Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

 

Puntland!  Sidee  Xega loo Xagta  oo Ilka  Unabad  Galaan.

 

Umad waliba oo dunida guudka  saaran   waxay leedahay masiir iyo hadaf gaar ahaaneed kaasoo ka turjamaya  wada noolasha bulshada dhexdeeda iyo ilaalinta  wada jirkooda  iyo sharaftooda wadaninimo .

 Bulshada  somaliyeed waxay noqotay umad ku guuldareysatay xal uhelida masiirka mustaqbalkooda iyo horkaca bulshadeeda waxaana dalkeena  halakeeyay oo la degay dagaalo sokeeye iyo Siyaasad lagu saleeyay Cadaalad xumo  taaso Sabab unoqotay in somalia  aysan lahayn maamul mideeya muda 20sano kabadan .

Burburkii somalia   waxaa  uu lahaa  wajiya badan   waxaa lagu wayay midnimadii iyo Qarankii somaliyeed misna  degaanada Qaarkood  waxay ka dhaxleen horamar aad ubalaran xaga qaar kalena ay ku  dumeen oo indha isku qabsadeen .

 

Degaanada horamarka ka dhaxalay burburkii somalia  waxaa kamid  ah  degaanada puntland waxayna puntland  ku tulaabsatay horumar aad ubaaxad weyn kaasoo  sabab u ah bulsha badan oo dib ugu soo laabatay gobaladii ay awoowayaashood ka yimaadeen kuwaasoo la tegay Aqoontii iyo dhaqaalihii ay ku dhiseen  caasumada somalia Muqdisho .

Muda  dhan 11sano kadib waxaa puntland kasoo  baxay ifaafaale aan wangsaneyn kaasoo sabab unoqon kara burbur ku yimaada dhamaan heykal dawaladnimo ee ay ku tlaabsatay mudadii uu soo jiray maamulka  puntland .

Waxaa  2bilood ee ugu danbeeyay puntland  ka  dhacay waxyaaba muwaadiniinta puntland  aan ka faraxin taaso dib dhac  ukeeni karta  geedi socodka   Horamarka ee puntland  tiigsaneyso .

Dagaalka kasoo cusboonaday SSC.

Waxaa ka dhacay sibuucdaii nasoo dhaafay dagaalo gardara ah oo  lagu xasuuqay Maanta ku sugan guryahoda  kaasoo  ay soo qaadeen maleeshiyaadka dirta waqooyi  iyo dawlada Ethopia oo gacan siineysa  taaso  loola jeeday in lagu garba duubo rabitaanka  iyo masiirka bulshada reer puntland ee ku nool gobalka ceyn iyo sool ee SSC .

Maamulka dirta waqooyi   waxaa  xusul duub ugu jiray bilihii ugu danbeeyay sidii uu  qabsan lahaa  degaanadaas usagoo gacan ka helaaya quwada shisheeye maadama uusan  awood ulahayn uu ku muquuniya bulshada gobalka  waxaana  madaxada  dirtawaqooyi  ay dawalada Itoobiya    farta ugu fiiqeen in gobalka ay joogaan kooxda ONLF oo siyaasada ethopia  kasoo horjeeda taaso sababtay in dawlada Itoobiya ay indha ku hayso dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan bulshada gobalka  ee ku wajahan xoreynta  SSC.

Furitaanka Safarada  Itoobiya ee Garoowe .

Maalmo kadib markii  ciidamada Itoobiya ay dad ku xasuuqeen  Magalada Buhuudle  ayaa  waxaa Safarad laga furay caasumada puntland  ee Garoowe  waxaana madaxada Itoobiya ay sheegeen in safarada Itoobiya ee  puntland ay noqoneyso  sii xoojinta xiriirka labada dal ee  puntland  iyo Itoobiya waxayna taasi aad uga caraysiisay buldhada SSC iyo qaar kale oo badan oo ka tirsan bulshaweynta reer puntland kuwaasoo ku macneeyay in Maamulka puntland uu ku raacsanahay  talaabadii ay ciidamada Itoobiya  kula kaceen maatada gobalka Ceyn .

Dareenka Bulshaweynta reer puntland ee xiisada  soo kor dhay .

Bulshada  reer puntland waxay aad uga wada xumadeen soo gelitaanka  Ciidamada Itoobiya  ee Ceyn  iyo weerarka gardarada ah ee maamulka  Dirta waqooyi kusoo qaadeen  gobalka Ceyn waxaana  dadku isla dhex  qaadayeen sababata Maamulka puntland  uu uga aamusay dhacdooyinka foosha xun ee ka dhacay Qaar kamid ah  gobalada puntland .

 Lagoosashada   Gaadiidka  Dawlada  Puntland  iyo Ciidamada Daraawiishta .

Waxaa  sidoo kale isbuucyadan  lala baxsaday qaar kamid ah  gaadiidka dagaalka ee ciidamada puntland  xaga ay qaar badan oo ka tirsan ciidanka puntland ay ka huleeleen xeryahii ay ku sugnaayeen iyagoo gacan siinaya   maleeshiyaadka SSC ee  dagaalka kula jira  maamulka Idoorka .

 

Waxaa  xabsiga loo taxaabay Rag badan oo lagu tuhmay in ay ka danbeeyaan  oo ay  u fududeeyeen ciidamada in  ay baxsadaan   sidoo kale  waxa xabsiga magaalooyinka puntland la dhigay rag la sheegay in ay taageeraan maamulka  SSC  tan ayaa bulshadu ku macneeyeen in ay tahay   midab tagoorid  iyo handadaad loo geysanayo bulshada u dhalatay gobalada waqooyi ee puntland haday taasi sii socotana waxaa ay khatar gelin kartaa Amaanka puntaland .

Maxaa Lagudboon SSC iyo Puntland  ee dan uwada ah bulshada puntland ku Abtirsada.

 Waxay soomalida kumaahmahda  Sidee  Xeega Loo Xagta oo Ilka unabad galaan .

Sidee ku Xoreynaa SSC oo i ilaalinaa isku duubnideena iyo wada jirkeena Puntland.

Anigoo ah muwaadin puntlander  ah   Waxaan Qabaa Fikir ahaantey   Inan Muujino dulqaad iyo Isu tanaasul  si aan ugaaro hadafkeena ah inaan  Xoreyno dhulkeena naga maqan isla Markaana ilaalino  wada jirkeena midnimo .

1) Waa in bulshada reer puntland ee degan gobalada Bari   Karkaar iyo Nugaal  ay  Muujiyaan dareenkooda ku wajahan sida ay uga xunyahiin in  dagaal lagu soo qaado Qaar kamid degaanada puntland iyo faragelinta ethopia ee gobalada puntland  .

Dareenkaas waa in ay ku Cabiraan mudaharaadyo nabadgelyo ku saleysan kaasoo rabshada wadan  oo  Amaanka magaalooyinka aan waxba yeelin

 

2)Waa in waxgaradka reer puntland  ee Isimada reer puntland oo dhan ay soo saaraan Go,aama ay kuwada dhan yahiin oo  qeexaya in laxoreeya degaanada maqan iyadoo laga foganaayo kala qoqobnaan iyo tafaraaruq bulshada  reer puntland dhexdeeda ku yimaada .

3)  Wa in la,isu keena  Madaxada  SSC  ee  Mudane  Saleban xagla toosiya madaxada u yahay iyo  Maamulka puntland ee madaxweyna Faroole iyo Mudane C\samad Cali shire madaxweyna ku xigeenka ka yahay  isla markaana lagu heshiiya  hal mowqif oo lagu wada mideysan yahay oo lagu dagaal galo kaaso labada dhinac ay raali kawada yahiin .

4)  Waa in dawalada Itoobiya lagu qanciyaa in degaanada SSC iyo puntland aysan joogin wax  argagixiso ah ama urura  kasoo horjeeda nidaamkeeda   iyo Jiri taanka Ethopia . Si ay ufududaato  Xoreynta degaanada Maqan .

5) Waa in ay  Cidkasta oo ay khuseyso  Hawshaan ay u gudato si muwaadinimo iyo  xilkasnimo leh oo ku dheehantahay danta bulshada reer puntland ee8gobol  ee  Sool Sanaag Bari  Mudug Karkar Nugaal   ,Ceyn  Haylaan .

 Waxaan urajeynayaa  dalkeyga hooya Nabad  ,Horumar , Midnimo ,Cadaalad   waxaana leeyahay  Bulshadeyda ilaaliya Magaciina idinka oo isku duuban  .

 

Rabiyoow puntland  barwaaqee .

Bulshadeeda    Nabad iyo Naxariis  ku beegooo .

Burburkiyoo  Dagalaada   Barbar  mari boolo dhan .

Bilicdeeda  Sii  Badiyoo .

Belad Aaad  Uwacan iyo ka dhig Booski  raaxada .

Baro Roobab oo Badan   doogu  Uu  Balaartaa .

 

Waxaan Idinka tegayaa  Cabsidii ilaahay   waxii  wanagsan  waxa leh nafteyda waxii xuna waxaa leh sheydaanka   

 

Qore  Qandala Boy .

siciid1960@gmail.com



Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.