Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Ummadaha intooda badan dhibaatooyin iyo dagaalo
Sokeeye oo sanado qaatay khasaare culeeyskiisa lehna
dhigay ayaa soo maray weeyna ka gudbeen oo dhaawacii
iyo daqaradii waaweyn ka shaqeeyeen daaweentooda iyo
baxnaaniinta dhaxalka xun oo colaado reebo,u gudbeen
dib u dhis iyo mideeynta Dadkooda iyo Dalkoodaba kuna
muteeyseen horumar iyo la hano qaadida aduunka,laakiin
Somaalidu ka duwan waxeeyna noqotay dhibaato xalkeedii
la waayeey-Waayo Ummadda Somaaliyeed ayaa ah kuwo nacay Dalkooda iyo aayo ka talintooda mustaqbalkooda waana mid ayaan daradeeda leh,Naxdiinteeda leh,Murugadeeda leh.

 

Qormada Maanta ayaa cinwaankeeda yahay:-
Ma Tanaa Turkigiina Baqal u Soo Qaatay-sida la socdo
waxaan maalmahan ka socdeey Dalka Turkiga looguna tallo
galay arrimaha somaaliya oo wajigo badan leh-Tusaale:-
Arrimaha Burcad Badeeda,Hanaanka iyo Habka horumarinta
Ganacsiga Somaaliyeed iyo Kaalinta Beesha Caalamka iyo
Arrimaha Somaaliyeed intuba waa arrimo ahamiyadooda leh
in wax laga qabtona Somaalidu si weyn ugu baahan tahay,
laakiin Su'aasha ah maxaa arrimaha Somaalida hadba Dal
loogu xil-saaraa ama loogu Maal-geliyaa?su'aal weyn oo
aan jawaab loo heyn,Ummad tashan weeyday xaalkeedu waa
Boqol u tali-Bal eeg inta dal oo lagu maalgeliyeey wax
lagu sheegay qadiyada Somaliya:-Itoobiya,Jabuuti,Kenya
Ugaandha,Yeman,Sudaan waa heerar kala duwan waqti iyo
xeeladba,Weliba Gumeeysi Itoobiya Fardo dheereeya u
Soo fuulaay laakiin fashilaad weyn ka raacday,inkastoo
wuu weli gacan weyn ku leeyahay arrimaha Somaalida oo

dhan(Taliyaha Guud)ayaan darro.
Halkan Ka Dhegayso Heestii  Digniin
 
    Ujeedda qormadan ayaa ah hadii Somaalidu tashan
weeydo kana fekeri weeydo aayo ka talinta Dalkeeda ha
sugiin cid kalle xal munaasib ah iyo ka shaqeynta soo
Nooleeynta jiritaankii qarameed,waayo dal walba Dadka
u dhashay ayeey gacantooda ku jirtaa maslaxadiisu waayo
waa Dalkoodii hooyo(Allah u fududeeyaa wixii wanaagu ku
jiro),dhibaatada,colaada iyo dagaalada joogta ah dalkeena
ka taagaan ayaa galay sanadkii 20-aad inta dowladii 90kii
dhacday,intooda dagaalada ilaa bartamihii 80-ka socdeen,
mudadaas dheer iyo shirarka xad dhaafay wax faa'iido ah
ma soo kordhiin bal weey sii ciideeyeen xaalada,Maanta
waxeey mareeysaa meeshii ugu xumeeyd;-Dowlad ku sheeg
Sawir ah,Al-Shabaab aan hadafkooda la garaneeyn,Xisbu-
Islaan dhinac wuu u socdo ma ka socdo la aqoon iyo Kuwa
Ehel Sunna Wal-Jamaaca iyo kuwo kaleba midna kama arko
ma ka muuqato ka shaqeeynta danta iyo aayatiinka Dalka
iyo Dadka Somaaliyeed,waxaan weliba oran karaa qorshe iyo
Tallo shisheeye ayeey intuba mudnaanta koowaad siiyaan.
 
 
   Ummadda Somaaliyeed weey ka soo daashay dagaal,colaad
iyo qab-qable maalinta waji cusub iyo magac cusub wata,
Ummadda Somaaliyeed silic iyo dhibaato uma dhina hadaba
Dawlad magaceeda lagu maalgeliyo xal keeni-waa,Maantaba
dhibaatadu waxeey gaarteey in Hooygii cibaada Allah lagu
amaan waayo(Masaajidyadii),Somaali xal gacanteena ayuu ku
jiraana-Taladuna waa teena oo Allah raali ka noqdo,Caqli
Fiyoow iyo damiir nool ayaa loo baahan yahay,Muslin-nimo
dhab ah iyo Somaalinimo ayaa loo bahan yahay,garashada
dhibaatada iyo khasaara dagaal leeyahay ayaa loo baahan
yahay,indho furan in lagu eego silica guud ahaanba Dadka
heeysta ayaa loo baahan yahay,isu tanaasul iyo iskaasi
ayaa loo baahan yahay,dhaxal iyo taariikh reebid ayaa
Maanta loo baahan yahay,Shir Turkiga ka dhacaaya xal ma
keenaayo,Madaxweyne iyo Ra'iisal Wasaare muransan xal ma
keenaayo,Barlamaan Sawir ah xal ma keenaayo,aqoonyahan
hadal is-khilaafsan meel la taagan xal ma keenaayo,Culimo
Kibaabkii Allah iyo Qowlkiisii isku khilaafsan xal ma
Keenaayaan,Beelo somaaliyeed oo qabyaaladu kala fogeeysan
xal ma noqonaayo,Qurba joog is diidan xal ma keenaayo,
hadaba xalku waa tallo wacan ka shaqeynta danta guud iyo
Maslaxada dalkeena hooyo iyo Daryeel Ummadeena iyo raacida
Tawakalka Allah,Inshaa Allah Guul iyo Gobanimo.
 
 
MA TAANA TURKIGIINA BAQAL U SOO TUULAY.
-Qore-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK- 21/05/2010.
-sharifhassan50@hotmail.co.uk



Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.