Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Waxaa maalmahaan isa soo taraya khilaaf xooggan oo ka dhex aloosan golaha Baarlamaanka, khilaafkan oo cirka isku sii shareeray ka dib markii u is calisay: Cismaan Cilmi Boqorre, oo ahaa Guddoomiye Kigeenka labaad ee Baarlamaanka, isaga oo waliba ku warbixiyey sidan: “Awalba magac u yaal ayaan ahaa oo xilka aan hayo kuma shaqaynayn”, hadalkaas oo noqday mid ka shanqariyey arimo in badan duugnaa, maanta waxaan ku eegaynnaa qormada khilaafkan iyo qaabka dawladdu ku wajihi doonto.

Ugu horrayn waxaa habboon in dib loo milicsado sooyaalka dhaw, waxaan uga jeedaa dhismaha baarlamaanka markii horaba lagama baaraandegin, waxaa loo unkay si ku dhisan cirweyni iyo intaas ka yar iguma filna!, maxaa yeelay shirkii Jabuuti ka dhacay dhammaadkii sanadkii 2008-eedda wuxuu horseed u noqday dhismaha baarlamaankii ugu tira badnaa taariikhda dawladeed ee Soomaaliya, ma ahan markii ugu horreysey ee Jabuuti lagu unko xeer xaglo dabacsan iyo cawaaqib xumaba wata, waxaa sanadkii 2000 lagu hirgaliyey mabda' afar iyo bar (4.5).

hunguri weynanka ku jiray labada qolo ee waraaqaha wada saxiixday, wuxuu gaarsiiyey in baarlamaanka laga dhigo in ka badan 500 oo xildhibaan, taas waxaa ka dhashay inuu xero u noqdo Duuble(Wadaad) iyo Dafdafle(Qabqable), waxaa yaraaday ama aanba jirin inta xil kaska ah ee ku jira golaha, waxaa ciriiri noqotay in la helo aqoon yahan la farfiiqo oo laga dhex tilmaamo golaha, dhammaan waxay isugu jiraan xildoon xamlan xukun iyo xadiis wada iyo xildoon xamlan xaabsade iyo xeer-ma-dhawre, isir weynaha ay wadaagaan waa Xabashi, isir yaraha ka dhexeeyaa waa: Xaglin iyo Xigaalayn!.

Khilaafku wuxuu asal ka billawday waqtigii guddoonka baarlamaanka oo dhammaaday, markaas la soo jeedyey in la qabto doorashada guddoon baarlamaanka, balse taas waxaa dhagaha ka furaystay guddoonka baarlamaanka, gaar ahaan waxaa ka biya diiday Sh. Aadan Madoobe oo aad mooddo inuu dhaxal ahaan u fadhiyo meesha, arinta meesha ku jirta haddii qaanuun ahaan laga eego, miyeysan qumanayn in la tixgaliyo xeerka dhigan? Ee sheegaya in la qabto doorasho si loogu codeeyo qofka baarlamaanka u noqonaya shirguddoon, taas malaha dad badan ayey dhibaysaa, waxaa ka sii muhimsan inaan wali dawladdu ka hadlin khilaafkna!.

Xildhibaan Qanyare ayaa bilo ka hor soo jeedayey: in nimaka xilku ka dhammaaday laga kexeeyo meesha, balse waxaad mooddaa inaan cidna dhag jalaq u siin, sababta aan si qumman looga hadlin arinta wali mugdi badan ayaa ku jira, waa hubaal in xarig jiid badani ka dhexeeyo xildhibaanada dhexdooda, balse miyaan wax walba laga hormarinayn qaanuunka iyo axdiga dhigan? Bal u fiirso meesha sharcidajiyayaashi ay sidaan xeerka u gaar marayaan maxaad ka filan kartaa qof kale? Waa inuu u dhaqmo sidaa iyo si ka sii xun!, maadaama kuwii isku sheegayey xeerdajiyayaashiiba ay sidaan u dhaqmayaan.

Dhanka kale dawladdu maxay u soo faragalin waysay khilaafka? Waxaa la yiri: “Tiisa Daryeelaa Tu kale ku Dara!” iyadii ayaanba geedna hasyan waabna ku jirin, oo ka dhammaan la' safar iyo socdaal aan dhammaad lahayn, tolow( Soomaalaay) may noogu sahmiyaan meelo badan oo u baahan sahan, si ay xog fiican noogu soo tabiyaan? Maya taas ha sugin meelaha ay tagaabna ma garanayaan waxa ay u tagaan iyo waxay ugu socdaaleen, waa qasaaradaas!, malaha arintu markaas waxay noqonaysaa Jinni ku xaqsay iyo xoog tacab beelay!.

Khilaafka baarlamaanka in kastuu salka ku hayo waqtiga dhacay, haddana waxaa jira gaashaanbuursi iyo xaglo daacin, maxaa yeelay warar maalmo ka hor la isla dhex marayey waxay sheegayeen in kooxda Duublaydu ay damacsan yihiin inay yareen joogitaanka haraaggii dawladda Empagathi, taas oo caqabad hor leh ah haddii ay dhacdo, maxaa yeelay baarlamaanka hadday suttiga u qabtaan dawladdana kala bar iyo ka badan yihiin ama inta taageeradooda ay ku badan yihiin, waxay noqonaysaa dawladdu Dabran Duubleey!.

Aanse ku leebto is-casilaadda Cismaan Cilmi Boqorre, taas oon filayo inay dad badani u arki karaan tallaabo kala daadin doonta baarlamaanka, waxaan kula kulmay Libya 2005-tii, isaga oo halkaas u yimid inuu kaga qayb galo shirka baarlamaanada Carabta oo lagu qabanayey Libya, safarka waxaa ku wehliyey laba xildhibaanoo kale, xilligaas waxaa jiray kala qaybsanaan ka dhex taagneyd dawladdii C/laahi Yuusuf, oo dawladda waxaa saldhig u ahaa Jawhar, sidoo kale magaalada Balcad oo dacalka ku haysa waxaa fadhiyey Muuse Suudi oo taageero ballaaran ka haystay golaha Samatabixinta Soomaaliya xibinna ka ahaa, oo ay ku midaysnaayeen Qabqablayaal iyo Wadaaddo aan ka xusi karo Sh. Xasan Dahir Aweys.

Waxaan ku booqday hotelka uu ka deganaa caasimadda Libya ee Tripoli, sheeko ka dib wuxuu warkii ku hoobtay dawladda iyo garabka Muqdisha salka dhigtay, Cismaan Cilmi Boqorre wuxuu cay iyo aflagaaddo ugu dhaqaaqay C/laahi Yuusuf, run ahaantii igama ahan inaan difaacayo C/laahi Yuusuf, balse waxaan xiganayaa wixii dhacay iyo siduu u hadlay Cismaan Cilmi Boqorre, Ani ahaan markaas aad baan ula yaabanaa ninkan da'da ah ee sidaan u caytamaya, haddana xildhibaanka ah deedna ku jira guddoonka baarlamaanka, way ii cuntami waysay dantuse waxay noqotay inaan sideeda ku liqo sidii xabad aspirin ah oo kale.

Maalmo ka dib waxaan arkay isagii oo Jawhar tagay C/laahina Ammanaya, sawir gacmeed ayaa Aminarts ku muujiyey, markaas ayaan jawaab u helay yaabkii aan maalintii ka qaaday, una gartay inuu yahay qofaan shaqsiyad lahayn, Soomaalidu waxay tiraa: “Waayuhu is badali maayaane yuusan hadal ka tagin”, waxaad moodda in taariikhdu dib usoo noqotay, hadalka uu ku hadlay markuu is-casilay iyo kuu ku hadlay markaan Libya kula kulmay wax sidaa ah kuma kala duwana, kii hore cay ayuu ahaa kanna waa cabasho, balse isku meel ayey ku biya shubanayaan oo ah inuu meel u liici rabo!.

Waaba iga su'aale inta aad magac u yaal ahayad maxaa meesha ku dhigay? Mise waxaad ahayd qasbane aan xorriyad haysan uu ku hadlo ama iskuu casilo? Garan maayo waxa Siyaasi isku sheegga Soomaaliyeed marka uu meesha sandareertada ka waayo ee uu isaga tagayo u caytamo, inta kale ee uu dhex muturo dhacdhacna soo gaarayo kama maqlaysid wax dhaliil ah, balse marka uu waayo wax gacantiisa ku soo dhaca ayey afka furanayaan, awalba caado qaatayaal ayey ahaayeen, wuxuu asal iyo faracba afka ku taagayaa wixii jiray oo dhan!.

Waan ka xumahay haddaad lahayste ahayd, haddaadse ikhtiyaarkaaga ku joogtay cidna kaa yeeli mayso awalba magac u yaal ayaan ahaa!, haddaad ogeyd inaad magac u yaal ahayd maxaad mar hore isaga tagi waysay? Teeda kale maxaad u ogaalatay in magacaaga lagu qaraabto adna aad noqoto magac u yaal? Iima bixin hadalkuye mana ii dhadhamayee ninku ma sanifaad ayuu isu liiday? Mise waa qaab lagu qiil raadsado? Ilamase ahan mid u cuntamaysa qof caqli leh, inuu ku waramo intaas oo sano waxaan ahaa magac u yaal aan qiimo lahayn, taas waxaa ka sii muhimsan wuxuu yiri: kuma shaqaynayn xilka aan hayey, haddaas maxaad ku shaqaynaysay? Ma suuqa madaw iyo luuqluuq?.

Waxaa madaxa wali ka dhawaaqaysa kuraastii cascaseed, ee ay isku gaaraceen xildhibaanadii dawladdii Impagathi, taas oo aad u qiima tirtay siyaasi isku sheegga Soomaaliyeed, isagoon markii horaba qiimo sidaa ah lahayn, hadda baqdintu waxay ka jirtaa in mar kale kuraasta la is la dhoco, illeyn xishood iyo caqli midna ma jiree!, aamuska Sh. Shariif ma culays uga imaanaya Xabashidaa mise waa jiclacsanaantiisa? Waxaan wada xusuusanna xiriirka fiican ee ka dhexeeya Sh. Aadan madoobe iyo Xabashida, oo xittaa qayb ka qaadatay doorashadiisii hore, malaha maanta iyada ayaa meesha ku ilaalinaysa!.

Sida caadada ah waxaan sugaynnaa in la qabto shir dib u heshiisiineed oo lagu kordhin doono golaha baalamaanka, arintuse waxay tahay maanta ma loo baahan yahay in la kordhiyo baarlamaanka? Mise habboon tahay in sanad walba la qabto shir dib u heshiisiineed? Taas ka sokow arinta dhextaalka ah ayaa waxay tahay haddii dawladda Sh. Shariif xilka ka dhammaado wax u haraaba iska yare: tallaabo noocee ah ayey ku dhaqaaqi doontaa? Ma cusboonaysiisan doontaa mise doorashooyin ayey qaban doontaa? Ayaamahan gacan ku rimisku iyo meel ku dhaggo wuu batay!.

Ugu dambayn dawlad ka dhammaan la' khilaaf, mid hareeyey golaha sharci dejinta iyo mid hareyey golaha fulintaba, mid shaki kuma jiro inuu dhammaaday waqtiga guddoonka baarlamaanka, haddaba su'aashu waxay tahay: Sh. Aadan Madoobe muxuu isugu dhajinayaa Guddoonka Baarlamaanka? La arki doonaa sida arintu ku aakhirsato, waxayse muujinaysaa ninkii meel loo dhiibaa inuusan sahal uga tagayn, si qof walbaa meesha u sii xajisto wuxuu iska diiwan galiyaa xafiiska xilbixinta ee Xabashida, waa inuu socdaal ku tagaa Addis Ababa, Sh. Aadan Madoobe safarkii uu ku tagay Addis waxa uga soo kordha waan u wada joognaa.

 brdiraac@hotmail.com



Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.