Xuseen-dhiqle iyo Gabeygiisii Qiimaha badnaa ee Qayb Libaax

Waa qayb cusub oo ka mid ah dersigii taxaneha ahaa ee summaddiisu ahayd ‘rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi.’  Waxaan maanta soo qaadanaynaa gabaygii Qayb Libaax ee uu mariyey Xuseen Maxamuud Faarax, waa Xuseen-dhiqle.

 

Tan iyo kolkii ay Daraawiishi halganka billowday, waxaa Sayid Maxamed iyo boqortooyadii Caruuso ee Nuux Maxamuud Daadhi suldaanka u ahaa u dhexeeyey xidhiidh qarsoodi ah.  Dhambaalo, fikrado iyo hadyado badan ayey is dhaafsadeen intii Daraawiishi Doollo iyo Ciid, Nugaal iyo Mudug ku dhaqnayd.  Markii Daraawiishi IImeey soo degtay ayuu Sayid Maxamed waraaq u diray Suldaan Nuux isagoo uga waramaya xaalladda Daraawiish lasoo daristay caddaynaya inuu jahaadka halkii kasii wadayo ilaa uu gumaysiga dalka ka saaro.  Waxaa sidoo kale jiray balanqaad xididtinimo oo dhexmaray Sayidka iyo suldaanka.     

 

Wax yar ka dib, waa tii Sayid Maxamed geeriyooday, waa tii Daraawiishi firidhay, waa tii taliskii xaruntu Iimeey ka guuray kana cidgalay  caro Caruusaad.   Khusuusiga caro Caruusaad tagay waxaa ka mid ahaa Xuseen-Dhiqle, Abshir Dhoore, Cismaan Boos, Jaamac Lugay iyo Xaaji Firxad.  Balanqaadkii ahaa in labada madaxtooyo xididaan ayey odayaashaasi iyo kuwii Nuux Daadhi fuliyeen, waxaana, sida uu sheegay Isahaaq Maxamuud Daadhi, labada dhinac  dhexmaray kala guursi ilaa lix ahaa. 

 

Jamaad Sheekh Cabdille oo ka mid ahayd dumarkii halkaa lagu kala doonay ayaa diiday inay guursato Nuux Maxamuud Daadhi.  Nuux wuxuu la kulmay Xuseen-dhiqle oo ku yidhi bal haweenayda la hadal.  Xuseen-Dhiqle wuxuu  la aragti ahaa Jamaad raalina kama ahayn in la siiyo Nuux Maxamuud.  Horena wuxuu uga xumaa Cali Diniqo oo la siiyey Naado Buraale.  Haddaba wuxuu mariyey gabay garnaqsi ah oo murtidiisu tilmaaman tahay oo uu kula hadlay nimankii madaxda ahaa ee reer Daadhi.  Waa gabay mid loo dhigaa ku yar yahay suugaanta Soomaaliyeed. 

 

Xuseen wuxuu isticmaalay sheeko xariir Soomaaliyeed oo ah sidan.  Waxaa la yidhi habar dugaag ayaa hal dilay kolkaa ayey sidii ay u qaybsan lahaayeen isugu yimaadeen.  Libaax oo loo qirsan yahay inuu yahay boqorka duurjoogta ayaa dhurwaa faray inuu isu xilqaamo qaybinta hilibka.  Dhurwaa wuxuu soo jeediyey in libaaxu hasha badh qaato badhna habar dugaag inteeda kale ay ku calyo-qubto.  Libaax arintaa Alle kuma anficin, il iyo ayeydeed ayuuna dhurwaagi rujiyey.  Dhurwaagii oo dhinac isu godaya ayaa safkii habardugaag gadaal u maray.

 

Libaaxii ayaa miciyo listay.  Ishuu saa ula raacay kolkaa ayuu wuxuu soo qabtay Dawaco.  Ku ye, naa dayooy hilbaha asxaabta u qaybi oo waliba si cadli ku jiro u qaybi.  Soomaalidu waxay sheegtaa in dawacadu sir badan tahay ama dhiifoon tahay.  Dawaco waxay tidhi libaax hasha jeex dhan bal qabo! Intaa markii uu maqlayba libaax baabul ayuu kiciyey, indhihii ayuu galka kasoo saaray, afkiisii labada taako ahaa ayuuna kala dhuftay.  Wuxuu is yidhi waddadii Dhurwaa maray ayey Dawacana ku socotaa.  Ha sakatiyin bay tidhi adeer cag baruurow wali qaybtu way socotaaye.  Badhka soo hadhay laba marka loo qaybiyo nus ku tag oo casho ka dhigo ku te.  Intaa kolkuu maqlayna dibbuu u yara joogsaday.  Wuxuu is yidhi wax yarbay waraabe caqli dhaantaa.  Badhka soo hadhayna adeer cidina kuguma haysato ee berri qureec ka dhigo ayey ku gabagabeysay.  Libaax qosol buu la dhacay wuxuuna Dawaco ugu hanbalyeeyey sida siman ee ay saadka u qaybisay.

 

Libaax haddii uu hilibkii hasha kaligii saa ku qaatay, habar dugaagtii kale ayaa Dawacadii qabsaday.  Naa maxaad inoo qadisay oo aad libaax kaligii hilbaha u siisay?  Iyaduna waxay ku jawaabtay, isha waraabe ka lulato sow ma aragtaan, war meesha haygu ajalina. 

 

Xuseen-Dhiqle sheekadaa ayuu gabaygiisa ku dhisay.  Qaar badan ayaa gabayga maqan, laakiin inta naga soo gaadhay wuxuu yidhi: 

 

·         Qiyaashow libaax baa dhurwaa, qaybi yidhi soore

·         Wuxuu yidhi hilbaha jeex bal qabo, qoon dhan baan nahaye

·         Markaasuu qabbabaalihii, qoonsadoo dilaye

 

·         Dharbaaxuu il kaga qaadayoo, hoor ka soo qubaye

·         Afqashuushle goortuu dhintuu, sii qataabsadaye

·         Qambaruursi iyo oohin buu, qoon dunuunucaye

 

·         Dawacuu kolkaa soo qabsaday, sida qisaaseede

·         Iyadoo qadhqadhi buu ilkaha, qoorqabkii xoqaye

·         Wuxuu yidhi qanjaafula xumeey, tali qaddaarkaaga

 

·         Adeer gacalle qaar iyo dalool, qaaxo iyo feedho

·         Qummud iyo baruuriyo legiyo, qawdhihii kuruska

·         Kuu wada qorsheeyeye Islow, neefka wada qaado

 

·         Markaasuu wixii qaday qabsaday, qoobab kadafleeye

·         Wax la yidhi qabiil ma leh dayooy, qayliyaha aare

·         Innagoo quruun dhanna maxaa, qado inoo diiday?

 

·         Qacdii hore haddaan dayey kobtii, weerku sii qulushay

·         Badhbaa kuu qisma ah waa wuxuu, eeday qaar yare

·         Aniguna qudhaasaan ahoo, lay qulqulateeye

 

·         Duqii noo qab weynaa wakaa, qooqa loo dilaye

·         Qaddaarkii Illaah iyo Rabbaan, quud ka sugayaaye

·         Qudhaydaan u yaabaye miyaan, idin qasaarteeyey

·         War ma anoon qudraba haynin baa, qamash ka soo waaqsan?

 

·         Anna qayb libaax weeye taad, igu qasbaysaane

·         Dadka igu qoslaayiyo kobtaan, ka qalbi diidaayo

·         Qadayeey adduunyo uma socon, waad i qaharteene

·         Qadankii dariiqiyo haddaan, qaniimadii waayey

·         Labadii qofee nagaga hadhay, qaafadii dumarka

·         Tii quruxda roonayd hadday Cali, la qooqayso

·         Qudhoo kaliya baa nagu hadhoo, qalabku noo yiile

·         Tana qaata Naadaba ragbay, qaac u shidataaye

 

__________________________

Gabaygan waxaa lagu qoray buugaag kale duwan waxaana laga baahiyey barnaamijkii Fanka iyo Suugaanta ee Radio Muqdisho.

 

Hordhaca gabayga waxaan u cuskaday uruurin iyo waraysiyo gaar ah iyo buuggii uu qoray Siciid Samatar ee cinwaankiisu ahaa Poetry in Somali Politics: The Case of Sayid Mahammad Abdille Hasan.   Northwestern University, Evanston, Illinois. 1979.

 

 



Qore: Xigasho"Doollo.com