DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

Dagaal iyo colaad hore ayaa muuqdaa in Maamulka P/Land ka wadaan abuurkiisa degaamadda Goboladda bari iyo Sanaag oo ah degaamo hab nabadgelyo ah dadweynaha degaankaasu ku
naaloodaan Allahnu ugu mahad celiyaan,waana dhul aad iyo aad u wanaagsan kheeyr ka buuxo hadii eey ahaan lahaayeen kuwo muuqda sida dhirta Xijiga,beero badan iyo kuwo duugan oo Kheeyraad dabiici ah(Macdan),horena Maamulkii Gen-Cadde
Muse isku dayen boobkeeda iyo hanti bililiqeeysi cad,lakiin Hogaan dhaqameedka, Culimaa'udiinka, Waxgaradka iyo dadweynaha degaamadda gobolka sanaag iyo galbeedka gobolka bari si cad
u diideen gaashaanka ku qabtaan rajiimkii Gen-Cadde.

Hadaba qormadan maanta waxaan si cad u taageeraayaa Go'aankii hogaan dhaqameedka iyo waxgaradku ku gaareen ama ka soo saareeyn Magaaladda Dhahar kuna saleeysnaa in hab Nabadeed iyo wada hadal lagu wajaho wixii dhaq-dhaqaaq ah oo lagu tuhunsan yahay in eey ka jiraan Degaamadda buuraha Cal-madoow oo loo nisbeeyo in wuu hogaamiye-Sh.ATAM,runtii go'aankaas oo ah mid caqli,aqoon iyo xikmad dheer ku fadhiya kana turjumaaya rabitaanka iyo nabad jeceylka Bulsho-weynta Sanaag bari iyo galbeedka G/Bari iyo sida eey uga fekerayan Wada jirka iyo jiritaanka P/Land,halka rajiimka Faroole ku fekeraayo ama go'aansadeyba dagaal iyo colaad abuurid waana arrin ayaan daredeeda iyo garasho xumadeeda leh.

Sidoo kalle waxaan soo dhoweeyndiisa leh baaq nabadeedkii iyo taageeradii go'aanka dhahar eey soo saareen Jaaliyadda UK Sanaag barri,Heylaand iyo galbeed g/bari waana tusaale kalle oo Markhaati cad u ah caqli adeegsiga iyo hab nabadgelyo jaceylka bulshada ka soo jeeda degaamadaas,amaan iyo bogaadiin halkan uga soo jeedinaayo,halka aan dhaliil  iyo cambaareeyn culeeyskeeda leh u soo jeedinaayo Rajiimka Foroole(Maamulka P/Land)oo wada dhaq-dhaqaaqyu iyo xiisado abuuri karaayo nabadgelyo xumo iyo colaad abuurida Bulshadda Reer P/Land oo walaalaha ah,taasu oo ujeedada ka dameeysaana tahay daboolidda maamul xumadda,wax-qabad la'aanta iyo hanti boobka xubnaha maamulka wadaan iyo sida eey uga gaabiyeen  Xilkii iyo hanaankii masuuliyadeed oo Ummaddu u dooratay iyo balan-qaadkoodiiba,waxaana moodo in xiriir ka dhaxeeyo ama hab iskaashi P/Land iyo S/Land,iyadoo S/Land dagaal balaaran iyo xiisado colaadeed ka wado degaamadda Widhwidh iyo guud ahaanba dhulka hawdka Gobolka Cayn,sidoo kale waxaa dhaliil weyn iyo cambaareeynba mudan Shebekadaha been abuurka iyo waxaan jirin sheegida ku caan ah,isla markaana diida soo qorida iyo soo bandhigida warka iyo baaqyada xaqiiqada iyo danta guul ku saleeysan.

   Sidoo kalle talaabo khaldan,qalafsan oo gefka weyn laguna raafay welina lagu raafaayo dadka asal ahaan ka soo jeedda Koonfurta Somaaliyeed iyo dhaq-dhaqaaqan colaad abuurineed waa kuwo qorshe kale ka dameeyo,iydaoo la wada ogyahay in Madaxweyne-Faroole qorsheeynaayo keenida ciidomo Itoobiyan ah isagoo qiil ka dhiganaaya in koox Al-shabaab ka tirsan eey ku sugan yihiin bariga P/Land waana been cad iyo wax kama jiraan,laakiin Ujeedadu waa awood ku hanashadda dhulka Kheeyraadka dabiiciga ah ku jiraan(Galbeedka G/Bari iyo Barigga G/Sanaag),Faroole ha ku riyoon hanashada degaankaas iyo boobka kheeyraadka ku duugan,colaad iyo dagaalna hore eey ugu jabeen ciidankii Gen-Cadde Muuse iyo maleeshiyaadkii hab beeleedka lagu soo ururiyeey-waana tusaale cashar kuugu filan Mudane-Madaxweyne.

-GUUL NABADA IYO CAQLI ADEEGSIGA-

-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-

-England-UK-25/07/2010.

-sharifhassan50@hotmail.co.uk-



Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.