xikmad haya, yaa xeer yaha, yaa xisfuran wata IWM, mar walba waxaa mudnaanta leh ninkii ku soo caan baxa dagaal iyo dil, inta kale jiritaanba ma leh, waa umad ayaan darro ku habsatay!.

Shirarkii loo qabtay dib-u-heshiisiinta(dan heshiisiinta) waxaa lagu hirgaliyey mashruuc aad u qaldan oo ah: ninkii aan xabad iyo qori wadan waxba uma yaallaan meesha, oo ka dhigan haddii aad rabto inaad ka mid noqoto dadka la tirsado ee wax ku oolka ah waa inaad noqotaa dilaa sare een dhimrin!, sidaa ayaad ku helaysaa inaad noqoto xubin joogta ah oo aan dhicin, mar walbana fisha in la sii dalac siiyo oo darajo sare gaara, taas maxaa ka dhashay in umadda dhan ay wakiil ka noqdaan afar qabqable iyo beelaha ay ka soo jeedaan, inta kalana aan la tirin waxna aan laga soo qaadin, waxaa hubaal ah inta ay jirto cadaalad darradan iyo sadbursigaan in lagu jirayo xarig-jidkan aan dhammaadka lahayn!.

Shirarkii u horreeyey waxaa tixgalinta lahaa madaxdii ururadadii dumiyey dawladda ee dhammaan dhxtaalka u wada ahaa Shibbanaha “S”, madaxdaas waxaa meesha kala baxay raggaan loo yaqaan qabqablayaasha oo ah kuwa ugu cimriga dheer, muddo aan yarayn loo afduubnaa isjiijiid aan dhammaad lahayn umadda ku hayeen, waxaase daaqadda kala baxay Wadaad waranle ah oo kuwii horaba yiri meel fariista, mid walbaa kan uu kambeeyey wuu ka dhib badan yahay kana musuq badan yahay, waa yaabe ma maalmaha ayaa gadaal u soo xumaanaya mise dadka ayaa dagaal u sii xumaanaya? Mise labadooda oo is weheshaday ayaa arinta ka masuula?!.

Xarigjiidku siduu u socday waxaa qadka soo galay wadaadadii oo wacdaro dhigay, lama arag iyo lama maqalna sameeyey, sidii ay u soo galeen qadka siyaasadda waxaa isbadal xooggan ku dhacay sumcaddii wadaad lahaa iyo maamuuskii uu mudnaa, qabtii ay billaabeen 2006-dii ilaa iminka way socotaa, maray dagaal la galeen qabqablayaashii isku uruursaday ururkii la dagaalanka Argagixisada, maray dagaal la galeen ciidanka Itoobiya, iyo mar dagaalku dhexdooda ahaa, middan ayaana ugu qaarar, intaas waxaa dheer dhibka ay sida joogtada ah ugu hayaan shacabka mudadaan lixda sano ah.

Shirarkii Soomaali loo qabtay waxaa ugu rajo xumaa kuwii lagu qabtay Itoobiya, dhanka kalana waxay ahaayeen kuwa ugu sumcadda xun marka laga hadlayo arigta Soomaalidu ka bixisay shirarkii la qabtay, waxaan filayaa inay iska muuqan karto sababtu, colaadda soo jireenka ah ee ka dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa keenaysa in aragtidan laga qaato shir ka dhaca Itoobiya, haddaba Anaga oo u dhaacaynna dulucda qormada maxay ku door bideen Ahlusunna shirka in lagu qabto Itoobiya?.

Ugu horrayn iyo inta aanan ka jaabin su'aashan waxaan wax yar dulamarayaa awoodda Ahlusunna sida ay ku dhalatay, waxaa hubaal ah in ahlusunna ay cudud ahaan u jirin wixii ka horreeyey sanadkii 2008-dda, magac ahaan dhisme ahaan iyo maamul urur ahaan waa u jiri karaan, balse uma jirin cudud military ahaan wixii ka horreeyey sanadkaas, dagaalkii dhexmaray iyaga Alshabaab wuxuu dhaliyey inay shir hordhac ah la galaan dawladda, taasna waxay u suura galisay inay dibadda u dirto wuufuud sharaxa ahdaafta Ahlusunna iyo ujeedkeeda dagaal, ugu dambayn waxay arintu ku soo biya shubatay inay dawladda la galaan awood qaybsi buuxa.

Ahlusnna waxaa indhawaala ah la hadal hayey inay saanad ka hesho dawladda Itoobiya, arintaas masuuliyiinta Ahlusunna gaashaanka ayey u daruureen, balse waa midaan qarsoomi karin, waxaana caaddayn doona waqtiga iyo waayaha, dhacdo taariikhda gashay kuma baaba'ayso inkiraad iyo diidmo, taas waxay suura galisay inuu dhex maro Ahlusnna iyo itoobiya xiriir qabow oo ku salaysan isxulufaysi, maadaama ay la wada dagaalamayaan hal cadaw oo ah Alshabaab, xiriirkaas qabow wuxuu u keenay in Ahlusunna aysan ka biya diidan in shir lagu qabto Addis Ababa.

Waxaa la yaab ah, markii hore qabqablayaasha ayaa lagu cayn jiray inay Itoobiya ka soo qaataan hub ay shacabka ku laayaan, ama ay u kala dhuuntaan si mid walbaa ugu qanciyo inuu fulinayo awaamirtooda, maanta waxaan maraynnaa in wadaadadiina u kala dhuumanayaan itoobiya, waliba ay iyaga oo faraxsan oo dhoolla caddaynaya ka dagayaan Addis si ay shir dib u heshiisiin ah uga qayb galaan, waa yaabe duf ku baxayaashu miyeysan wax is dhaamin, qabqable iyo wadaad mid walbaa waa kiisa kale, waa labada bog ee lacagta oo kale!.

Ahlusunna waxay maraan sidaa u dheerayn sheegayn inaysan u coson siyaasad iyo xil midna, taas waxay ka dambaysay ka dib markii ay soo bexeen warar sheegaya in Ahlusunna ay damacsan tahay inay dawladda la qaybsato awoodda siyaasadeed, balse inkiraaddii hore waxaa beeninaya shirkan ka socda Addis ababa, ee ay joogaan madaxda ugu sarraysa Ahlusunna ayna u joogaan sidii ay ula qaybsan lahaayeen dawaladda Sh. Shariif awoodda siyaasadeed, waxaase su'aali ka taagan tahay: marka uu dhammaado awood qaybsiga maxaa isbadal imaanaya? Mise xaalku wuxuu noqon doonaa sidii dawladdii Sh. Shariif ee lagu soo dhisay Jabuuti ee noqotay fadhiid? Waan u joognaa.

Ahlusunna waxay maanta qaadday wadadii ay ku beeli lahaayeen magaca iyo sumcadda, maxaa yeelay ma waxay waayeen meel kale o lagu qabto shirka, shirku wuxuu ka dhici karaa degmooyinka ay ka taliyaan ama magaalada muqdisha, wuxuu ka dhici karaa wadan aan laga qabin xasaasiyadda taalla Addis Ababa, balse ueedka loo doortay in shirka lagu qabto Addis Ababa wuxuu caddaynayaa in ninkii raba inuu wax ka noqdo Soomaaliya laga soo caleemo saaro Addis Ababa, waa ayaan darrada na haysa iyo sida aan isu qiima tirnay.

Taas waa muuqaalka dibadda ka muuqanaysa oo ah, ma doonaysaa inaad xil ka qabato Soomaaliya? Iska xaadiri Addis Ababa, ka soo qaado waraaqda hufnaanta iyo hanadnimada, markaas ayaad mudan doontaa inaad xil ka qabato Soomaaliya, tan gudaha ku aadan waa: ma doonaysaa inaad xil ka qabato Soomaaliya? Qori qaado tikniko badanna rakibo dadkana laay!, markaas ayaad xaq u yeelanaysaa inaad xil qabato, haddii kale meelahaaga iska lafayso, waa su'aale ma jirtaa ayaan darro ka weyn taas? In xikmaddii ku soo uruurto in xabashi loo kala xaluusha iyo shacabka la xasuuqo si xil loo qabto!.

Ahlusunna tusbixii ku wareegsanaa gacantooda waxay ku badashay siliska qoryaha darandooriga u dhaca, hankoolkii iyo ushii ay cusnkan jirtay waxay ku badashay qoryaha fudud ee garab xambaarka ah, siyaaradii mashaa'ikhad waxay ku badashay baqooshada Addis Ababa iyo Nairobi, fidawgii habeenka jimcaad waxay ku badashay fisaha(visa) loo qaato wadamada dariska ah, wardigii iyo xadradii waxay ku badashay xiinka xabadda iyo xawaaraha rasaasta, ducadii iyo Alle barigii waxay ku badashay xabashu tuug iyo IGAD baryid, intaas markii intaan lagu badaley waxaad wada garan kartaa cawaaqib xumada la sugayo!.

Ahlusunna ismaqiiqa ay isku dhex majiirayso siyaasadda cakiran ee ka jirta gayiga Soomaaliya ma ahan miday xal ka keenayso, balse waxaad mooddaa in dabada laga riixayo oo lagu hantaataqinayo inay qayb ka noqto qaska jira, waxaa kaloo dhici karta inay is leeyihiin inta goori goori tahay masraxa ka muuqda, maxaa yeelay maanta unbay gacanta wax ugu jiraan marka ay noqoto awood ku gorgortanka la degay dalka, taas ayaana keeni karta inay sidaan ugu degdegaan awood qaybsi ay la galaan dawladda fadhiidka ah ee ku xayiran labada KM.

Ahlusunna waxaa looga fadhaa inay wax badan kala caddeeyaan waa haddii ay xertii hore yihiin, haddiise ay ku biireen isrogrogga iyo qaalmo rogadka waxba loogama fadhiyo, waxay sameeyaan dadka unbaa fasiranaya, illeen iyagabu waa awoodi waayeen inay sharaxaad ka baxshaane, taas waxaan uga jeedaa inay dadka ka qanciyaan sida shirka loogu doortay magaalada Addis Ababa, jawaabo laga baxshay way jiraan balse ma ahan kuwo qanac keenaya.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Sh. Shriif ka biya diidsan yahay shirka, taas lama beenin karo oo Sheekhu horay ayuu halgaad ugu dhuftay Ahlusunna, isaga oo ku tilmaamay inyasan ka duwanayn ururada ka dagaalama dalka gudihiisa, taas oo xilligaa aad uga caraysiisay Ahlusunna, fekerkiisa diiniga ah Sheekhu wuu caddaystay, balse waxaan eegi doonnaa marka uu ka hormarsho danta siyaasadeed ee xukunkiisa danta feker diimeedka uu aamisan yahay!, diidmadan aan wali sida tooska ah uga soo bixin Sheekhana waxay qayb ka tahay hab fekerkiisa ku aadan Ahlusunna.

Ugu dambayn Ahlusunna haddii ay xal u aragtay qori ayaad sidataaye ku gorgortan waa ayaan darroo, haddii ay xal u aragtay maanta ayaad ku duljoogtaaye ka mira dhali iyana waa ayaan darro, in xiriirkooda dibadda ay ka billaabaan itoobiyana waa ayaan darro kale, waxaase Soomaalay la yaab ah; sida xaal isu badalay ninkii awood leh kaliya wax loogu ogol yahay, culimo iyo caamaba looga siman yahay sidii awoodda wax loogu muquunin lahaa, shrika Addis ilama ahan inuu ka duwanaan doono wixii shir dhacay, waqtigiisa ha qaato ragga joogaynna waxooda ha qaataan, marka waqtiguse dhammado wixii la kala qaatayna dhammaadaan ayaan arki doonna waxa xiyaga!.

By Bashiir M. Xersi - brdiraac@hotmaill.com



Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya