Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (swt) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubaanaa Muxamed (csw).

Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Qormadii hore waxaaynu ku aragnay sida aay WFP iyo CAP uwada shaqeeyaan iyadoo mid walba midda kale shaqo muhiim ah u qabato. 2. Raashinkii lagu kaydiyey bakhaaradda Yurub iyo Mareykan waxaa deeq ahaan loo siiyaa waddamadda doona ama isku daya inay dalagga beeraha hor mariyaan iyadoo macaawimo ahaan loo siinaayo.

Waxaa ka jiray Soomaaliya tusaale ahaan hay’ad dowli ah oo la oran jiray Wakaaladda Horumarinta Beeraha (ADC), wakaaladdaasi waxay fadhiyo ku lahayd gobolada ay wabiyadu maraan ama wax soo saarka ku fiican. Waxaa hubaal ah in guud ahaan dhulka Soomaalidu degto hala gumaysto ama ha haysto xornimo ku meel gaar ahe, yahay dhul wax soo saarka beeraha ku fiican waxaase laga yaabaa dhulka labada wabi maraan in aad xoogga loo saaro wax soo saarka beeraha.

Gobolka Bay webi ma maro laakiin wuxuu ka mid yahay goboladda ugu wax soo saar badan. ADC waxay bulshada uqaban jirtay wuxuu ahaa inay suuqa ku soo dayso cagaartoydii iyo cadeydii aan horey u soo xusay. Waxaa ayaan darro ah in CAPda Yurub iyo Mareykanku aay u daneeyaan beeralayda dalalkaas, dhanka kale ADC waxay ahayd hay’ad lugooyo ah oo dadka ku dirqisa inay iibsadaan raashinkay iyadu qiimaha jaban ku soo iibsatay ama mucaawimada dowladda loo siiyey.

Hadabba akhristaha qiimaha iyo qaayaha lahoow makuu muuqataa in WFP aay tahay hay’ad loo abuuray in aay curyaamiso dadyowga dunida saddexaad loo baxshay oo waliba Muslimiintu ku badan yihiin si aay mar walba u ahaadaan kuwa gacmaha hoorsada?!!! Dhawaan waxaa ka dhacday dalka Ghana oo ku yaal Galbeedka Afrika inay WFPda hor dhigeen shuruudo la mid ah tii aay Mujaahidiinta Soomaaliyeed hordhigeen: waxay tiri Ghana raashinka ka iibsada beeraleyda Ghana haddii kale dalka wax raashin ah ma keeni kartaan. Horey tobaneeyo sano ka hor waxaa diiday dhaqan xumada iyo tacaddiyadda WFPda dalka Zimbabwe oo isna hordhiggay shuruuda kuwaa la mid ah. Haddaba kuwa iimaanka la’a ee ku hadaaqaya dadkii baa gaajo lagu dilay oo hay’adihii cuntada keeni lahaa baa la is hortaagay miyaanay wax akhriyin ama aysan waxba kala ogeyn. Haddii WFP aay cid taageryso ha geyso raashinka meelaha aan dalaggu aad ugu badneyn sida Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed.

Waana hubaal inayan geyneyn ileyn ma jiro wax soo saar aay kaga hortagayso iyada waxaa shuruud u ah in meeshaa wax soo saar ka jiro, markaa way gaynaysaa. Dhawaan dad badan oo dadka degaanadda Shabeellda Hoose ka mid ayaa walaalaha Mujaahidiinta ugu deeqay raashin badan oo Zako ah raashinkaa ma WFP baa keentay? Maya Alle(swt) ayaa siiyey muruqoodayna kula soo baxeen markay nabad, cadaalad iyo kala dambayn heleen Allena shareecadiisii ogolaadeen in lagu dhaqo deggaanadaas ayaa Alle(swt) raxmadiisii iyo raalli ahaanshihiisii u soo dedejiyey. La soco qaybo kale oo aan kaga hadli doono, hay’adaha kale ee u dhisan lugooyada iyo baab’inta dhaqanka wanaagsan ee Islaamka sida UNESCO, UNICEF USAID iyo UNDP iyo kuwo kaleba.

Wa Billahi Towfiiq.

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu Cabduraxmaan)



Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.