CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!
 
 
ASALAAMA CALEYKUM WW,
Alle swt ayey mahad oo dhan usugnaatay nabadgelyo iyo naxariisi rasuulkeena korkiisa ha ahaato intaas kadib.
 
Waxaa ayaan daro ah in Dumarkii Somaliyeed ay Calankii ay ka sameysteen duruuc shiit ah oo jikada ku galaan ,masar ay madaxooda
ku xirtaan iyo weliba goonoyin ay futada kusoo xirteen,Dumarkaas oo isla daba gala kamirooyin iyagoo dareemaya qab iyo islaweyni aad moodo
iney kamid ahaayeen 13 kii SYL ama Ciidamadii kasoo qeybgalay Dagaaladii Xoreynta Somaliya.
 
 
waxaan dhehi karaa ma aysanba fahmin qadarinta iyo mudnaan ta Calanka,waxaan xasuustaa in xeryaha iyo goobaha Calanka ka suranyahay ugu yaraan markii la dejinayo ama lasaraayo ay imaan jireen afar Askari nin saaraya iyo sadex kale oo qori saar dab sameynaya maanta waxaa bedelay kuwaas naago cayr ku qaata Europe oo madaxooda aysan weligood dhiqin masar uga dhigta waxaana hubaala in shiitka raqiiska ah ee ganacsatada wax magratada ah ay macaashka ka radinayeen ay raqiis ahaan usoo gateen waxaase iga yaabiyey markii habeenkii oo dhan xafladaha lagu soo niikiyo uu wasakhoobo tolow ha dhow ma dhaqaan oo qasaalida miyey ku daraan kastuumoyinkooda iyo Kensheliga,mise caruurtooda bey afmaris uga dhigtaan waayo hadey dareensanyahiin in waxaani yahay Calan astaan u ah umadda afsomaliga ku hadasha oo dhan dee futada kuma soo xirteen iyagoo weliba isla sii fiican,waxaan ufiirsaday xafladaha badankooda ay isugu yimadaan dadkaan calanka lebiska kasoo dhigtey uma imaan meel Wadananimo iyo isutag lagu meteleaayo waxeyse aad ugu egtahay Club iyo meel raga iyo dumarku isku arkaan laguna bashaalo, waxaa iyaduna ayaan daro ah raga facooda ah oo wax magaradka ah ee kamirooyinka ladaba ordaya iyo kuwa kale ee xafladahaas ka khudbadeynaya oo marna dhehin walalaalayaal bal calanka ka dhaafa sida xun aad u isticmaaleysaan waayo Calankan awalbuu dhulka yaalay oo 20 sano dagaal iyo dhibaato ku jirey maanta waxaa nala ka sugayaa sidaan dhulka uga qaadi lahayn,sidaan xafladaha caalamiga ah u suri lahayn,xarumaha sportiga,ganacsiga,carwooyinka,bandhigyada fanka iwm.
 
 
waxaan ka codsanayaa webside yada dhalinta sharafta leh ineysan soo gelin mardanbe sawiradaas dumarka calanka masarada ka dhigtey iyo in loo sheego inuu yahay astaan qaran weliba small family aduunyada ku dhibaateysan,calankani waxuu cadeynaya Somalinimadeena marka wey igu adagtahay astaanteydii in futada lagu soo xirto waan qaadan waayey,in meel sare inta lasuro aan is dheho masoo tabataa,bal fiiriya wuu quruxbadanyahay,bal fiiriya dad baa usoo halgamay,bal fiiriya umadda somaliyeed isutageeda ayuu metelaa balse haddii futada lagu soo xirtey marka wax inaka dhexeeya majiro ugu yaraan calankaas madow ee alshabaab kor uhayso baan maskaxadeyda gelin ,haddii kalese calanka mudnaantiisa hala siiyo,hana noqdo shey inoo dhexeeya aana isku ixtiraamno.
mahadsanidin
 
 
Dr Yusuf issa


Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.