"Xildhibaan Baruur laaca" Gabay Cusub oo curiyay Muxyadiin Ciid
XILDHIBAAN BARUUR LAACAYA
Gabeygan aan ugu Magacdaray Xildhibaan Baruur laac ah, waxaan curiyay kolkii Xildhibaano badan oo ka tirasan DFKG ah, sharaf iyo xurmadii ay ku magacaabnaayeen ayagoo huwan qiimihii calanka Soomaaliyeed dhulka ay ku jiideen Booliiska Kenya, halsaac gudahoodna lagaxaraasay Hoteladii iyo baararkii Nayroobi ayagoo shabaqle inta la saarey tuugadii iyo darbijiifkii lala xareeyay.
Taa waxaa ku weheliyay Saraakiil iyo siyaasiyiin waaweyn oo Soomaaliyeed, taas markii aan arkayna aan garowsaday in Kenyaanku aysan danbi laheyne waxa danbiilayaasha ah ay yihiin kuwaan, sheeganaya Siyaasiyiinta, Saraakiisha iyo Xildhibaanada aan BARUUR LAACA U BIXINAYO.
Inkastoo Gabeygan aan baahin xiligiisii, ayaan waxa aan hada u sii daayay, maadaama maalmahan sawaxan iyo bulaan ay lasoo baxeen, ayagoo dadwax badbaadin kara iska dhigaya, ka bogasho wacan
HADAAN GABEYGU WAA BURJEE BA’DA KA HIGAADSHO
OON BALLAQO BAABAB AAN HOREBA LOO BOOQAN
BAD IYO WEBI FURMOO KALUU SOO BURQANAYAAYE
AAN BUTAACSHO MAANSADAAN BEDDENKA II JIIFTA
SIDII QARANKU BUUQA UGU DHACAY BAADIL BAAKACAY
BUGUX IYO BARI FIDNADU WAYSKA DABA BOODAY
GURI WALBAA BULAAN KA BAXAY BOOHIN IYO QAYLO
DAD XUMAHA BUUFIYAA JIROO LOO BARTIRINAAYAY
BULSHADANA BUUNKAA GASHIYO BAAB’A IYO HOOGA
SIYAASIGA BASAASKA NOQDAA BOOGTA NAGU TAALAH
GANACSADAHA BOOLIDA WATAA YAA LA BAALBA AH
WADAADADA BILAAWAHA SITAA BARABA DHEERAADAY
INKASTOO LOOWADA BARATAMAY BI’INTA SOOMAALI
BAARLAMAANYOW TAA KEENTAYBAA LAGA BUGSOONEYNE
XILDHIBAAN BARUUR LAACAYOO BOHOLBA EEGEYNIN
BILAAHI BAY KA TAHAY INUU QARAN BADBAADSHAAYE
BAARARKII NAYROOBI KU YIIL KAMAAD BALWEYSEENE
DAARAHAAS RAG BILICSADAY MA AHAN BEYTKAAYE
BOWDKOODA WAXA KU DHIGAY WAA BADOWNIMO’E
ADIGAA DHULKIIGII BA’SHOO BAYLAHSHOO NACAYE
ADIGAA BANDIIRAD IYO CIID BAAYACOO GATAY E
BAD IYO BERRI WAA ADIGII BOORSADOW SITAYE
DAMIIRKII BUKAA KA DARAN BAKHTIGA XOOLAADE
BIIRQAATE IYO WAA SIDAAS AAD U BADATEENE
DIBIBA BACADKUU ISDHIGAA LAGU BIREEYAAYE
BOQNAHA NINKII IS JARA WAA U BALAANBALINE
BAHDIIS NINKII QOONSADOO BAHALKAW LOOGA
KAMA HELO BARAARE XUMUHUU BEEGSADAYE
BARTII UU WALAALKIIS DHIGAA LAGU BIRSAARAA
BUDKA KEENYA KULA HESHAY WAAN U BOGAYAAYE
BAGANA WAAN IRI KOLKII XABSI LAGAA BUUXSHAY
OO AAD BAROORTII KU TIRI BA’AYEY WAN HOOGAY
LAX BILAAWE LOOSITO SIDEED BOHOLANA JIIDHAY
WADNUHUNA KUSOO BOODAYOO AAD BASTAA NOQOTAY
ADIGOO BURSAYNLIYO U EG BAALASHLE IYO TUUGTA
BAARLAMAANI BAAN AHAY MAXAY BA’DAYE KUU KEENIN
Waxaa Curiyay Muxyadiin X Ciid
Alcarab1@yahoo.co.uk
Qore:
Deelleydii Qarnigii 21-aad C/Raxiin Hilowle uu ku soo biiriyay Maanso cusub "Maanso Dooni"
Qore: Ogaal
Gabay Aqoonxume Aqoolxume Haddana Magac Amiireedle -Maxamad Xaaji Ereg---
Qore: Ogaal
Xuseen-dhiqle iyo Gabeygiisii Qiimaha badnaa ee Qayb Libaax
Qore: Xigasho"Doollo.com
Gabaygii Waa Duni
Qore: Xigasho"Doollo.com
"Darin iyo go’ wadato" Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)
Qore: Doollo.com

