Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)



Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (swt) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubaanaa Muxamed (csw).

Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Waxaan jeclahay inaan in yar dadka Muslimiinta u iftiimiyo shaqada aay qabato hay’adda cuntada adduunka ee afka qalaadna lagu yiraahdo World Food Programme (WFP). Hay’addan waxaa la’aasaasay 1963 waxayna ka farcantay hay’adda kale ee la yiraahdo Food and Agricultural Organization (FAO) oo ah ururka cuntada iyo beeraha xarunteeduna tahay Roma ee dalka Talyaaniga. Waxay wada shaqayni kala dhaxaysaa hay’ad kale oo iyana la yiraahdo International Food and Agricultural Developing (IFAD) dhammmaana xaruntoodu waa Roma, Talyaaniga.

Waxaa macruuf ah oo aan lagu muransanayn in hay’ad walba ama urur walba loo aas’aasay ujeedo dhow iyo mid dheer oo la doonayo inaay xaqiijiso ama inuu xaqiijiyo. Waayo kharash iyo waqti baa ku baxay hadaf iyo mabda’ la’aana uma dhisna. Haddaba su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay maxaa hay’addahan aan kor ku soo xusay loo ass’aasay ama maxay ujeedada aay xaqiijinayaan?!!!, Jawaabta oo faahfaahsan hoos ayaad ka heli doontaa haddii Allaha (swt) awoodda lihi ii ogolaada inaan bayaaniyo ahdaaftaas.

Ugu horeyn markii labadii dagaal ee Yurub ku hoobatay dhacay qarnigii la soo dhaafay, ku waasoo kala ahaa dagaalkii kowaad ee 1914-18 iyo kii labaad oo isna dhacay 1939-45 ayaa Yurub iyo wixii la mid ahaa sida Maraykanka oo isna ah dad Yurub ah oo guuray oo qabsaday dad yow kale ee iska deggan waxaa soo wajahday gaajo ba’an oo dadka galaafatay wixii xabadda ka badbaaday.

Taasi waxay dhalisay talo ah inay xoogga saaraan xagga dalagga beeraha iyo wax soo saarka, si aay uga gaashaantaan gaajo dambe oo ku habsata haddii dagaallo kale Yurub iyo Maraykan ka dhacaan. Waxaan shaki ku jirin yaboohii Alle ee ahaa inaan Alle qofna dulmin dadaalkiisa, wayna ku guuleysteen xagga quudka adduunka inay baahi tiraan dadkoodii. Waxay sameeyeen hay’ad ama barnaamij la yiraahdo ”Common Agriculture Policy” (CAP) oo Yurubiyaanku dhisteen 1950 naadkii markii dagaalkii dhamaaday, kaasoo kafaala qaada labo arrimood oo kala ah 1) Inaan dhulku nabaad guurin oo dhulka la dhaqaaleeyo si aan dhulku u noqon mid xaalufa oo aay yaraato in dib dambe loo beerto iyagoo raba in mar walba qayb dhulka ka mid aay ahaato kayd bacrimis dabiici ah (fertilizer).

2) In beeralaydu kaalmo hesho, kaalmadaasoo ah laba nooc oo kala ah: A) in la siiyo maal gelin (susidize) si ayan dhulka uwada beerin oo aay qayb u beeraan laakiin aay soo saaraan abuur tiro badan taas macneheedu waxa weeye in tayada abuurka la badiyo oo dhul yar laga soo saaro abuur badan. B) in dalagga u soo go’a wixii aay suuqa geeyaan mooyee wixii usoo hara aay dowladdu kala wareegto dabadeedna bakhaaro ku kaydiso qiimo fiicanna kaga iibiso si aayan u khasaarin oo ayan uga caajisin inay falashadii beeraha sii wadaan ileyn qofna khasaaro uma shaqeeyo oo waa faa’iido doone.

Haddaba barnaamijkaasi wuxuu xaqiijiyey inaan cunto yari marna laga dareemin waddamadda Yurub iyo Maraykanka wuxuu kaloo xaqiijiyey inaan beeralayda Yurubiyaanka iyo kuwa Maraykankuba ayan iyana khasaarin kana caajisin wax soo saarka dalagga beeraha weliba faa’iido iyo kaalmo dowladeed aay helaan dhulkiina u badbaado ileyn tayadii wax soo saarka ayaa la dejiyey.

Haddaba waxa is weydiin leh haddii baahidii Yurub iyo Mareykan la xaqiijiyey xaggee la gaynayaa raashinka soo haray ee bakhaardda lagu kaydiyey ee aan dadku u baahneyn?, miyaa la gubayaa? Miyaa la daadinayaa? Miyaa la sii iibinayaa? su’aalahaasoo dhammi waa kuwo is weydiin mudan oo u baahan in laga fekero meesha aay aadayso cunnadani bakharadda lagu kaydiyey. Jawaabaha su’aalahan waxaad kaga bogon doontaa qaybaha kale ee qoraalkan haddii Alle idmo. La soco qaybta labaad.

 Wa billahi Towfiiq
Qore: Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu.cabduraxmaam)

Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.