Qiso Cajiib ah – Dagaal Waa Tab iyo Xeelad

Dugsiyadii Sare ee Magaalada Muqdisho mid ka mid ahaa, ayaa 70-meeyadii, waxaa Ardadiisa ka mid ahaa Arday isaga oo da’-weyn laga keenay miyiga fog. Kaasoo meel dhexe kala soo qabsaday W/barashada. Taasoo sidii ay ugu suura-gashay aan laga heyn tafaasiil badan.

Ardaygaas oo lagu magacaabi jiray ‘Weerar’ ayaa aad uga dherer, xoog & lixaad badnaa dhamaan Ardadii Dugsiga iyo xitaa qaar ka mid ahaa Macallimiinta.

Waa ay ka wada baqi jireen Ardadu; waayo kii ay xoogaa is-maan-dhaafaanba, wuxuu ugu caga -jugleyn jiray Oraahyo ay kamid ahaayeen:-”Laba Cad ayaan kuu kala dhigayaa” , “Qoorta ayaan kaaga istaagayaa”,”Dhulka ayaan kugu masaxayaa” iyo Oraahyo kale oo wada handadaad ahaa.

Markii dambe Weerar waxaa ay isku fasal noqdeen Arday kale oo isagu ahaa Caato, kana dherer iyo lixaad yaraa isagaas. Kaas oo ka cawirnaa Isha Midig, looguna yeeri jiray ‘Weershe’. Weershe, wuxu ka mid ahaa Ciyaalkii ku dhashay, kuna barbaaray Muqdisho oo beri-samaadkii joogta.

Weershe waa uu ku liitay xagga Waxbarashada, waayo, Habeen kastaa waxuu dhex-fadhiyi jiray mid kamid ah Senemooyinkii Muqdisho sida: Xamar, Banaadir, Afrika,Ceel-gaab iwm. Wuxuuna danayn jiray Aflaamta ku saabsan Xeeladaha dagaalka, ‘Cow-boyga’, Shirqoolka iwm.

Ciyaalkii Xaafadiisa wuxu kaga tilmaa naa: Dagaal-yahannimo, Keriwaa-nimo, Kelya adeygnimo, iyo Col-u-joognimo. Jirkiisa waxaa ku wada yaallay:Nabarro, Daqarro, Xagtinno, Meelo la tolay, Jab la kabay, Boogo iyo Firitooyin aan weli bogsan…!!.

Maalin ka mid ah maalmaha, ayaa waxa isku dhacay Weerar & Weershe. Sidii Caadada u ahayd ayuu Weerar lasoo booday Oraahyadisii ay ka midka ahayeen:-”Dhulkaan kugu masaxayaa “iwm.

Laakin, si uusan filanayn, ayaa waxaa ugu soo jawaab-celiyay Weershe, oo isaguna ku caga-jugleeyay Oraahyo waayadaas laga isticmaali jiray Xamar, oo ay ka mid ahaayeen:-”Goofanaha aan kaa garaacaa”, “Gurbaan camal aan kuu kub dhabaa”, “Bog iyo Xabad aan kuu tumaa”,”Feer iyo Fara-laab aan kaa badihaa”, “Baanjada aan kaa bukeehaa”,”Bustaadaan kicihaa”.iwm..!!.

Weerar iyo Weershe ayaa isku sii kululaaday. Wey isu dhaarteen. Waxay ku ballameen meel duleedka Dugsiga ku taallay oo lagu magacaabi jiray ‘Kala-reebta’.

Rawaxaaddii duhurnimo ka-dib, ayay isu soo tafa-xeyteen oo shaararka isula baxeen. Ardadii Dugsiga oo dhan(Wiilal & Gabdho) ayaa soo xaadiray Goobtii Kala-reebta, iyagoo wada shaarar cad-cad iyo Saraawiil Kaaki ah wada labisnaa.

Weershe ayaa Gacanta ku horreeyay oo Feer deg-deg ah kaga naxsaday Weerar, kuna hubsaday Maashkiisa. Weerar aya Feer miizaan-culus oo aan loo meel-dayin lasoo booday,lakin, waa loo gooyay(gas aa loo siiyay), waxayna noqotay sidii ‘Hal Bacaad lagu lisay’.

Weershe ayaa mar kale Feer qorsheysan la helay Goonka sare ee Isha midig ee Weerar; isla markiina si talantaalli ah ayuu laba feer oo kale qabadsiiyay Bogga & Xabadka Weerar. Haddana Lootooyin ayuu la beegsaday oo ku hubsaday Mergiyadii iyo Tunkii Weerar.

Wuu wareeray oo dhulkaa la wareegay Mr.Weerar. Habeenkii & Maalintii ayaa isaga qaldamay. Meel uu joogo ayuu garan waayay. Jihada ay ka imanayaan darbooyinka Weershe, ee ku dhacaya meelaha nugul ,ayuu xaddidi kari waayay..!!.

Isaga oo gagabaya, oo ilaa xadna wareersan, ayaa hadana waxaa si fudud u legdooday Weershe, oo madaxii Weerar ayaa dhulka lagu hubsaday. Boga ayuu Weershe uga fariistay Weerar. Wuxu muuqaalkoodu u ekaa, sidii: Doolli(Jiir) Xabadka uga fadhiya Mukulaal(Bisad)..!!.

Halkaas waxaa ku soo af-jarmay caga-jugleyntii uu Weerar ku heyn jiray Ardadii Dugsiga…..!!. Nin ay shantaadu kaa reebin, Sharcina kaama reebo,Shaf iska sii shafeeco aad ka heshide, Nin rag ahna aan is-deynuu kugu daayaa ee i daa kuguma daayo, Lax walibana Shillalkay is-dhigtaa lagu qalaa..



Maqaal: Tafaraaruqaan iyo kala daad sanaantaan baahday xagay salka ku haysaa?

RAXAN KA REEBEEY ALIF WAX MALEH IYO WAALEEYAHAY KALA DAAYA

Bashiir Yusuf: Soomaaliya iyo carbis

Caalim Caalamka wareegaya shiddo la’aan iyo ardaygiisii aan godkuu galaba ku badbaadayn? Suldan Garyare

FARIINI WAA QAAN SOOMAALIYEEY "BY YUUSUF BASHIIR"

SOOMAALIYA MA XOR BAA MISE WAA MAXMIYAD HOOS TIMAADA QARAMADA MIDOOBAY (TRUSTEESHIP COUNCIL OF THE UNITED NATIONS)?

Heshiiska TFG iyo SKA Air Logistics Qalinka (Shakib Dhowre)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII SADDEXAAD.

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu? (QAYBTII LABAAD)

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP Maxay Tahay Shaqadeedu (Qaybta 1aad)By Suldaan Garyare

Faallo:- Nabad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhul kala sheegashada iyo Sed-bursiga Soomaalida.

Ileyn Nimaan Xishoon Dagaal Xeeli Kama Heyso: Suldaan Garyare

DUULAN GALGALA MISE FASHILAAD FAROOLE.‏ (Qalinkii Xassan Carab)

RAAFKA DADKA KA SOO JEEDA K/SOOMAALIYA TALAABO KHALDAN

CALANKEENU LEBEIS MIYUU GALAA IYO ISTUSTUS!

Kaynaan, Kali Kaabay kaalin la wada gabey "1 By Bashiir M. Xersi."

The Roots of the Islamic Conflict in Somalia by Dr Baadiyoow

Puntland! Sidee Xega loo Xagta oo Ilka Unabad Galaan. Maqaal Puntlander

Ma tanaa Turkigiina Baqal usoo fuulay .‏Qore-Xassan Carab

Hambalyo iyo bogaadin ku socota Isimada Gobalka Bari by DR Yusuf Isse

Puntland Iyo Cadaalada By Dr: Yusuf Issa

Urur Diimeedkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo noqday xero doofaar ku soo xoomay oo xaalkeed Ilaah wax ka ogyahay

Wiil 11sanojir ah uu sababay IN haweenay Gaalo ah Muslimiyo

Magac u Yaallo mise Mansib u Yuurarayaal?!.

Soomaaliya ma argagaxisaa joogto? Dr:Yusuf Essa

Maxaa diyaaradihii Yurub fadhiisiyay? Cibra qaadasho la xidhiidha Falkaanaha Iceland?

13 jirbaan ahaa goortaan Ogaaday in layna gumeysto waxay ahayd markaan la kulmay 2 qiso oo iyaab galiyaya.

Taariikh Muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya

Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna.