Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

Sida ay ila tahay Soomaaliya waxay ka degi làdahay Beelaha Wax-garadkooda doonaya inay ka sad-bursadaan beelaha kale ee Soomaaliya, ma haboono in aan magacooda ku tilmaamo qoraalkaFaaladeydan, balse waa hubaa in qof kasta oo Soomaali ah oo qaan-gaar ah inuu garan karo Beelaha ugu hunguri weyn ee raba in bulshada inteeda kale ay afduubtaan.

Haddaba bal ila eega waxa ka dhacaya Gobollada Bariga Soomaaliya, waxaa burburay wada noolaanshaha bulshooyiynka dega, waxaana burburkaas laga dheehan karaa sheegashada dhulka deegaanadaas, waxaa soo ifbaxay Beelo samaystay waxa loo yeero Dowlad Goboleedyo, sida Puntland, Galmudug, Waax iyo Waadi, Hiraan & Midland iyo wixii la mid ah (IWM).

Sidaas darteed Nabad la`aanta ka jirta Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul sheegashadu iyo Sedbursiga Soomaalida, hase yeeshee haddii Beel kasta ay damacdo in ay keligeed lahaato dhul wadareed oo beelo badan  deggan, hase yeeshee waxaan suurta gal ahayn in la helo nabad waarta iyo midnimo Soomaaliyeed inta ay arrimahaas ay socdaan.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa sanadahan danbe soo baxayey ku dhawaaqid dowlad Goboleedyo oo kuwii ugu danbeeyey loogu kala dhawaaqay wadamada Ingriiska magaalada London oo  loogu dhawaaqday dowlad Goboleed loogu magac daray Hiraan & Midland. iyo dalka Masar magaalada Qaahira oo dorraat lagu dhawaaqay dowlad Goboleed kale oo loogu magac daray Waax iyo Waadi

Sidoo kale waxaa ayaamahan Shirka lagu diyarinayey dhismaha Maamul goboleed Cusub Hiiraan ee ka socdo magaalada Nairobi dalka Keyna, shirkaas oo la sheegay in xaaladiisa ay aad u xumaatay, wuxuuna gaaray ilaa heer fara ka hadal ah.

 Wararka  ka soo baxaya shirkaas ayaa sheegaya in qaar ka mid ragii soo qaban-qaabiyey shirka iyo ururka HDDA xabsiga loo taxaabay, kadib markuu is afgarawaagaa ka soo baxay in qaar ka mid ah madaxda shirka go’aansadeeen in lagu dhawaaqo maamulka Hiiraan State of  Somalia.

Waxaa bilowday guux xoogan oo ku aadan ku dhawaaqista Maamulkaa, iyadoo inta badan dadka doonayeen in dib loo dhigi ku dhawaqistaa lana siiyo shacabka iyo hogaamiyaasha beelasha reer Hiiraan waqti ay ku soo falanqeeyaan dhismha maamulkaa.

Waxaa horay loo sugaayey in beelaha ka maqnaa shirka ay ka soo qeyb galaan, iyadoo ilaa haatan la hayn labada beelahaa.

Jimcihii tegtay ayaa la sugaayey in ku dhawaaqaan maamulkaa Hiiraan. 5.8.2010 shirka leyku yimid ayaa lagu buuqay laguna diiday in lagu dhawaaqo maamulka, buuq dheer ka dib ayaa labo mid ahaa maamulka shirka uu ku jiray hogaamiyaha HDDA loo taxaabay xabsi,iyadoo lana filaayo in dhawaan la siin doono xuriyadiisa.

Hase yeeshee waxaa la yaab leh in dhul ay deggan yihiin beelo badan oo ay beel keliya hungeriyeyso in awooda dhulkaas ay ka taliso ama ay maamusho, sida deegaanka dhuleed ee uu ku fadhiyo Gobolka Hiiraan, Dhullka Jubooyinka, Dhul-weynaha Soomaali Galbeed  sidoo kale Dhulka Woqooyiga iyo Bariga Soomaaliya.

Haddaba waxaan soo jeedinayaa in laga waantamo arrimaha aan ka faalooday ee ah nabad la`aanta ku saleysan “Dhul sheegashadu iyo Sedbursiga“.

Source:Somaliswiss     
Zürich

Qore Dr. Axmed Dhicisow Daa,uud

SomaliSwiss@hotmail.com



Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.