Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD) Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (swt) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubaanaa Muxamed (csw).

Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Sidaad la socotaanba qaybtii hore ee maqaalkan waxaan ku soo qaatay taariikh dhismeedka WFP laakiin waxaanan cadayn sababaha loo dhisay. Waxaad kaloo maqaalkii hore ku aragteen in iyana hay’adda CAP oo aay Yurubtu dhisatey wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee Yurub si aay u baahi tirto dadyowga Yurub.

Haddaba waxaa ii muuqata inaan cadeeyo xiriirka ka dhexeeya labadaan hay’adood ee midi qaab caalami ah u dhisan tahay midina qaab mandaqadeed ama gobol, WFP waa hay’ad ka mid hay’adaha hoos Qaramadda Midoobay (United Nations) laakiin CAP waa hay’ad aay sameysteen dadyowga Yurub iyo Maraykanku.

Muran badan baa ka iman karaa wada shaqayntooda iyo sida aay isugu xiran yihiin, laakiin xaqiiqdu waxa aay tahay in wada shaqayn weyn oo waliba dhagar badani ku jirto aay ka dhexeyso ninkii ogi waa og yahay ha qiro ama ha qariyee laakiin kaan ogeynow ogoow!!! Waa innagii horey u ogaanay in raashinka ka soo hara baahida reer Galbeed (Yurub iyo Maraykan) bakhaarro loogu kaydiyo si aan raashinkii soo go’ay uu san qiimo dhac ugu iman. Raashinkaasi markii la’ogaado inaan loo baahneyn oo dowladdu ogaato in rashinkii beeraleydu suuqa geeysey uu daboolay baahidii mushtamaca (public demand) ayaa markaa la dejiyaa qorshihii laga yeeli lahaa raashinka kaydka ah (storage crops).

 Waxaa dhacda in dowladaha reer galbeedku la heshiiyaan WFP ama FAO si aay uga iibiyaan raashinkii aan loo baahneyn ee ka soo haray baahidooda. Waxaa caadi ah oo dal walba oo ku jira Qaramada Midoobay baxshaa miisaaniyad (donation) lagu kabo hay’addaha hoos yimaada Qaramada, WFPna waxay ka mid tahay hay’addaha aay UNtu ku kabto misaaniydda aay dowladuhu baxshaan. Waxa suurtowda inay WFP aay ugu deeqaan misaaniyad ka badan tii UNtu u qoondaysay si heshiiskaa dhex maray hay’adda iyo dowladahaa aay ka iibsanayso raashinka uu miro dhal u noqdo.

Waxaa halkaa ka cadaanaysa in WFP aay tahay hay’ad kana iibsata una iibgeysa (marketing sector) raashinka kaydka ah ee Yurub iyo Mareykan iyadoo welibana maalgelin iyo kaalmo saa’id ah ku heleysa. Haddii raashinkii WFP la wareegtay xaggee bay geynaysaa ma iyadaa isticmaalaysa? Ma dad bay siinaysaa? ma sii iibinaysaa?!!! WFP dad gaar ah oo aay wakiil ka tahay dunida ma joogaan ee waa hay’ad caalami ah oo UNta hoos timaada. Dabcan raashinkii aay iibsatay waxay ka yeelaysaa laba arrimood oo mida hore tahay: 1. Inay raashinkaa ka sii iibiso dad u baahan oo ka iibsanaya. Dadkaasi waa dadka ku nool dalalka reer galbeedku ugu yeeraan Dunida Saddexaad (Third World) oo waddammo badan oo Muslimiin ahi ku jiraan. Dadyowga dunida saddexaad loo baxshay iyaguba beero waa beertaan ee maxaa loogu gaynayaa raashin nin kale oo galbeedka ku nool ka soo haray baahidiisa? Jawaabtu waxa weeye inaan dunida saddexaad horumar xagga isku filnaanshaha cuntada ah aayan gaarin oo mar walba aay ahaadaan dad ku xiran Badeecad markab lagu keenay (Goods imported).

Amase aayan beeraleyda dalalkani ugu dhiirran inay dalag beertaan, sababtuna waxa weeye waxaa suuqa lagu soo daaya badeecad ka jaban toodii kana tayo liidata. Tusaale waxaa idin kugu filan aniga ina Suldaan Garyare ah waxaan ka soo jeedaa qoys beeraley ah oo deggan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaan garaadsaday annagoo markii beeruhu noo soo go’aan in suuqyada lagu arko galey la oran jiray cagaartoy iyo saliid la oran jiray caddey kana qiimo jaban tii aay dadku beerteen, marka aan leeyahay waxay ka tayo liidatay taayadii, waxaa la soo saari jiray galey cad iyo saliid macsaro (sesame oil) oo dadku aad u jeclaa. Raalli halayga ahaado anigu caalim beer-yaqaan (Agrarian Scientist) ah ma’ahi laakiin dadka kalsoonida aay ku qabaan galey cadeyda iyo saliid macsarada ayaan cabbirayaa.

La soco qaybta Saddexaad Wa billahi Towfiiq

Qore: Suldaan Maxamed Suldaan Garyare

(Abu.cabduraxmaam)



Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.