SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (swt) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubaanaa Muxamed (csw). Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Waxaa aad cajiib u ah inaan wali Soomaalidu garan inay yihiin dal xor iyo in kale.

Nin walaal ah oo aanan geeridiisa maqal baa xilligii Gumaystaha madow ee Xabashidu dalka soo galeen wuxuu oran jiray waxaa Soomaalida lagala noqday fasixii xornimo ku sheegga ahaa oo fasaxaasi wuu dhamaaday.

Runtii kalmaddaa walaalku oran jiray waa mid dhabowday oo xaqiiq ah aadna hadda u shaqaysa. Waxaa markhaati ma doonto ah siyaasadda gurracan ee kuwan wax magaratada ah ee magaca dowladeed dhegta loogu riday laakiin aan is ogayn inay ku hoos jiraan maxmiyad aan xor ahayn oo waliba lagu magacaabay qayru-masuulnimo (trusteeship).

Golaha loo xilsaaray maxmiyaddaha qayrumasuulnimada ku sifoobay waxaa la aasaasay 1945 si aay sheedda kore ugala socdaan(supervising) howlaha ka socda mandaqadaas(Trusteeship is the administration or government of a territory by a foreign country under the supervision of the trusteeship Council of the United Nations).

Mandaqadahaas oo intooda badan gacanta ugu jiray waddamadii Yurub ee qaarna dagaalka ku adkaadeen, sida kooxdii la oran jiray isbahaysiga(Alliance) oo aay ka mid ahaayeen Ingiriiska, Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska, qaarna dagaalkii looga adkaaday sida kooxdii saddex geesoodka(Axis) oo iyana ahaa Jarmalka, Talyaaniga iyo Jabbaan. Mandaqadahaas waxaa ka jiray maamulo maxalli ah iyo dowlado ku xiran qaramada midoobay ama qaar ka mid ah wadammaddii horey u gumaystay (independence, autonomous home rule, union with the metropole or another state): soomaalidu waxay ka mid ahayd kuwaas nidaam ahayn cid loo xilsaartay inay xornimo gaarsiiso waxaa 1950-60 gacanta nagu hayey Talyaaniga waxayna Soomaaliya ahayd dalkii kow iyo tobnaad ee sharcigaas lagu fuliyo. Xilligaa maxmiyadda Talyaanigu dalka Soomaaliya gacanta loo geliyey dadku sidaan waa dhaameen oo xataa waxay filayeen ama dhowrayeen xornimo in la siin doono laakiin maanta kuwa hoos fadhiya maxmiyadan cusub ma dareensana wax xornimo la yiraahdo welibana inay xor yihiin bay is moodaan.

Waxaan shaki ku jirin kii dhoofa oo iyaga ka mid ahiba warqadaha safarka ayuu hay’ad ka qaataa shir walba oo uu ka qayb qaadanayana waxa miiska uga horeeya oo liis u haysta ninka Afrikaan ah oo Qaramada Midoobay u xil saartay maxmiyadda uu dalku ku jiro.

Qodobada aay shirka la tegayaana waa kuwa uu isagu sii diyaariyey oo aan ku dhisnayn qaabkii dowliga ahaa ee wax wax hay’ adi maamusho. Waxay la kulmaan oo qaabila hay’adaha isku magacaaba inay deeqaha baxshaan oo aan dowliga ahayn(NGOs). Xaqiiqdii wax qaab dowlad ah oo meesha kama muuqdo marka laga reebo magac Alle ku saar ah oo waliba howl, eed iyo hafar u dheertahay. Haddii 1950-60kii aan gacanta ugu jirnay Talyaaniga maanta waxaan gacanta ugu jirnaa Afrikada madow, bal Allah(swt) baan idin ku dhaarshaye maxay ku kala duwan yihiin Talyaanigii waagaa nahaystay iyo maanta Gumaysiga madow ee nahaysata iyadoo ogolaansho(Mandate) ka haysta waxaa loogu yeero Qaramada Midoobay.

Kuwan dulliga Alle baday ee aay taangiyada ku qaadaan iyo kuwa ka sii liita ee indho la’aanta ku taageersan miyaanay waxba la socon, miyaan mid wax dareema ku jirin: Alle (swt) markuu qoomkii nabi Luud (csw) la hadlayey meelo badan oo quraanka ka mid ah Alle wuxuu ku yiri “war miyaan rag wax garta idin ku jirin” Xarumihii dowladda oo dhan waxaa laga xukumaa meelo dalka ka baxsan go’aamadda masiiriga waxaa laga soo gaaraa dibaddaha, shirarka lagaga arrinsanayo dalka waxaa lagu soo go, aamiyaa dalka dibadiisa, dalkana waxaa lagu soo daabulay ciidammo calooshood u shaqaystayaal ah oo aan dadkii u naxayn hubka aay haystaana uu yahay mid lagu tijaabinaayo inta aay le’egtahay awooda uu wax gumaado ama burburiyo, sidii Ciraaq iyo Afghaanistaanba hubka wax gumaada loogu tijaabiyey.

Dhaqaalaha la sheego in la siiyo waxaa loo soo mariyaa hay’adaha Qaramadda Midoobay sida UNDP oo kale waxba faraha looma geliyo iyaga magacooda ama magaca Soomaaliyeedna waa lagu soo qadaa, sidaa darteed dalkani miyuusan ku jirin gumaysi ama qayri mas’uulnimo (Trusteeship)aan doqontu garanayn. Haddaba jawaabta caafimaadka qabta waxaan u daynayaa akhristayaasha maskaxda caafimaadka qabta oo Muslinimadu ku dambaysay inay ka jawaabaan oo u jawaabaan kuwa dulliga Alle(swt) baday ee gudo iyo dibadba jooga.

Wa billahi Towfiiq

Qore: Suldaan Maxamed Suldaan Garyare(Abu Cabduraxmaam)



Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.