Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (swt) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubaanaa Muxamed (csw). Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

Qof walba oo Alle(swt) abuurtay markuu hadlo ama xaalad adagi la soo gudboonaato ayaa la gartaa caqligiisu intuu le’eg yahay. Waa dhaweyd xaalad ayaa ku soo korortay deegaanadda Waqooyi Bari Soomaaliya taasoo ahayd in dad Muslimiin ah oo damcay inay Alle kitaabkiisa isku xukumaan in khasiyad iyo ilaaq loola tagay hadda wixii ka dhacay waa la’ogaa!!! Waxaan xasuustaa gabaygii Cabdullahi Macallin Axmed (Dhoodaan) uu ka tiriyey gardarradda ee uu yiri:

Gardarooy waxbaad geysataa, goor iyo ayaan e Gafkii aad samaysaa batiyo, godobahaagiiye Gashi aan yarayn baad qabtaa, jeer lagaa gudo e Waxaad goyso moyee lawaa, nimaad gargaartaaye Gurigii barwaaqaysan baad, gubi taqaanaaye Oo ruuxaad gadhqaadaa wallee, guul ma xoogsade e Adiga iyo geeridu dadkii, waad gablamiseene Adigoon gadaal uga hadhayn, mid iska kaa giijay Qofkii tabartii gees kaa mareey, wax u gaboobaane Gaag baa uso hadha kollay, ruuxii kaa gudo e Adoo gabi ka tuuruu arkaa, kii garaad xumiye.

Gardarraddii lagula kacay dadka Muslimiinta ah ee dega degaanaddii laysku fara saaray wax guul ah lagama soo hoyn ee waxaa laga la kulmay jab iyo naasa beel illaa kaabihii ugu waynaa(Faroole) nimanka gardarradda isku raacay uu af labadii yeeray una qayliyey walaalihiisa Xabashi ilayn wixii isku mabda’ ah ayaa walaalo ah meesha Sheekh Maxamed Siciid Atam iyo Muslimiintu aay Alle iyaguna u qayshan doonaan Soomaalidu waxay tirahdaa: Xaafadi waxay xaafad ugu gudubtaa sow xasarad maaha!!!

Haddii nimanka halkaa horjoogayaasha ka ahi aay ummaddii Soomaaliyeed ee Muslimiinta ahayd ee kasoo qaxday gummaadka ciidammada shisheeye ee miciinka biday walaalahooda Bari aay qafaaleen iyagoo fulinaya awaamiirta Qunsuliyadda Xabashida maxay ugu duulayaan oo faduusha ula aadayaan ummad dalbatay inay Alle(swt) raalli geliso oo ka badbaado dulmiga aay nimankaasi qooshayaan?!!! Waxaa dadka badan oo Soomaaliyeed is weydiinayaan gabood falka intaa le’eg ee ummad deggan oo garab rarata ah lagu qafaalayo iyadoo la og yahay inayan waxba gaysan oo ninkii raba inuu ammniga aay nimanka meesha haystaa lee yihiin wax baa loo dhimay uu gaysanayo nimaan la qafaali karin hadduu doono. Laakiin horaa waxaa loo yiri miskiin baa misko la fuulo leh:

Nabadda aay sheegayaan meeday anigu waxaan qabaa meelaan Alle(swt) kitaabkiisa lagu xukumayn nabadi kama jiri karto (laa islaam laa salaam) awal bay been isugu sheekeeyeen ee nabad ma ayan haysan. Sidaan lawada socono xishoodku waa qayb ka mid ah iimaanka, haddee nimaan xishoon iimaankiisa wax baa ka dhiman nimaan iimaan lahayna waa nimaan diin lahayn sidaas darteed xishood la’aanta ka muuqata nimanka dalka guud ahaan rogay ee cadowga u shaqeeya waxay dhaxalsiisay inayan ogayn waxay aay ku hadlayaan ilayn ninkii xishoodaa xisaabtamee.!!!

Faroole iyo guruubkiisu haddii aayan lahayn caqli aay dadka ku kala kaxeeyaan ilayn wax kale uma qabanayne reerohoodaa u baahan iyaga ha hor joogaan ummad kale ma xukumi karaane

Midna waa waajib in la ogaado dadka Muslimiinta ee degaannaddaa kuwada nooli colaad kama dhaxayso aan ahayn midduu isagu (Faroole) hurinaya cidina cid kale shaati uma gashan karto oo isuma dowladayn karto wixii aan wanaag iyo miyir qab lagu keenina waalli ninna lagama badshee ummadda Muslimiinta yaan cadow loo soo kaxaysan. Shaki kuma jiro inaan cadow dad Muslimiin ah loo soo adeegsaday aan darajo lagu gaareyn mid kaa dhacda mooyee.

Waxaan ku soo gabagabynayaa ninkii u haystow in Qunsuliyadda Xabashidu ee Garoowe fadhida aay dadka Muslimiinta ah haddana Hartiga laysku yiraahda ee raba inay Alle shareecadiisa oogaan isku diri karto, ama dadka Muslimiinta ee walaalahood u soo martiyey qafaalayoow ogow inaadan war hayn sidaasna aadan xukun ku sii joogeyn.

Wa Billaahi Towfiiq

Qore Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu- Cabduraxmaan)


Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.