RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN
RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN
maamaamulkaas gaar ahaan dhanka amaanka
iyo howlaha horumarinta oo eey si weyn uga gaabiyeen,kadibna
keentay kacdoonka hubeeysan oo sida weyn uga soo shaacaaya
guud ahaanba degaamadda P/Land gaar ahaan Goboladda Barigga.
waxaa arrin si weyn looga xumaado
lagana argagaxo talaabada bani-aadami-nimadda ka baxsan oo eey ku
kaceen welina wadaan Ciidamadda Poliiska iyo kuwo sirta gobolka barri
kuna raafaayaan Dadka asal ahaan ka soo jeedaa koonfurta Soomaaliya
oo dhibaatadda nabadgelyo xumo iyo colaada koonfurtu hore u soo bara-
kicay kuna khasabtay soo cararka iyo soo haajiridaba,raafkaas ayaa ku
saleeysan ama ujeedada ka dameeysaa tahay daboolida ama meel kale
u saarida xaaladda nabadgelyo xumo,dilka joogtada ah iyo kacdoonka
Dadweyne oo sida weyn ugu jirra degaankaas,mana jiro wax cadeeyn ah
oo sheegaaya in Dadka asal ahaan ka soo jeeda koonfurta Somaaliya ku
leeyihiin xaaladaas wax xiriir ah,balse waa arrin maqaar saar ah,waana
mid caado ah Hogaanka P/Land ku kicida talabaadaas oo kale,waxaan
oran karaa awooda iyo tabarta maamulka P/Land waa raafka iyo dhibka
dadka tabarta yare dhibanayaasha ah,iyadoo la wada ogyahay cida ka
dameeysa kana masuulka ah xaaladda nabadgelyo xumo ee goboladda
Barigga ka taagan,weliba Maamulka si weyn farto loogu fiiqo in eey ku
luq leeyihiin dilalka khaarajiinta ah.
Waxaan halkan caambaareeyn culeeyskeeda leh uga soo jeedinaayaa
Hogaanka sarre P/Land,Golaha Barlamaanka Sawirka ah iyo Maamulka
Gobolka Bari waana inaad ogaataan dhibaatadda,cawaaqib xumada iyo
guud ahaanba wixii xumaan ah oo talaabadaas ka imaan kara inaad si
toos ah idiinku masuuliyadeeda u leedihiin,waa fal ka turnumaaya sida
garaadka iyo caqliyada hogaanka sare u hooseeya kartidiisuna u liidato,
sidoo kalle waxaa cambaareeyn iyana mudan Hogaan dhaqameedka,
Culimaa-udiinka,Ururdada Bulshadda iyo guud ahaanba Wax-garadka
Reer P/Land oo ka gaabiyeey wax ka qabashada talaabooyinka khaldan
iyo xaalada jaha-wareer oo hogaanka P/Land ku socdo,shaki kuma jiro
in Raafkaasu keeni karaayo ama abuuraayo si kordhinta naceeybka iyo
kala fogaanshadaha Dadka reer P/Land iyo kuwa Koonfurta Soomaaliya,
halka la raafaayo Dadweynaha koonfurta ka soo jeedaa waxaa gobolka
barri P/Land buuxa Dad aad iyo aad u fara-badan kana soo jeeda Dalka
Itoobiya loona ogol yahay in eey si xoriyad leh ku joogaan P/land kana
sameeyn karaan ganacsi,iyadoo la wada ogyahay in Maamulka hore ugu
dhiibay Muwaadiniin Somaliyeed rajiimka Addis ka taliya,Markaas waxaa
xaq iyo xormo ku leh degaamadda P/Land maamulkuna difaacaa dadka
ka soo jeeda Itoobiya,waana arrin gun-nimo weyn leh,waana mid ka
Tarjumeeysa in eey yihiin Shaqaalle rakhiis ah oo Zanaawi meesha u
Jooga kuwa isku sheegaaya Madaxda Sarre ee P/Land. 
Gunaanadka qormadan gaaban waxaan ku soo xiraayaa
anigoo nabadgelyo buuxada,horumar dhab ah iyo hab
wanaagsan oo Dadweynaha u adeega la jeceyl P/Land iyo guud ahaanba
Dalka iyo dadka Somaaliyeedba,hadana si weyn ayaan uga xumaaday oo
u qaadan waayeey in dad somaaliyeed oo dhibaato nabadgelyo xumo iyo
colaada iyo dagaal joogtada ah oo ka taagan Koonfurta Soomaaliya si
naxariis daro ah,cadoownimo ku dheehan tahay,Islaanimada ka baxsan
loo raaf looguna daadiyo koonfurta galkacayo,talaabadaas ayaa sawir
cad ka bixineeysa hogaanka sarre P/Land habkiisa khaldan,kana baxsan
hab dhaqameedka Somaaliyeed iyo xurmadda marti-gelineedba.
-Qorre-Xassan C/Laahi (Xassan Carab)-
-England-UK- 21/07/2010-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk
Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.
Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)
Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare
Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare
DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE. (Qalinkii Xassan Carab)
CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!
Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."
The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow
Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander
Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .Qore-Xassan Carab
Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse
Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa
Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo
Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.
Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa
Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad
Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?
Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

