Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

Soomaaliya marka la xuso ama la sheego magaceeda, waxaa lagu xiyaa dagaal, dhac, boob, qarax, iyo burcad nooc walba leh, waxaa lagu sidkaa gaajo, abaaro, iyo macaluullo, ka dhashay gabi ahaan dawlad la,aan iyo qorsha xumada baahsan, tanina waxay dhalisay in Soomaaliya noqoto howga halaagga iyo silica aan soohdinta lahayn, noqoto magac u yeelka dhib kasta oo la kari waayo ama daba dheeraada, heer ay gaartay in dalalka qaar Soomaalida loogu yeero magacyo dhaliillo iyo muujinaya xumaan!.

Soomaali waxay ka mid -noqotay shucuubta dunida kuwa ugu qaxootiga badan, waxaa iska yaraaday dunida wadan aysan joogin!, tani waxay dhacday 20-kii sano ee burburka qaran lagu jiray, wixii ka horreeyey socdaalkoodu aad buu koobnaa, maxaa yeelay baahi dhoof loo qabay ayaanba jirin, cad iyo caano, bar iyo beer ama bad iyo Barbarey(Carsaanyo) qof haystaa, miyuu baahi u qabaa dibad uu aado?!, warcelintu waa maya hubaal shaki la’aan ah, ganacsi waxbarasho iyo isdhexgalku waa gaarkooda.

Soomaaliya waxay ahayd dal magac iyo mug ku lahaa dariska iyo dunida, waxay ahayd dal wax laga weydiiyo ama ay ka go’do talada gobolka iyo gayiga!, waxay ka qayb qaadatay aas-aaska ururro waaweyn sida: Ururka Wadamada Dhexdhexaadka, Ururka Dunida Muslinka, Ururka Midawga Afrika, Urur Goboleedka IGAD IWM, maantase waxay maraysaa inay noqoto wadanka adduunka ugu taagta daran ama ugu qiimaha liita!, dhan walba marka laga eego, maxaa yeelay waxay gaartay meel aad u hoosaysa.

Horudhacaa tiiraanyada badan ka dib, waxaan jeclaan lahaa inaan kormar gaaban ku sameeyo, wacdarihii Kaynaan ka dhigay furitaanka koobka adduunka, oo si habsima leh uga socda wadanka S/afrika, iyada oo in badan la sugayey dhacdadan, dad badan oo Soomaali ahna ay u hanqal taagayeen inay indhahooda ku arkaan, qaar kale ayagu kuba ducaysanayey inaan geeridu u soo gaban, inta aysan indhahoodu doogsan ashqaraartii xafladda furitaanka.

Nolosha qofba kaalin ayuu ku leeyahay, qofba waajib ayaa saraan, mid gaara iyo mid guud intaba, haddana qof walba waa siduu uga soo dhalaalo, ama u guto xilka dusha u suran, qof waa habacsane aan hiil iyo hoo midna laga sugayn!, qof waa af iyo calool, u jooga wuxuu cunaha mariyo, qof waa halyey umaddu ku soo hirato, qof waa kaahiye iftiimiya hilimada mugdiga iyo gudcurka ah, qof waa dibaadi aan dadaal iyo daacadnimo looga fadhin, qof waa badbaadiye ka hortaga balaayada.
Aan u laabanno ujeedka qormada, Kaynaan waa fannaan caan baxay, ku nool wadanka Canada, sanadkan wuxuu ku guulaystay inuu qaado heesta furitaanka koobka adduunka, xafladda furitaanka Kaynaan wuxuu ka dhigay wacdaro aad loola yaabay, wuxuu qanciyey Soomaali inta wadaninimadu ku jirto, mayee wuxuu soo jiitay in badan oo ka mid ah dadka dunida ku nool, isaga oo ka xadraysiiyey intii goobta joogtay.

Xilliga ugu quruxda badnaa wuxuu ahaa, kolkuu soo hugtay calanka Soomaaliya, ee afarta koone ee garoonka ula jeesjeestay, si ay dhammaan indhahoodu ugu dhoco, midda ka sii quraxda badnayd waxay ahayd, markii ay fannaantii la jiibinaye heesta, ay lulayeen calanka buluugga ahaa, yaanan ka tagin, in lagu duubay gurbaanadii la garaacayey midabka calanka Soomaaliya, ayna goobtii u ekaatay giirka cirka, halkaa waxaa si heersare ah kor loogu qaaday magaca iyo muuqaalka Soomaaliya, waxaana ammaanteeda iska leh fannaanka weyn ee Kaynaan.

Kaynaan wuxuu taariikhda ka galay baal dahab ah, dhan walba marka laga eego, bal si fiican u dhugo, maanta xaalka ay Soomaali ku sugan tahay: argagixiso, burcadbadeed, mooryaan, intaas iyo in kale ayaa Soomaali la degay, kolkaas ayuu Kaynaan ka dhigay wax kale, ma ahan inuu xumaanahaas badalay, balse ugu yaraan waxaa saacado, maalmo, iyo bilo lagu xusaasan wanaaggaa uu Kaynaan soo hooyey, qofkii Soomaali ka aaminsanaa xoolo, uu garan doono inay dadka la siman yihiin, awood u leeyihiin inay wax curiyaan ama wa soo saaraan!.

Halyey qaran oo hiil muuqaal iyo mid macnawi ah intaba Soomaali u galay, iga dheh wiil hawshiisii ka soo baxay, Kaynaan waa fannaan Soomaali u soo hooyey magac aad u weyn, inaga oo la daalaa dhacaynna tilmaamaha aan soo sheegnay, Kaynaan wiil aad u jecel dadkiisa iyo dalkiisa, wiil wadaninimadu ay lafaha ka gashay dhuuxana u dhaadhacday, daljeclidiisu uma baahna daliil iyo qiil, maxaa yeelay waxaa nooga filan inta uu muujiyey.

Soomaali waxay caadi ka dhigatay, habaarqabe kasta ee dhiba ama halaaga, inay ku tilmaamaan halyey, balse ninka magacooda u dhibtooda ama u harjada siduu kor ugu qaadi lahaa, waxay ku tilmaamaan inuu yahay dabadhilif shisheeye kalkaal ah, doqon aan damiir lahayn oo aan tolka ku dhex jirin, taas waa nacasnimada la degtay ee ay la kala garan la’yihiin wanaajiyaha iyo walaac abuuraha.

Tan kale dunidu Kaynaan iyo Soomaaliba waxay ku abaalmarisay fan, wadaad madaxa soo duubtana wuxuu maanta la taagan yahay, inaan la dhagaysan karin fan iyo suugaan, saw la yaab ma ahan hobolnimada laga hortagayo? Waxay aas-aas u tahay la dagaalanka dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, ujeedku waa dhaqanguurin iyo dhalanrog, malaha ajandahaba kuma darsan in wixii ay reebeen ama diideen lagu mudan sharaf iyo shakaal!.

Ugu dambayn waxaan ku soo gaabinayaa maanso aad u macaan, oo Abwaan Cabdiraxiin hilowle Galyr u mariyey Fannaanka weyn ee kaynaan, haddaba aan idiin kala boxo idinka iyo maansada ee ka bogosho wacan.

Kolkay badaha u baqooshay
Kolay kala baadday badiba
Kolkay kurbadiyo xanuunka
Kadeedka badeen dadkeedu
Kacdoonkiyo dhiilladiisa
Kolkay saxariir ka qaaday
Kolkay kallahaada badisay
Kolkay kooraha dul saartay
Ee ay keenaysay Awrka
Kolkay kala guurtay badiba
Kolkay geeddiga billowday
Kolkay Kanadiyo Maraykan
Kolkay Yurub kooxi gaadhay.

Kunbaa dhaqankooda diiday
Kunbaa diintii kahdoodoo
Kunbaa kasi waayay talada
Kooxiba meelbay u baydhay!.

Kartida waa loo dhashaa
Kaskana waynahaa baxsha
Kalsoonidu waa hoggaan
Kaynaanbaa calankii sida
Keligiis buu taagan yahay
Kulan ay kuman malyuun
Ku loolamayaan dadoow
Waxuu kor u qaadayaa
Kor dahab calankii ahaa
Kuwii garabkiisa iyo
Kaltanka la wadaagi laa
Iyagaa is kadeedayoo
Kurkay iska gooynayaan
Kaaray isku weeraaraan
Koox koox bay kala noqdeen
Kursi bay wada doonayaan
Kaskeedana ruux lehiba
Kuligood kuma wada jiroo
Kuus lacagay wada rabaan

Allow Kaynaano badan
Kun wiilo magaca sida
Kitaabada kuwa qoriyo
Kubadda kuwa dheela iyo
Kuwo orodyahanahiyo
Kuwa hindisiinahoo
Aduunka ku soo kordhiya
Waxay keeneen iyagu
Kor yeelana magaca iyo
Kaalinteennii dadnimo.

Kuwaan laga maarmi karin
Kartiyo diin iyo aqoon
Wadani kaafiya dadkaan
Kariimoow Adigu keen.

Dhammaad.

Bashiir M. Xersi.
brdiraa@hotmail.com



Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.