Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Tan iyo intii u soo if baxay magaca Ahlu sunna waljamaaca waxaa soo if baxayay  dhacdooyin badan oon hore looga baran kooxdan magaca cusub qaadatay.

Dhacdooyinka ugu yaabka badan ayaa ah iney soo if baxeen rag badan oo horay uga lumay majaraha siyaasadda Soomaaliya oo helay hab dhagareed hor leh oo ay bariiskooda ku soo saartaan iyagoo ku adeeganaya magaca kooxdan masaakiinta ah oo hore dhaqan ahaan aan u laheyn iney siyaasad iyomaamul dowladeed ka qeyb galaan.

Culimada waaweyn ee waddanka caanka ka ahaa ee suufiyada ayaa ahaan jiray kuwo iyagu nolol maalmeedkoodu ku xiran yahay lacagaha siyaarada ay dadku bixiyaan, Marka laga reebo Macallim Nuur Maxamed Siyaad Ilaah naxariistii janno ha siiyee oo isagu tan iyo intii aan garaadsaday uu ka mid ahaa shaqaalaha Dowladda Gaar ahaan wakaaladii Keenista iyo soo saaridda Daawooyinka isagoo halkaas ka gaaray Jagada Agaasimaha Waaxda Daawo Soomaaliga.

Waxaa nasiib wanaag ii aheyd inaan horaantii 1980 kii warsado Macallinka subax aan bas ka wada raacnay waddada Dabka halka uu macallinku u socdo iina sheegay inuu shaqo u socdo, oo aan is weydaarsanay hadallo badan anoo u sheegay inaan ka mid ahaa dhalinyaradii ka soo aflaaxday dugsiyadii Qur'aanka ee uu isagu ka dhisay Magaalada Xamar iyo nawaaxigeeda.

Intii aan aniga iyo Macallinka Baska sugeynay ayaa dhowr waxaa macallinka u istaagay tagsileey aqoon u laheyd Macallinka oo doonayay iney geeyaan halkuu rabay laakiin macallinku ka diiday isagoo ii sheegay in laga sugayo ninkaa tagsilaha ah masruuf iyo kharash badan ayna ka fududahay inuu baskaan ummadda la raaco.

Arinta kale ee la yaabka leh ee aadan ku arkeyn warbaahinta Soomaalida ayaa waxay tahay in Macallin Nuur uu ku amray culimadii xerta aheyd ee Mowliciisa joogtay oo u badnaa kuwa Diinta barta iney Iskuulaadka dhigtaan oo ay nafsaddooda wax u bartaan , weliba Khasab uga dhigay Macalimiinta dugsiyada Qur'aanka heysay iney tagaan Dugsiyadii waxbarashada Dadka waaweyn oo dalka laga hirgaliyay Kadib Kacaanki 21ka October ee dalka ka curtay, taasoo macallinkeygii dugsiga uu habeenkii Fariisan jiray Fasalka aan subaxii wax ku barto ee HODAN, isagoo maalmaha qaarkood xisaabta iyo maadooyinka qaar i warsan jiray inaan ka caawiyo Dambigiisa Allaha Dhaafee waa Macallin Cabdi Cali Calasow.

Hadaan markaan u soo laabto dulucda faaladeeyda sidii ay ku aasaasmeen kooxahan Mayalka adag ee Itixaad, Akhwaanul Muslimiin, Takfiir, Khawaarijta, Alshabaab, Maxaakiimta, iyo xisbul Islaam oo aheyd in Quwado shisheeye oo cadawga Islaamka ah ay aasaaseen ama ha isku soo ekeysiiyo Muslim iyo Carab tuu doono si la mid ah ayaa Ahlu sunna iyagana waxaa u naas nuujiyay cadawga soo jireenka ah ee umadda Soomaaliyeed oo ah Itoobiya kuwaasoo dan u arka dagaal Diimeed baahsan ee Soomaalida hareeya oo sii xumeeya xaaladaha cakiran ee umadda Soomaaliyeed ku jirto.

Dhibaatada soo food saartay kooxdan ku cusub masraxa siyaasadda ee Soomaaliya ayaa waxaa ugu weyn aqoon la'aan xagga luqadda taasi oo keentay in rag badan oo garaadkoodu hooseeyo laakiin muraadkooda Masalle eey ugu seexanaayo ay habeen madow u soo kala dhuunteen Madaxdii suufiyada iyadoo qaar kalena meheradihii ay ku heysteen Qurbaha iyo caruurtoodii daayacay oo u xusul duubtay sidii ay Cadkan bislaaday ee ay Ahlu sunna u diyaarisay Itoobiya ay Qeyb Libaax uga heli lahaayeen.

Ma doonaayo inaan Shakhsiyaad gaar ah magacaabo waxaanse Tusaale u soo qaadanayaa nin is naqaanay ilaa 30 sano oo haddana aan Reer Toronto isla aheyn oo aqoontiisu ku kooban tahay xoogaa Ingiriis ah oo Canada laga bartay iyo Community yada  Toronto oo magaca Soomaalida ku qaraabto uu mid ka mid ah u furan tahay sidii tabakaayooyinkii suuqa Bakaaraha, ninkaas oo markii dambe noqday taageeraha Koowaad ee Amxaaradii dalka qabsatay isaga iyo koox maan laawayaal ah oo Toronto laga yaqaan ay ka dhex beerantay Jeceyl Amxaaro iyo taageerid Dowladii Cabdullaahi Yuusuf oon innaba laheyn wax lagu taageero wanaag iyo xumaan toona.

Ninkii isaga ahaa ayaan Beryahaan ka dhex arki waayay asxaabtiisii oo ay siku qaban weysay beryahaan dambe sidii Amxaaro u baxday Cabdullaahi loo eryay oo meel ay wax ka bilaabaan la', nasiib wanaag ninka isaga ah wuxuu si qarsoodi ah u aaday Itoobiya isagoo uga sii gudbay dhankaa iyo gobollada dhexe si uu  u helo qeyb ka mid ah qeybaha la boobayo ee Sadkii Ahlu sunna umana arko iney wax ceeb ah leedahay waa nin rag ah iyo kartidiisa oo sheekh Shariif ba maalin cad ayuu Banaanka dhigay Oday Aweys waana caqli la is dheer yahay .

Waxaan shaki ku jirin dad badan ii igu fikir ah iney ka niyad jabeen in Ahlu sunna wax ka badali doonto xaaladaha Soomaaliya dhanka wanaagsan Sababa Dhowr ah Awgeed:

  • Ahlu sunna oo ay afduubteen rag ilbax ah siyaasdanaku haminaya iney meel ka gaaraan laakiin gaabis noqday adduun iyo Aakhiro, iridda u furanna ay noqotay Ahlu sunna waljamaaca.
     
  • Ahlu sunna oo u gacan gashay Cadawga Soomaaliyeed ee Itoobiya oo aan looga fadhin in wax wanaag ah oo umadda Soomaaliyeed loogu daneynaya sameeyaan.
     
  • Ahlu sunna oo aan u diyaarsaneyn iney kala shaandheyso ruuxa Islaamka dhabta ah ee 5 tiisa waqti tukada iyo taariiga Ilaah xarigiisa ka furtay oo aan tirin karo ugu yaraan toban qof oo la buunbuuniyay iney buuxinayaan jagooyinka wasiirnimada Ahlu sunna.
     
  • Bidciga madaxweynaha ah wuxuu wasiiro ka dhigay kuwa bidcaa oo aan aqoon kale laheyn, sida Janaqow iyo wixii la halmaala, Ahlu sunna maxay uga baahan yihiin Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo aan xitaa Soomaalinimada Aaminsaneeyn oo ah gabar reer Somaliland ah ama ragga kale ee uu Galaal ka midka yahay iyo Axmed Cabdisalaam iyo qolyaha reer Caabud waaq ee is gadgadiska badan.
     

Su'aashaan maskaxda Suufiyada ka shaqeysiineya aan ku soo gunaanado Maqaalkeygaan

Faradka iyo Sunnaha keebaa horeeya, Sunnahaidinku aragnayee Faradkii xaggee geyseen?

Mar i daga Alley dagay mar labaad i dage se aneey is dagay, Maxaakiim iyo Qurun baa nalagu qiyaanay oo Khawaarij iyo Takfiir iyo Bidco dhashay walaan diin dambe la iigu soo gabbaneeyn ee Suufiyadooy Xeradiina Doofaaraha ku soo xoomay xag isaaga ceyrsha ama daadku ha idin qaado sidii duulkii idinka horeeyay!

Abtidoon Aw-Baahalow
St-john, New-foundland, Canada



Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.